GEERI NAXDIN LEH HALYEEY MARXUUM CUMAR YANTAAR RABBIGEEN HA U NAXARIISTO

0
24 March, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 2652
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GEERI NAXDIN LEH HALYEEY MARXUUM CUMAR YANTAAR RABBIGEEN HA U NAXARIISTO

    Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-3-2016 ku geeriyooday magaalada Baidoa marxuum Xaaji cumar Maxamed Cali (yantaar) oo lagu qiyaasey in uu yahay shaqsiga ugu wayn magalada Baidoa kana mid ah oday dhaqameedyada ugu caansan gobolka Baay waxuu ku d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-3-2016 ku geeriyooday magaalada Baidoa marxuum Xaaji cumar Maxamed Cali (yantaar) oo lagu qiyaasey in uu yahay shaqsiga ugu wayn magalada Baidoa kana mid ah oday dhaqameedyada ugu caansan gobolka Baay waxuu ku dhashay magaalada Koronbood ee gobolka Baay markay taarikhdu ahayd 1918-kii, waxuu dunida kaga tagay xaaskii Muslimo Nuur Axmed iyo shan wiil sadex gebdhood iyo 43 oo uu awoow u yahay, 1. Jamilo Cumar. 2. Cali Cumar. 3. Luul Cumar. 4. Fadumo Cumar. 5. Maxamed Cumar. 6. Cabdi Cumar. 7. MoliId cumar. 8. Shiekh Nuur Cumar.

Waxaa Ka Mid Ah Dadka  tacsiyada diraya 


1. Prof Cabdi Maxamed Kuusow 
2. Cabdullaahi Maxamed Kuusow 
3. Cali Maxamed kuusow
5. Ruqiyo Adan Muuse
6. Ruqiyo Maxamed Kuusow
7. Saacid Sh. Cabdisalan
8. Maxamed Cussman Cali
9. Sayid Sheekh Daahir Malaaq
10.Malaaq Cabdirashid Shiikh
11.Fahad Maxamed Abuukar iyo xaaskiisa
12.Al-Ustad Adam Increase iyo xaaskiisa
13.Cusman Maxamed Macalin
14.Dr Cabdullaahi Amaandhoorey iyo xaaskiisa
15.Maxamed Ibraahim Xasan
16.Faadumo Janaay Ibraahim

Cumar yantaar waxaa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii ururkii RRA ee Deegaanka Dhanqooq , waxuu ka mid ahaa Booliskii ugu horeeyey ee Soomaaliya loo aasaasey Markii dambe, waxuuna u shaqayn jirey dowlada dhexe dhinaca Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha isagoo ahaa iskuduwaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee gobalka Baay .

1995-1999 oo ahayd xiligii lala dagaalamayey kooxdii dhul-boobka ahayd ee Salbalaar ayaa waxuu ka qayb qaatey halgankii RRA iyo xorayntii Deegaanada Digil iyo mirifle , waxuuna xiligaas ahaa 80 jir doonaya in aan la gumeysanin bulshadiisa , waxuuna ahaa nin aad u jecel Midnimada Digil iyo mirifle. 
Illaah waxaan ugu baryeynaa inuu janada fardowsa ka waraabiyo Waa halyey aan la halmaami karin .

N/B waxaa lagu xasuusataa wadada Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha oo hormarta UNICEF ilaa ADC oo loo yaqaaney Wadadii Cumar-yantaar kasoo horjeedka Wasaarada Waxbarashada, laga bilaabo maanta si loo xasuusto Xaaji Cumar Yantaar wadadaas waxaa loogu yeeri doonaa Wadadii Cumar yentaar , waayo 4 sano ayuu halgan ku jiray isagoo 80 jir ah waxaan ku wada nooleyn xarunta RRA ee Dhanqooq, waxaan xasuustaa isagoo 80 jir ayuu ka qayb gali jirey halgankii RRA .

INNAALLILLAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN

By: Dr Amaandhoorey


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip