Jaaliyada D&M ee KENYA oo sameeysey Casho Sharaf " Wada tashi" "MAY, NIING DANG EH? iyo soo dhoweyn ah oo ka dhacday Hotel Grand Regency "LAICO"+Sawiro

0
14 February, 2014 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Jaaliyada D&M ee KENYA oo sameeysey Casho Sharaf " Wada tashi" "MAY, NIING DANG EH? iyo soo dhoweyn ah oo ka dhacday Hotel Grand Regency "LAICO"+Sawiro

    Casho-sharaf ay ka soo qayb galeen mas'uuliin ka socota Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya; Mudane: Xil. Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xilibaano kale oo fara-badan oo ay ka mid yihi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casho-sharaf ay ka soo qayb galeen mas'uuliin ka socota Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya; Mudane: Xil. Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xilibaano kale oo fara-badan oo ay ka mid yihiin Xil. Cusmaan Mukhtaar "Miirow" iyo Xil. Ibrahim Ali salad iyo Xil. Khallif Durey iyo Xil. Ali Adan Xuseen ayaa Caawa lagu qabtey Hoteel can ah "Hotel Grand Regency" ama loo yaqaan LAIKO oo ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Casha sharaftan oo ay soo qaban-qaabiyeen dhalinyaro ka tirsan Jaaliyada D&M ee dalka Kenya ayaa waxaa kaloo ka soo qayb galay dhamaan aqoon-yahanada, culimaaudiinka, dhalinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta D&M eek u nool dalkan Kenya.

Waxaa shirkan markii lagu furey  aayadaha quraanka kariimka ah kadib, ka Hadley Gudoomiyaha Dhalinyarada D&M ee dalka Kenya Mr. Mukhtar Mohamed Abdulahi oo hadal kooban oo dhiiri-gelin iyo mahad-naq ah soo jeediyey. Kana digey iney khatar siyaasadeed jirto, loona baahanyahay in laga tabaabusheeysto.


 Waxaa asagana sidoo kale hadal soo dhoweeyn ah jeediyey Guddoomiye ku xigeen MR. Mohamed Issak. Dhanaantood waxey soo jeediyeen in la qaato fikirka suurta galka ah ee sameynta maamulka sededa gobol, iyadoo la ogyahay kan saxda ah. Waxaa talo ahaan ay masuuliintan iyo kasoo qeybgalayaashaba ay soo jeediyeen in wax walba oo la sameeynayo oo ku saabsan sameynta maamul-goboleeka lagu dhiso wada tashi loo dhan yahay "inclusive” ah oo dadkoo dhan laga siiyo fursad.

Kadib, waxaa halkaas ka hadashey, Marwo. Sacdiya Abuukar oo runtii hadal aad iyo aad qadarin iyo qiimo u leh u sheegtey dhamaan ka soo qeyb-galayaasha shirkan wadatashiga. Waxey keentey tusaale aad iyo aad loo jecleystey oo noqon kara mid inta la dhegeysto, la fahmo laga shidaal qaadan karo si loo helo maamul-goboleed keeni kara nabad iyo horumar. Waxeyna aad u dhiiri gelisey sameynta maamulka sedexda gobol.

Intaan Gudoomiyaha hadalka qaadan ka hor ayaa waxaa asagana meesha hadal kooban oo macna weyn xambaarsan soo jeediyey Mr. Iman Sheikh Mohamed, oo ah nin aad u fir-fircoon oo ka dhex-muuqda jaaliyada dalkan ku nool. Wuxuuna aad u soo dhoweeyey fikirka sameynta Maamulka sedexda gobol.

Waxaa ugu dambeyn mikrafoonka ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha, Xil. Cusman Mukhtar Miirow oo sheegey in aysan jirin cid gadan karta, am aka baayacmushtari karta hantida, aayaha iyo mustaqbalka dadka D&M. ayana jiraan been-abuuro farabadan oo ay sameeyeen dad aad u xun oo raba keliya dano khaas ah iney gaaraan. Ha la ilaaliyo midnimada dadka iyo dalka ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday.

Markii uu soo istaagey Mudane: Xil, Shariif Xasan ayaa waxaa la maqley sacab farabadan iyo alaleys oo mar-keliya ay wada qabsadey Hoolkii weynaa ee shirka. Salaan iyo mahad-naq ka dib, wuxuu gudoomiyaha uu ka war-bixiyey ama uu fasirey sababta ku kaliftey inuu qaato fikirka sameynta Maamul-goboleed ka kooban Shabeelada Hoose, Bakool iyo Bay.

"Waxaan ognahay iney jiraan wax sax ah, iyo wax suurta gal ah maanta” ayuu yiri Mudane Shariif Xasan. Waxaa sax ah ayuu yir; in D&M ay leeyihiin deegaanada ugu badan ee lixdan gobol. Waxaa maanta noo suurta gal ah keliya in aan dhisano sedex gobol, sababo fara-badan awgood ayuu aad u sharaxay siyaasigan.

Wax aan suuroobeyn dadka laguma lug-gooyo. Siyaasadu waa waxa suurooba, xitaa haddii ay qalad tahay. Waxaa la gaari doonaa maalin-kale oo ay suurta gal noqon karto in la is raaciyo lixdan gobol oo ama la sameeyo AFTI ama doorashooyin xur ah, ama isbedl siyaasadeed kale ayaa keeni kara arinkaas ayuu sheegey Mudane Shariif oo aad uga digey khatarta ay leedahay in la yiraahdo keliya ama lix ama gow iyo gash ma leh. Arinkaas waa qalad, waxaana wata dad dan gaar ah leh oo qaswadayaal ah ayuu yiri Mudane: Shariif.

Dalka dowlad ayaa ka jirta, si kasta ha u tag-daranaato, wax aysan ogoleen lama sameyn karo. Waxaa kaloo jira in hore maamul looga dhisey sedex gobol. Sidaa daraadeed meel uu maamul ka dhisanyahay, mid-kale laguma dhisi karo ayuu yiri Gudoomiyaha. Aduunka iyo dowladaha deriska nala ah oo dhan baa aqoonsadey maamulkaas, lama dhiso wax aan loo heli Karin aqoonsiga dowliga ah. Wax alla wixii xaq ah ee ka maqanaada D&M waxaa lagu raadin-karaa wadada nabada iyo wad-hadalka oo mar-walba furan.

Waxaa ugu dambeyntii uu Mudane Shariif ogolaadey inuu soo dhoweeynaayo baaqa nabada ee shirka wadatashiga ee ah in waxkasta lagu sameeyo wadajir "inclusive” iyo in la mideeyo labada shire e ka socda Baydhabo si loo helo fikir mideysan iyo wax-qabad dhab ah.






FILO SAWIRADA

Yusufey BANA Nairobi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip