Dhageyso: DastuurkiiMaamulka 3 Gobol ee Ka socdey Hotel Bakiin Oo La Ansaxiyey

0
09 February, 2014 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 2132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: DastuurkiiMaamulka 3 Gobol ee Ka socdey Hotel Bakiin Oo La Ansaxiyey

    Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay uu ka socdo shirar kala duwan oo Maamul Gobaleed loogu sameynayo lix Gobal iyo saddex Gobal oo Koonfurta Soomaaliya kamid ah ayaa maanta ergada ka shireysa maamul usameynta saddexda Gobal waxa ay ansixiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay uu ka socdo shirar kala duwan oo Maamul Gobaleed loogu sameynayo lix Gobal iyo saddex Gobal oo Koonfurta Soomaaliya kamid ah ayaa maanta ergada ka shireysa maamul usameynta saddexda Gobal waxa ay ansixiyeen Dastuur uu yeesho Maamulka loo sameynayo saddexda Gobal.

Ex-Xildhibaan C/qaadir Shido oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegey in ergo gaaraysa 650 ay ansixiyeen Dastuurka saddex Gobal.

Wuxuu sheegay in madasha ay ku sugnaayeen ergooyin kala duwan oo ka kala yimi Gobalada Baay iyo Bakool iyo Shabeelaha hoose oo ah saddexda Gobal ee maamulka loo sameynayo.

Isla Baydhabo waxaa ka socda shirka lixda Gobol maamulka loogu sameynayo oo ay wadaan qaar kamid ah odayaasha Magaalada Baydhabo, shido wuxuu sheeegey in mamaul usameyntii 6 gobol aanu weli laga tanaasulin balse marka kowaad ay sameysanayaan 3 kadibna xuquuqda inta kale dib ka raadin doonaan.


Waxaa muuqato in shirar isbar-bar yaac ah ay ka socdaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, hayeeshe lasugayo midka guuleysta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip