Tafwareemadkii 1960kii iyo Taladdudkii Tawradii Kacaankiyo Turaanturadii USCba ina tahluukeeye !!

0
05 August, 2015 in by Adam Increase
  • Visits: 5446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 37 10
  • Share via Social Media

    Tafwareemadkii 1960kii iyo Taladdudkii Tawradii Kacaankiyo Turaanturadii USCba ina tahluukeeye !!

    Sida hogol daruuro aniga oo haraad qaba dusha kaa haraystayo, wali heega dhicinbaa markii aan ku halacsaday hirig la ila yiriyo xuqbaad igu abuurtay. Sida himir bislaatiyo malab macaan tiqaayiyo hoobaan la moodyeey, waxaa taa ka hodantahay ibnaadam h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida hogol daruuro aniga oo haraad qaba dusha kaa haraystayo, wali heega dhicinbaa markii aan ku halacsaday hirig la ila yiriyo xuqbaad igu abuurtay. Sida himir bislaatiyo malab macaan tiqaayiyo hoobaan la moodyeey, waxaa taa ka hodantahay ibnaadam heli karin hilibka iyo quruxda laguu kala hambaynine, haweenka iyo geelaba waa la hidda-raacaa.
Inkastoo waayeel iyo waranlaba inta waababka fadhida iyo wadarta weerarka gasha ummadda Labada Webi ay ku wanjalnaayeen weelka wayn wax lagu qaybsado salkiisu yahay Wardhiigley ama Villa Somalia teer iyo waqtigii la sheegay in Soomaaliya uu waacusub u baryey sanaddii 1960-kii, dabadeed tafwareemadkii ka dhashay sanadkii 1961kii iyo taladdudkii Tawradii Kacaankii Afweyne iyo waliba turaanturooyinkii USC ee takarta watay casharadii laga bartay cudurada aafeeya caabuqoodu cadhaday keeneen karkooda iyo xanuunka koolbada wayn leh ayaa dhalshay in shacabka sharafta badan ee dalweynaha Koonfur Galbeed ay u jihaystaan binashada daarta darbigawayn ummamka wada deeqa dowlladnimada taaso awalba dumduminta cududeed ee dadyowgan salkabalaaran asalkaba loogu soo dowgalay kadibna dhaxalsiiyay dhibaatooyinkan baaxaddawayn leh sida musiibooyin maaraloowaayay hormuud ka yihiin abaaro aan dhamaan, dagaallo halakeeya dadka iyo duunyada iyo waliba bushay iyo bugtooyin bukaasa shacbiga.

Inkastoo wareegtada jacaylku waqtigu baddalayo waayaha adduunkuna walbahaar u yeela, walow kasoo kabsashada hirtaanyadii ciilka raagay xiligii waaguba wuu idiin guduudtay ay isyiraahdeen bulshawaynta Koonfur Galbeed Soomaaliya wadnahooduse uu gubay wuxu lana walaacayaan wali WilaWiladii loo tumay 3-6-da si looga fogaado khilaafaadka ragaadiya midnimada iyo wadajirka ummadda loona ilaaliyo hiigsiga ahdaafta guud mabaadiida qaranimada iyo dib u hanashada dhulka dhaxalkii awoowe ee dalweynaha South West State, waxaa waayihii ugu dambeeyay daafaha dunida ka soo burqanayey kulamo iyo kalafadhiyo mugwayn leh ay qabanayeen shucuubta dalka Koonfureed kuwaasoo aad mooddo in hurdadii dheerayd lagu xamman jiray ay ka soo toosayaan.
Dadka wada kacdoonka daafaca dhulka iyo dowlladnimada Labada Webi lana baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u badan dhallinyarada lab iyo dhaddigaba jiilka haatan soo koraya kuwaas oo runtii la soo baxay damiir wanaagsan iyo diracnimo dareen dadnimo nuxur leh ka duwan siyaasiyintii hore ee bulshadan horboodi jiray siyaasiyintaaso inta badan lagu eedeeyo inay iibsadeen Afka sharafka ciziga iyo karaamadii dadnimo ee ummaddan qarniyadii tagey ay ku dhex lahayd geeska Afrika.
Hadal raagay baa yiri "Mayd maxaa u dambeeyey kii hadda la siday", ayaamo kahor ayey ahayd markii xaflad aad u balaaran ay agaasinkeedu lahaayeen shacbiga Koonfureed gaar ahaan dhallinyarada laguna taageerayo jiritaanka calanka 6-da Xiddig Koonfur Galbeed lagu qabtay magaalada Munschen dalka Jarmalka taaso looga gonlahaa qabashadeeda in siyaasiga cadowga u daaban dabaqanatada ah danta leh daallimsoorka ah la iska inkiro loona soo jeesto dhacsiga iyo daafaca gobollada dalka ay ka mid tahay Muqdisho barkeed ilaa dhul kaaba masaajidka Arbaca Rukun ee demada Xamarwayne.
Sida taxanaha silsilidda dheer gobonimadoonka dacallada adduunka ay ka wadaan shacabweynaha Koonfureed aadna si weyn uga dareemeysaan shaashadaha iyo mareegaha wararka ayaa Warbaahinta xoogga badan ee Koonfurta Galbeed waxaa ay markii ugu dambeysay goobjoog ay ka noqotay kulan dhaqdhaqaaq waddanimo muhiim ay jaaliyadda Koonfur Galbeed ku yeesheen magaalada Adisababa caasimadda dalka Itoobiya ahna xarunta Midowga Afrika (AU).
Xafladda kadib sida caadadu tahay Warbaahinta Koonfureed ayaa wareysi adag dhinacya badan taabanaya la yeelatay madaxda ama hormuudka jaaliyadda ee magaadalada Adiis.

Ugu horeyn gudoonka dhalliinyarada Jaaliyadda Koonfur Galbeed Itoobiya Mudane Bashiir Cali Aadan (Bashiir Banooda) ayaa ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahanyahay in dhamaan dhallinyarada ka soojeedda South West ay tahay inay isku xirnaadaan islamarkaana walaalo ahaadaanooy cadowgooda arkaan meel qur ahna uga soo wadajeestaan maadaamaa buu yiri gudoonku "Soomaaliya ay kala dureertay saa awgeedna iskuxirnaan uun qaran lagu difaaci karayo".
Sido kale mar uu sii hadlayey aqoonyahan Cabdullaahi Cabdi Siyaad oo ka mid ah aqoonyahanada ugu firfircoon Koonfurta haatana ku sugan dalka Itoobiya ayaa kaabay hadalkii gudoomiye Bashiir Banooda, waxaanu aqoonyahanku tilmaamay in dadka Maayga ah shacabkooda gaar ahaan dhallinyaradooda looga baahanyahay inay u istaagan daafaca dhulkooda kalabadh cadaawuhu haysto doonayana inuu beenbeen ku milkiyo taasoo uu aqoonyahanku si kulul oo qiira leh uga soo horjeestay in iyaga oo dhulkooda u nool laga qaato.
Ugu dambeyntii abwaan Axmed Macalin Ibraahim (Abwaan Saraq) ayaa ku dheeraaday taariikhda facawayn dalweynaha Koonfur Galbeed iyo dhaqamadiisa, abwaanku wuxuu wacad ku maray in isagoo taariikhda tixraacaya in inta ay gabari ka nooshahay aysan ka hari doonin dhacsashada iyo dib u hanashada geyiga Koonfurta Galbeed idil ahaantiiba.
Kolka aad odorosto xafladaha iyo kulamada dhaqdhaqaaqa gabanimadoonka iyo kacdoonada ay wadaan bulshada Koonfureed haba u badnaadaane gaashaanqaadka dhallinyarada waxaa kuu soo baxaaya in Buulle Buullihiisi aanu ahayn ooy dadyowgii Koonfurta ka dhoohnaantii siyaasadda loo qarin jiray waa, ay si wayn wax isaga baddaleen saadaasha halbeegga saamayntooduna noqonayso mid ka culus tii la isoran jiray Alleylehe way ka fududahay natiijadeeda falgalkooda.

By: Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip