XAAJI MAXAMED AAWOOW "SOOMAALIYA WAA IN LOO DOORTAA 5 MADAXWEYNE OO KA KALA SOCDA 5TA BEELOODO SIMAN HIIGSIGA 2016 !!

0
29 November, 2015 in by Adam Increase
  • Visits: 2033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 24 0
  • Share via Social Media

    XAAJI MAXAMED AAWOOW "SOOMAALIYA WAA IN LOO DOORTAA 5 MADAXWEYNE OO KA KALA SOCDA 5TA BEELOODO SIMAN HIIGSIGA 2016 !!

    Team culus aad u qalabeysan Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ee uu hoggaaminayo suxufiga wayn rugcaddaaga siyaasiga ahna aabbaha kaydka suugaanta Soomaaliyeed Dr C/llaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey ayaa xalatoole booqoasho wardoon ku tagey hooyga uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Team culus aad u qalabeysan Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ee uu hoggaaminayo suxufiga wayn rugcaddaaga siyaasiga ahna aabbaha kaydka suugaanta Soomaaliyeed Dr C/llaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey ayaa xalatoole booqoasho wardoon ku tagey hooyga uu qaaradda Yurub ka dagganyahay Xaaji Maxamed Awoow Mayow oo isagu ka mid ah kaliya guddigii lagu aaminay sanaadiiqdii doorashooyinka dhamaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadihii 60-maadkii.
Dr Amaandhoorey iyo tiimkiisa warbaahineed ayaa salaan kadib si diiran loogu soo dhoweeyay hoyga Xaajiga kadibna waxaa ay gudagaleen in ay wareysi xiisa xambaarsan dhinacyo badan taabanaya ay kala yeeshaan soojireenka siyaasiga wareysigaaso ku qotomay intiisa badan Hiigsiga 2016 iyo qaabaalka ay Soomaalidan dulmigu daashaday halbeeg xalaal ah ay ku xasilaan ugu dooran lahaayeen ra'iis sanadka foodda inagu soo haya ee la doonayo in hoggaan cusub loogu doorto uruurka federaalka Soomaaliya dowlladda dhexe kaasoono loo aaminsanyahay in musuq iyo ku shubasho badani ay hareyn doonto haddii aan wax laga baddalin haykalkii qaribnaa ee xulashada madaxweynuhu deetana dhaliya qaraabakiilnimo sadbursiimo aan lala gamban dhac iyo boob gaar iyo hanti guudba magac xukaamad.

Xaaji Maxamed Mayow oo ku magacdheer Xaaji Awoow oo haatan ku nool muddo aad u tira badan gobolka Zurich xarunta ganacsiga ee dalka Switzerland islamarkaana taako taako ula socda heerka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya ayaa waaya-aragnimadiisa ku taliyey in Soomaaliya ay yeelato 5 madaxweyne wada fariisanaya gole madaxtooyo kuwaasoo ka kala imanaya 5-ta beeleed ee Soomaalida islamarkaana madaxweyne waliba uu xilku qabto min hal sano isagoona 4-ta kale ee madaxweyne uu la tashanayo si uusan awoodda dalka kaligii ugu tagri falin.
Mr Awoow ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya si kale aan sidaasi ahayn sinaba aanay caddaalad ku heli kareynin, labadaraalana marnaba ayan isku aamini kareynin bacdama buu yiri Xaajigu in "Soomaaliya min 1960-kii teeriyo maatadan aynu joogno waxa halakan dhigay ay tahay caddaalad darro iyo ku tagrifal awoodeed turuqa shacbiga qolo gaar ah ay isaga falaadayso".
Xaaji Maxamed Mayow Awoow waxaa uu yiri "waxaan soo aragnay iyo dhibaatooyinkii ay keeneen ku tagrifalka awoodda qaranka waa inaan wax ka baranaa casharadii la soo maray, runta waa inaan ku dhaqanaa riyada dheelalawga iyo hambaabulkuna waa inaan iska ilownaa, qamaam qamac damac dagaag iyo waali horaa loogu daalay, ninkii dheef u jeriyana khasaaruu tiimbaday siday raggii horaanba u taakuleeyeen duulshowga gardarooyinka ay majahoodu dhiiqo aysan ka soo majo fu siisan karin u tiimbadeen badaniba ay ugu tageeno waqtilxaadirkani ay u hurdaan hudheelada hoose".
Dr Amaandhoorey oo isagu ah suxufi rugcaddaa ah ayaa mar sheedda ka weydiiyey Xaajigu in ay la qumantahay Hiigsiga 2016 haddii hal madaxweyne qura sidii hore loo doorto dhibta ka imaan kadhaa arintaasi maxay?, wuxuuna xaajigu furcaddi carrabku ugu adkeeyay in haddii Soomaaliya hanaankii hore ee soo daashaday xulashada hoggaanka ay sidaa ku gundhisato madaxweyne aan wax isbaddal ah caddaaladda nidaamka dooraashooyinka lagu sameyn, in Soomaaliya ay god aysan ka soo waaqsan ku sii dhici doonto guud ahaan rajadii laga qabay qaranimadeedi loo qaaday (Soomaaliyeey Toosoo) iyo in la iska weydiin doono waxa ay uga ekaan kadho sawir ahaan sawirkeeda dowlladnimo ka caalamka ama dunida inteeda kale ee aadmigu sinaanta iyo caddaalaadda ugu noolyihiin qarnigan.
Guntii iyo gabangabadii Xaaji Maxamed Awoow ayaa si dareen uu ku dheehanyahay ula dardaarmay shacabka Soomaaliweyn in ay ka fiirsadaan arrinta ku saabsan Hiigsiga 2016-ka meel walbooy ka joogaan dunida guudkeeda dal iyo debedba isagoona ugu baaqay bulshada qaybaheeda kala duwan ayna ku jiraan siyaasiyinta haatan majaraha u haya siyaasadda dalka in ay aad uga fakaraan doorashada sanadka ina soo aaddan loona dhega-nuglaado dhamaan dhawaaqa bulshada 5-ta beeloodna ay ku kaltamaan kursiga min hal sano si looga gudbo isriixriixa iyo khilaafaadyada ragaadeyey ummaddan dhiban daleedaha dhooban ee Soomaaliyeed cidina aan u maqnayn ceelina aan u qodnayn bal kaliya dhawraya dhawaqa samada iyo kii Villa Somalia.
Sida muuqaneysa waayahan dambe ayaa waxaa ku soo badanaya saxaafadda caalamka hadal haynta Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya iyada oo aad arkeysin waayeel iyo waranlaba aqoonyahano ka hadlaya ummuurtan Hiigsiga sanadda soo foodka leh ee la doonayo in lagu dhaliyo madaxweyne uu yeesho waddanka Federaalka Soomaaliya oo wali dhibaatooyinka dabadadheeraaday uu la kacaa-kufaayo walina dawadiisii saxda ahaydna aan gacanta lagu soo dhigin.
Waxba ku qaadan maysaan wacdaraha adduunka waligiinba waayeel siduu yiri !!


By: Ustad Adam







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip