Aqoonyahanada Koonfureed ee qaaradda Yurub oo u kulmay horumarinta Afka Maayga

0
31 January, 2015 in by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 19062
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 111 10
  • Share via Social Media

    Aqoonyahanada Koonfureed ee qaaradda Yurub oo u kulmay horumarinta Afka Maayga

    Wararka inaga soo gaaraya qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Switzerland ayaa sheegaya in aqoonyahada ku kulmay waddankaasi si xayinima leh uga hadleen una gorfeeyeen qaabka iyo haykalka lagu horumarin karayo Afka maayga kaaso ka mid ah labada Af ee ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Switzerland ayaa sheegaya in aqoonyahada ku kulmay waddankaasi si xayinima leh uga hadleen una gorfeeyeen qaabka iyo haykalka lagu horumarin karayo Afka maayga kaaso ka mid ah labada Af ee ugu waaweyn Afka soomaaliga.

Aqoonyahanada doodda dheer ka yeeshay sida lagu horumarin karayo iyo caqabadaha gudboon tallaabsiga Afka Maayga ayaa waxaa ay si weyn dhalliil iyo eed dusha uga tuureen siyaasiyinta koonfurta ka soo jeeda ayna ugu horeeyaan wasiirada iyo xildhibaanada kuwaas oo ka gaabiyey inay fagaarayaasha dowliga la soo istaagaan Afkoodi hooyo Maayga.

Aqoonyahanadu waxay sheegeen in dadka siyaasiyinta sheegta matala reer Koonfureedku ay iyagu ka xishoodaan Afkooga maayga ah kolka ay masraxa dowliga la isugu yimaado ay taaganyihiin amaba mararka ay wareysiyada siinayaan warbaahinta xiligaa oo ay ku hantaatacaan Afka Maxaaga ooy waliba dhib ku qabaan ku hadalkiisi intii ay si geesinimo leh ugu baarami lahaayeen Afkooda hodanka Maayga ooyna matalaan.


Kulanka dood wadaagga aqoonyahanada koonfureed ee qaaradda Yurub waxaa sidoo kale ay dhalliil u soo jeedsheen iskuulada nuucyadooda kala duwan Koonfurta iyo dadka sheegta aqoonyahanada dal iyo debedba jooga kuwaas oo iyaguna aad mooddo inay ka gaabiyeen taabbagelinta duruusaha iyo qoraal ku bixinta Afka Maayga iyo fartiisiba.

Aqoonyahan Cabdinaasir Mayow miire Dooli oo qayb ka ahaa doodda ayaa isagu ku dooday in waalidiinta koonfurta ku abtirsada guud ahaan daafaha dunida meel walbooy ka joogaan in caruuraha ay baraan ku hadalka iyo qorista farta maayga halka abwaan cali atoore isna madasha ka muuqday uu ka dhawaajiyey in Afka Maayga uu ka hodansanyahay afka Maxaaga iyada oo Dr Cabdullaahi ibraahim xasan Amaandhoorey uu dhulka ku jiiday waxa loogu yeero siyaasiyinta koonfureed maqaarsaarka ka xishooda ku hadalkooda Afkooda Maayga isla markaana xaqooda dowliga u dhicinta dhacsiga Maayga ee dowlladda dhexe ay ka dhabaandhabanyihiin dhamaanba.

Dr amaandhoorey waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Afka maayga uu dhadhaabyahay dhana loogu dhaqaajin Karin dhanka burburintiisi balse loo baahanyahay uun dharaartan inay dadkiisu siqiir iyo kabiirba guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii dhabdhab ugu hirgelinlahaayeen idil ahaan Soomaaliyada kala dureertay qarnigan.

Dr amaandhoorey waxaa uu yiri isagoo si rasmi ah u weeraraya in siyaasiyinta koonfureed xildhibaanada iyo wasiirada federaalka ku jira afkooda maayga ka xishoonayaan isnamoodaan marka Muqdisha yimaadeen sidii inay la mid yihiin Afrikaan Paris yimid dal aan dalkiisi ahayn kaa oo ku qasban inuu afka faransiiska ku hadlo oon afkiisi hooyo ku hadli Karin isagoo ka baqanaaya inuusan danihiisi ku gudan karaynin afka asalkiisi, mooyee faransiis burbursan jacbur ah inuu ku baqbaqleeyo.





Ugu dambeyntii, doodda xiisaha badan ee uu qaybinayey ustad Adam increase ayaa waxaa ka hadlay Wariye Fahad maxamed abuukar Abowasharow kaasoo ku taliyey in afkan Maayga iyo qoristiisi xil mug lehi iska saaraan ummaddan Koonfureed meel walbooy dunida ka joogaan si buu yiri uusan u dabargo’in jiritaanka afkan, taaso wariye Abowasharow uu ku sifeeyey in afka Maayga oo dabargo’aa ay la mid tahay inaysan jirihayn bulshada Maaygga ku abttirsata ama u nasabka sheegata dalka koonfur Galbeed Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip