HIIGSIGA 2016 IYO RAJADA REER KOONFUR GALBEED KURSIGA SOOMAALIYA DOOD AAN WAXBA LA ISULA HARIN !!

0
11 November, 2015 in by Adam Increase
  • Visits: 2391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    HIIGSIGA 2016 IYO RAJADA REER KOONFUR GALBEED KURSIGA SOOMAALIYA DOOD AAN WAXBA LA ISULA HARIN !!

    Asbuucan aynu ku jirno dabayaaqadiisi waxay ahayd todobaad taariikh hardan u leh ummadda Koonfurta Soomaaliya ee dhan walba ka daalanka ah hadday ahaan lahayd dhinaca qaab nololeedka dagganaanshiyaha sifada aadminimo iyo midda mansabkaba kuna lifaaqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asbuucan aynu ku jirno dabayaaqadiisi waxay ahayd todobaad taariikh hardan u leh ummadda Koonfurta Soomaaliya ee dhan walba ka daalanka ah hadday ahaan lahayd dhinaca qaab nololeedka dagganaanshiyaha sifada aadminimo iyo midda mansabkaba kuna lifaaqantahay sawirka shakiga keenay hubanti la'aanta walaaca abuuray ee ah dadyowgan inay Soomaali ka mid yihiin iyo in kale taasoona loo baahanyahay haatan in la soo sugo.
Iyadoo taasi ay ka duulayso iyo waxyaabo badano isbiirsaday kuwo muuqda iyo kuwa aan muqaanba halista soo wajahan ayaa Warbaahinta Koonfurta Galbeed Soomaaliya waxaa ay qabatay dood aad u kulul ku saabsiisan Hiigsiga 2016-ka waqtigaas oo la doonayo in Soomaaliya oo haatan Federaal qaadatay loo doorto madaxweynaha dowlladda dhexe tartankaasoona u dhici doona qaab siyaasadaysan ayna dhici kadho in qolodii kursiga ku guuleysata ay wax badan caalamka ka gadi kareyso fakar ahaan maadaama dowlladdu tahay mid si rasmi ah caalamku uu u aqoonsaday.

Dooddaan oo ahayd mid runta la isugu sheegayay farahana indhaha la iska gelgelshay ayaa lagu qabtay Studio-yaha Warbaahinta Koonfurta Galbeed Soomaaliya ee qaaradda Yurub gaar ahaan xarunta labaad qaramada Midoobay dalka Switzerland, waxaana doodda qayb ka ahaa rugcaddaaga siyaasiga suxufiga aragtida dheer ahna aabbaha Kaydka Suugaanta Afka-Maayga Soomaaliyeed Dr Cabdullaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey iyo suxufiga mayalka adag faallooyinka saadaasha qora ahna bare sare Ustad Adam Increase iyadoona ereyada kulkulul ee gole ka hadalkan uu qaybinayay wariyaha miisaanka culus leh ahna mid ka mid ah madaxda warbaahinta Koonfureed Fahad Maxamed Abuukar Abowasharow.
Dr Amaandhoorey ayaa tibaaxay in Reer Koonfur Galbeed rajadaooda ku aaddan kursiga Soomaaliya baratanka 2016-ka aanay xumayn isagoo sabab uga dhigay in "dhallinyaradu garaadkoodu uu xoog u soo dhismay wax badana ay fahmeen", taasoo buu yiri Datoorku " in ay si wayn wax uga tari
doonto hiigsiga hanashada kursiga awgii loo dhibaateeyay dadkan wax ka badan 50 sanadood ama nus qarniba".
Ustad Adam Increase ayaa isna dhankiisa isagoo heerkulka xaraaraddiisu dhaafsiisantahay sida caadiga ah gaashaanka ku dhiftay in Reer Koonfur Galbeed kursiga ay gaaraan sanadda 2016-ka taasoo uu ku tilmaamay in ay riyo maalmeed iyo dheelalaw qaraw mugdi huwan tahay balcan baacuuri waxba kama jiraan hamigaasi, isagoo ku nuuxnuuxsaday in rajadaasi ay barqacad qoraxda ku gowraceen badi siyaasiyinta Reer Koonfureedka ee ku jira dowlladda Federaalka kuwaaso matalaya ummadda Labada Webi.
Guntii iyo gabangabadii dooddan ee uu qaybinayay wariye sare Abowasharow halkudhaggeeduna uu ahaa Hiigsiga 2016 iyo Rajada Ummadda Koonfureed Kursiga Soomaaliya ayaan waxba loogu qarin shacbiga waxaana loo iftiimayay cidda ama qolada ku horgudban horusocodka siyaasadeed ee ummaddan dhibbano dulman.

Ma igirbaa, Ma ameerbaa, Mise, waa irmaan, Lama yaqaan
!!


                                
                                 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip