SHAQADAN GAROOWE AYAA QABATAY MASE ISTIRI MARKAN ALLAHAYOOW WAXBA DHAWRAN MEYNE DHAXGAANTA SOO DAADI BAY U DHOWDAHAY INAY DHAHAAN REER KOONFURKU !!

0
22 November, 2015 in by Adam Increase
  • Visits: 2453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 1
  • Share via Social Media

    SHAQADAN GAROOWE AYAA QABATAY MASE ISTIRI MARKAN ALLAHAYOOW WAXBA DHAWRAN MEYNE DHAXGAANTA SOO DAADI BAY U DHOWDAHAY INAY DHAHAAN REER KOONFURKU !!

    Nin hadduu wax badan dhowrsado oo uu ciil la dhacagiigo nafta iyo dhaqaalaha hadduu meel dhigan waayo oo loogu soo dhaco wuxuu madax ka dhawraayey Alleylehe dhirta iyo dagaal waa inuu dhab u istaagaa. qaruumahaba qaar baa ku dhuma dheef saraa nahaye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin hadduu wax badan dhowrsado oo uu ciil la dhacagiigo nafta iyo dhaqaalaha hadduu meel dhigan waayo oo loogu soo dhaco wuxuu madax ka dhawraayey Alleylehe dhirta iyo dagaal waa inuu dhab u istaagaa. qaruumahaba qaar baa ku dhuma dheef saraa nahaye, nimanbaana dheefkii iyagoo wata dhabar ka jabaayo dharagta iyo barwaaqadu mar bay kaa dhadhabisaa, dhooqiyo mar bay kula gashaa dhururuq iyo sharafteede, dagaalkii ka dhacay Buur iyo dharaartii raggii isdheereyn jiray dharabtii xoore, laakiin dhaartii iyo dalaaqdii badnayd laga dhabayn waa. dharbaaxooyinkii horay ahaa dhawrtay gacantiiye markii la isku dhiiraday baqay dhagac ka siiyeen, dhirtii jabiye dhagaxiina wey wada dhadbeeyeeno dhegood diidka nimankii ahaa dhimay ragoodi dhamaa, dhaawaca iyo geeridana dhirtay kala dhignaayeene wixiise dhiman lahaabaa dhintaye mase dhicinaa dhasha Koonfureed inta wali dhimanoon loose dhaarsanyahay siduu ka dhawaajiyay abwaankii dhiillaaday.


Dilkii marxuum Maxamed Manuur Aadan loogu geystay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa uu fariin cad u yahay dhamaan shacbiga Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda hadday ahaan lahaayeen kuwa ku sugan dal iyo debedba sida ay uga warceliyaan falkan foosha xun ee ka baxsan bani aadamnimada shareecadeena Islaamka iyo dhaqankeena suubban ee Soomaalinimada.
Waa horay caddaatay warbaahinta Koonfurta Soomaaliyana faallooyinkeeda badan furka kaga rogtay inay been ahayd weedhii ahayd "Soomaaliya Soomaali baa leh, Soomaalidu waa ay simantahay waana walaalo", taa iyada ah waxaa uun la isticmaalaa kolka waxaan Reer Koonfurku ahayn ay soo susumayaanooy doonayaan in ay baroosinka dhigtaan dhulka barwaaqada badan ee u dhexeeya labada webi ayna iska leeyihiin dadyowga ku hadla Afka-Maayga iyagoo ixtilaalayaashu dhulalkay ka soo hodlaameen u gooni ay gadaal marsadaanooy misna mar kale adeegsanaya xeeladdii sunteedu wadatay ee ahayd "Taada kula lihi Taydana waa ii gooni".


Kolka aad dhugato dareenka ummadda Koonfureed baad mararka qaar aad mooddaa in dhiigga faleebo lagaga miiray mar aan dhowayn amaba dhiigga jirkooda ku jira uu yahay daadxoor ama xumbo, waana ta hadal raagay ee Soomaaliyeed ku hadaaqay "doonfaarkuba ficil la'aan ayaaba dabka loogu ridayaa", mise macnuhu waa "dherer hadduu wax taraayo hablahaaba geela dhicin lahaa", war dadka Koonfurta u dhashay gaar ahaan Raxawaynta la yiraahdo dad ka badan Illaahay kamuun uumin gudaha Soomaaliya misna waxbaa ka si ah, ma baraka daraa mooji, ma xaasidnimo iyagu isxasdaanbaa garan maayo, mise hoos u hubinbay rabaano lab iyo dhaddig mide midna ma aha, maxaa gabidhaclaha banka hawdkiyo jarahan dheer hoogga kaligood dhigay qayaastii waaba 7 maliyano ruuxe may muruqoodu arkaanooy saf isugu toosaan bi' waa é wuxu ma maroodibaa xooggiisu banka qiyaame uun lagu tusayo ?
Walaalkaa haddii ay gacantaadu gaadho waa mar iyo labo iyo xitaa saddex laakiin sagaal goor ma noqoto gacangaaristaada kamuhu, waa kas waanu aragnaa, hadday walaaltinimadii Soomaalinimadii la sheegayay ay runtahay kasba aad u dishide, haddaad gowracday maxaad godka ugu qodi wayday, mase loo waayay haddaad ku candacoodi lahayd shaqsibaa wax dilay in shacabka iyo masuuliyinta Reer Puntland Islaamnimadu damqiso ay fagaarayaasha kaga hadlaan arrintaani gardarada ah, maxaase loo waayay damqashadooda xadgudubkan joogtada u noqday ay geysanayaan afgobaadsiba ha u ahaade gole ka hadalkooda ?
Halkaa waxaad ka garatay inay la macna tahay oraahdii caanbaxday ee Soomaaliyeed taa oo ahayd "gar waa tan, laakiin garab ma ay laha", waa waqti aynu joogno qofka in lagu qiimeeyo itaalkiisu intuu la egyahay, muxuu sameyn karayaa, iyo intee in la eg ayuusan Alle uusan ka baqahayn, maxaa yaalay maanta waxaa aad looga baqaa qofka aan Eebbe ka cabsoonayn xuduudkiisu furanyahay, laakiin ka cabsida Illaahay ku wayntahay amase Rabbi ka cabsi lagu tabayo xisaabkiisu waa looma ooyaan, balse malahayga Reer Koonfurku ay Raxawayn hoggaamineyso u maleyn maayo inay sidaan ku samri doonaan tookada tan ah maadama waxyaabo badan ay isbaddaleen siduu xiligu yiri waayuhuna u marag furay.
Marxuum Maxamed Manuur Aadan Illaahay ha u naxariisto ehelka iyo qaraabadiisi iyo dhamaan ummadda Koonfureedna samir iyo iimaan buuxa haka siiyo, marxuumkaaso ku dhashay xarunta labaad dalka Koonfur Galbeed magaalada Baydhabo qayaasta da'diisuna ay ahayd 26 sana jir deegaanada Puntland tagay sanaddii 2010-kii waxaa bartamaha magaalada Garoowe si gardara ah loogu dilay asbuucan gudihii sida ay xogo xaqiiqda ku salaysan Warbaahinta Koonfureed ka heshay goobjoogayaal hareer taagnaa halka falka dilku uu ka dhacayay.
Marxuumkan ganacsadaha ahaa ayaa waxaa loo dilay wax ka yar hal doollar oo la doonayay in baad ahaan looga qaato taasoona isaguna ay mari wayday ee uu diiday in xoolihii isagoo u nool uu asaaggii xoog uga qaato.
Waxaa jirta maahmaah Taliyaani ah taasoo caanbaxday iyana ee tiri "Intaad u noolaan lahayd 10 maalmood mukulaalnimo, waxaa dhaanta adiga oo 1 maalin libaaxnima u noolaada deetana adduunkaba isaga hayaama", noloshu maxay inoo tahay haddii mar hantidaada mid dhukuran adiga kula mid ahi uu hortaada ku qaadanayo, walaashaa lagugu hor kufsanayo, hooyadaadii macaanayd adiga ku dhashay indhahaagoo shanta ah lagugu hor faraxumeynayo, xaaskaagina jacaylkaad i jinawdaa igaar kula mid ah uu kugu hor jiidanayo jaqaaqdeeduna aadan waxba ka qaban karin, sow dhimashadu ma dhaanteen taa mise wali waxbaa kuu dhiman ?
Marxuum Maxamed Manuur goobtiisi ganacsi isaga oo jooga waxaa u yimid mid ka mid ah ciidanka maamulka Pundland ee magaalada Garoowe, wuxuu ku yiri okiyaal iga iibi igana sii 2 doollar, milkiilaha marxuumku kolkuu yirina inaanu qiimahaasi siin karina, askarigii rasaas ayuu ku asqeeyay marxuumkii ganacsadaha ahaa goortaaso kii wax dilay gacan ku dhiiglaha ahaa si xaraga leh isaga lugeeyay goobtii halkiina uu ku qurbaxay Maxamed Manuur Aadan Allaha u naxariistee.
Walow haddaanu nahay Warbaahinta Koonfurta Galbeed xiriira badan aan sameynay si aan arrinta dilkan xogtii u xaqiijino aan haatan ogaanay in gacan-ku-dhiiglihii falkan muwaaddinka Reer Koonfureed u geystay gacanta lagu dhigay ayna inoo xaqiijisay warkaasi agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Muna Daahir Dalmar ayaan haddana la hayn masuul ka mid ah masuuliyinta Koonfureed oo si kulul fagaarayaasha uga hadlaya arrintan hadday ahaan lahaayeen kuwa ku jira dowlladda dhexe ee Federaalka matalaya ummaddan iyo kuwa dhex dangiigga kuraasta maamulka Koonfur Galbeed waana yaabka yaabkii iyo amakaagga lala dhaygagay dhafooraduna ay la haystaa shacbiweynaha Koonfurta Soomaaliya maanta meel walbooy ka joogaan dunida daafaheeda shanta qaaradood.
Sow ma ahayn oraahdii xiliyadan ku aaddanayd "qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa", maamulna maamulbaa kaa fujiya, meeyey siyaasigii Koonfurta, aaway cuqaashii dalkan, aqoonyahankii ma noolyahay mise biilkiisaa wax walba uga darnaaday, dhiigga qulqulayaa waayo mise macnaba kuma fadhiyo, dhallinyaradii ma dhamaatay, gabdhihii Koonfureed ma hoteelada aakhiray wada hurdaan maxayse iyagoo nool nool wali ifkan jooga mar hore u dhinteen ?
Haddaba sanaddan gudaheeda 9 ruux oo ganacsidayaal muwaaddiin ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa si gardara qaawan ah loogu dilay deegaanada Puntland, horaana dhawr boqol iyo in ka badan ayaa loogu dilay halkaa, halka qaar la naafeeyay hantidooda la boobay qaarna iyaga oo nool nool aashitida baytariyada baabuurta lagu shubo lagu shushubay jirkoodu dhulka ku daatay iyadoona qaar baangado lagu googooyay sida khasabka waawayn la quwaaxda la yaryaraynayo oo kale.
Laakiin marka dadkan Koonfurta ka soo jeeda sidan loogu galayo deegaanada Puntland haddii iyana dadka Puntland ka soo jeeda Koonfurta meel walba dhooban dawaafka ku ah minshaar afwaawayn lagu jarjarilahaa haragga iyo lafahooda iyagoo nool nool iyana xaniinyaha kal bisbaas looga bukaasilahaa, waa ay ku xisaabtamilahaayeen Reer Waqooyi Bari xanuunku waxyeelada ay geysanayaana gaboodfaladu maanta intaa waa ay ka yaraan lahayeen, sababta oo ah waxaa jidha maahmaah qaab daran marna saxan nusuusta waqtigan xaalad-xarbiga ku fadhida taasoo oranaysa "nimaan shantaadan farood ku rakiban calaacashaada kaa celin sharcina kaama celiyo", Alleylehena taasaa macaquul ah haatan kolka loo eego hab dhaqanka Soomaalida intooda badan sida Puntland ay sameynayso, waana ay ekoontahay Reer Koonfurku in ay aayaddaasi si toos ah ay u daliishadaan haddii la doono buuraha ratiban iyo biraha naafeeya sida ciidda hala kala bidee deetana cirkaba ha la islagalee.
Xooraansigeena arrintan ku saabsan ayaanu ku ogaanay in dhallinyarada Koonfurta Soomaaliya ka soo jeedda ay wada qabaan go'aan ah in Reer Puntland bacdama ay deegaanadooda siday doonaan ugu dilaan gardaracad dadka Koonfurta ka soo jeeda iyana dadkooda lagu ugaarsado Koonfurta Soomaaliya hal hal iyo raxan raxanba loogu dilo intay geystaan iyo in ka badanba si tiradhaaf ah xisaab cabbeysan.
Reer Koonfureedka ayaa ku doodaya, war maxaa inoo haray maanta, waxaa ay iswaydiinayaan su'aalo dhawr ah ayna ka mid yihiin, "War annagu Koonfurta oo dhan baan leenahay ilaa Muqdisho ayay ciidamadeena ugu badan dhoobanyihiin, waxa dadkeena Puntland ku laaya waa Majeerteen, Majeerteena Muqdishuu dhoobanyahay iyagoo nuuc walba leh maanba ku bilowno maxaan dhawraynaa markakan"?, waxayna u badantahay in arrinkaasi ay ku dhaqaaqaan dhallinyarada tirada badan hubka sidata ee Koonfurta gaar ahaan beelwaynta Raxawayn oo dadkoodu Majeerteenku ku laayay gobollada Puntland si arxandara ah aadna mooddo in raali la isaga yahay laynta muwaadiniinta Koonfureed ee ku nool mandiqaddaasi.

Takarta ku saaran iyo sida tolmoon taakada lagaa tariiqday aad ka tilaabsan la'dahay talamida toos aan isaga tarxiilnee tikidhka soo goostoo ina toosiya, ama haddii kale tororogta intaad ayaar tiixada igala hartid anniga, aan kala tagnee aniga ha i toonyeeyn  walaal !!


By: Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip