Waxayse Doodi Furantahay Ruux kuu Darnaan Jiray Marka Aad Ku Digatee Xaqu Kuu Dulleeyo !!

0
22 August, 2015 in Maqaallo by Adam Increase
  • Visits: 1963
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 18 1
  • Share via Social Media

    Waxayse Doodi Furantahay Ruux kuu Darnaan Jiray Marka Aad Ku Digatee Xaqu Kuu Dulleeyo !!

    Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey, hantidii dalkeygaay dhaxalkii dadkaygaay, dhaxantiyo daruuraha dadab laga galaayeey, dayaxiyo cadceeddaay dabka lagu soo hirtaayeey, duco qabe ka xeeldheer dabarkiyo dareenkuye, diga-rogashadaadan degdeg la iigu k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey, hantidii dalkeygaay dhaxalkii dadkaygaay, dhaxantiyo daruuraha dadab laga galaayeey, dayaxiyo cadceeddaay dabka lagu soo hirtaayeey, duco qabe ka xeeldheer dabarkiyo dareenkuye, diga-rogashadaadan degdeg la iigu keenayo anniguba daraaddaa waaban soo dabbaashay qofyahayse ayaamuhu isku darajo ma aha.

Jirku wuxuu dubaaxshaa damqadaa halbowluhu xididdadu darooraan ama dhiiggu daadshaa, afkuna hadalka daayaa ibihiisu haystaa, doqon kaa nasiib leh marka ay ku doonto birta kaala daashee kugu celiso daadka, Allahayoow nin daacada, Allahayoow nin daallin ah, deeqdaada ha u simin, waxayse doodi furantahay, ruux kuu darnaan jiray, marka aad ku digatee xaqu uu kuu dulleeyo.
Walow dabarkii duruqda dheeraa ee sanaddii 1960 kii lagu tiktigay umamka Koonfureed saamaqaadkooga dhanka saamiga golaha maamulka loogu aaneeyo isbaraanbarka isbarbaryaaca iyo buyuqbaayuqa siyaasadeed iyo musiibooyinka dunaawiga ku habsaday hayb sooco sirqooyinka awgood ayaad haddana aad mooddaa in maalinba maalinta ka sii dambeysa ay siyaasinta Suudku markan ay soo karkarayso siyaasaddooda ku aaddan Villa Soomaaliyada madow ku yaraa beeralayga u badnaa geeljiruhu maraandhawaynba.
Soo bambixiddii dadnimo siyaasiga Koonfur Soomaaliya inkastooy waqti badan ay qaadatay dhamaystirkeeduna xisaab badani ay u harsantahay ayaa runtii aad loogu tiriyaa in ay soo bilaabatay xiligii Ururweynaha Xaqudirirka Waddaniga Rahawein Resistant Army (RRA) burush guduudan ay mariyeen buraashad dhiig lehna ay cabsiiyeen daallimkii madaxa-diirnaa iyo dirtiisii Soomaaliyaba ay ka dagiwayday ee Caydiid, ururkaasoona ay hogaaminayeen Allaha u wada naxariistee Janaraal Xasan Maxamed Nuur (SHaatiguduud), SHeekh Aadan Maxamed Nuur SHeekh Aadan (Madoobe) iyo Sareeye gaas Maxamed Ibraahin (Xaabsade).
Wixii markaasi ka dambeeyey siyaasinta Labada Webi daaqad ayaa u furantahay, waxaa ay bilaabeen in ay ka soo ayaar aayar muuqdaan si taxadar leh masraxa ilaa iyo goortii ugu dambaysay ay soo gaaraan in gaarigoodu xawli ku dhaqaaqo amaba ay u dheereeyaan sida faras-colaadeed dakano u cuqtamaya.
Dadka Koonfureed iyo siyaasiyintooda guurtida malaaqyada geesiyinta ahi dhamaantooda waxay gaareen heer ay fagaarayaasha si furan uga yiraahdaan madaxweynaha inuu tuugyahay dowlladda dhexena ayba ka baxayaan, taasoo inay dhacdaa ay naadir tahay yadhahayna in indhaha la saaro qof ku dheeranaya cayda madaxa sare ee dalka, taana mar kale waxay ina tuseysaa in ay xaajadu noqotay "warkii hore war soo dhaaf".
Cayaartu waxay soo socotaba gooliyaha iyo goolhayaha waxaa maanta soo hareereeyey labada siyaasi Koonfurta u dhashay ee ugu miisaanka culus siyaasadda Soomaaliyana gilgilaya waa Madaxweynaha dalka Koonfur Galbeed Mudane SHariif Xasan Shiikh Aadan iyo gudoomiyaha baarlamka dowlladda Federaalka ahna Ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya Mudane Poff Maxamed SHeekh Cusmaan (Jawaari)
Marar badan ayuu Xasan Shiikh Gurguurtuhu kala dilay siyaasiyinta walaalaha Koonfureed fadqaladana ku furay shucuubta dalka oo dhan qaasatan kuwa Koonfurta si booskiisa ugu sii baaqi ahaado.
SHiikh Gurguurte marar badan mooshin ku furnaa iyo caqabado kursigiisa ciriiri gelin karayey mar iyo laba waxaa ka dabciyey Mudane SHariif Xasan siyaasiga galaangalka badan leh siyaasaddiisu kulushahay Maxaaga oo dhan ay ka ooyeen, mar iyo marar ka sii badana waxaa daafacay sharciyaqaan aqoonyahan Proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kadib kolkii Guurguurtuhu uu shafaaca waydiistay.
Laakiinse maanta siyaasaddii waa ay isrogtay, heshiisyo badan kala laba laba geesood ahaa ee uu SHeekh Safarow siyaasadisi u qosolo dilka ahayd la kala galay siyaasinta 2da siyaasi ugu waawayn Koonfurta ayuu buriyey heshiisyadaaso Warbaahinta Koonfureed haatan aanay diyaar u ahayn inay faaqiddo sababa jira awgood, balse waxa aad fahmi kadho ay tahay damaca Xasan shiikh ku darsashada xilka 2 sano oo dheeri ah in gabi ahaanba laga diiday diidmadaasina ay u sinaayeen Soomaalida badankeed gaar ahaan Shariif iyo Jawaari.
Xasan SHeekh Maxamuud madaxweynaha Muqdisho tafahaa luxanaaya taagnidaa ku adag wuxuuna hiillo soo waydiistay sidii caadaduba ahayd Mudane SHariif iyo Proff Jawaari, walow carabka ay u laalaadiyeen carrab-laalan-mid-laakiin- leh laabtiisu waay ku ladi wayday waraabaha qosla sababta oo ah qofaad taqaan yaa tahay lama yiraahdo isku halayna dameeraa maqaayad u galay oo aaminkii ayaa yaraaday labada dhanba.
Gundhigga, Mudane SHariif Xasan ciyaarta inkastooy lugtiisu ay si buuxda ugu jidho labadiisa lugood mid haddana wuxuu iskadhigay daawade halka Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari ay meel xun isla gaareen isaga iyo Gurguurte maxaa wacay Jawaari goortii uu u dabcin bilaa sharci ah uu ka diiday Safarow waxaa uu isku dayey inuu u hanjabo gudoomiye Jawaari, laakiin dhuxdhux laguma soo jiidi karayo buur dhadhaaba, dhulna dhul ka culus wax hee lagu dhagriyo dhaanis gabareed, markabaa ka gaawurwayn gadiidka meelaha goosha iyo baalalayda goobaha xaarka heehaabtaba, Proff Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan ma ahan dad Xasan Maxamuud kaliya uu u hanjabi karayo oo xaajadu "SHeekh Cabdulqaadir Wayni kastuu waynyahay abtigiisaa ka wayn weeye".
Iswaalka iyo ood-isku-tuurka boor-isku- qariska madaxweyne la moodka Muqdisho uu baalboodyo Muungaab waxaa uun ay sii cartamiyeen siyaasiyinta Koonfureed idilkood natiijada beenboodka qandaraasle Qoslaayena waxay noqotay inuu mar kale baryootan iyo i bari-kaal-meeya miiska gurguurasho ugu yimaado siyaasinta dalka Koonfur Galbeed ku jira dowlladda dhexe habeen iyo maalinba sida u caadada ahayd awalba gurguurashadiisii loogu magac daray bilowgii saldhigashadiisi kursiga.
Hadal raagay horaan loo yiri Soomaaliyeed baa ku hadaaqay "Waysha qal dibiga haku quus qaatee", Xasan guurguurte hankiisi ku darsashada ahaa waxaa gabi ahaanba quus gelshay markii Madaxweynaha dalka Koonfur Galbeed uu si furan u yiri doorasho way dhacaysaa 2016-ka beesha caalamkuna ay qalinka ku duugeen weedha ah "inaanay wax ku darsasho la yiraahdo saacad iyo midhidh toona midna la aqbali ahayn".
Guntii iyo gabangabadii haatan Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari ayaa wacad ku maray in mooshinka Xasan SHeekh Maxamuud ay xildhibaanada qaranka ka soo gudbiyeen ee la doonayo in kursiga lagaga turaantureeyo lagana tuuro booska isaga iyo xisbigiisa DAMU-DABAJADIID uu cod u gelin doono sida sharciga waafaqsan islamarkaana gudoonku uu ku sii shidi doono xildhibanaada madaxweynuhu halka xiliyadii hore uu ka kala diri jiray kolka madaxweynaha ay sidan oo kale xildhibaanadu ugu kacaanooy xaajadau ku dhanaanaato.
Walow Gurguurte iyo xisbiga uu ku wardiyo DAMU-DABAJADIID ay beesha caalamka ku booyeen bal in inta yare dhiman waqtiga iska dhamaystaan taasi ay jirto xildhibaanaduna international Community bahda caalamka la kulmeen ayaa laga yaabaa in wax uun laga yeelo codsigiisa baroorta wata balse taa haddii ay fushana ahaan doonto hab dhaqankiisa inuu edeb ku joogo xayndaabka labada xaas uu ku qabo ee Villa Somalia.
Allahayoow nin daacada, iyo, Allahayoow nin daallin ah, deeqdaada ha u simin, waxayse doodi furantahay, ruux kuu darnaan jiray, marka aad ku digatee xaqu uu kuu dulleeyo !!



By: Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip