Gaas: "doorasho Qof iyo Cod ah ayaa 2019ka ka dhaceysa Puntland"

0
27 January, 2016 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaas: "doorasho Qof iyo Cod ah ayaa 2019ka ka dhaceysa Puntland"

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi doono guddiga doorashooyinka Puntland, Isagoo sidoo kale sheegay in sanadkan dhamaadkiisa ay u qorshaysan tahay in si toos ah loo guda galo nidaamka asxaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi doono guddiga doorashooyinka Puntland, Isagoo sidoo kale sheegay in sanadkan dhamaadkiisa ay u qorshaysan tahay in si toos ah loo guda galo nidaamka asxaabta badan.

Bilowga barnaamijkana ayuu Dr Gaas sheegay in ay ka horayso in la dhameeyo dhismaha dhamaan golayaasha deegaanka  Puntland oo in kabadan 30 degmo aan lahayn gole deegaan hadana ay socoto degmooyin loo qaban qaabinayo gole deegaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka dimuquraadiyada iyo asxaabta Puntland uu noqon doono mid sidii loo qorsheeyey u qabsooma sanadka 2019-kana dalka ay ka dhici doonto doorasho ku salaysan Asxaabta badana oo qof iyo cod ah.

Siyaasiyiinta Puntland ayaa sanadkii tagay dowladda ku dhaliilay in ay ka gaabisay dhismaha guddiga doorashooyinka Puntland oo xeerkiisu ay ansixiyeen baarlamaanka, waxaana dhowr jeer oo hore Madaxweynahu sheegay in dowladda ay balan qaadkeedii si toos ah u filin doonto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip