PROFF CABDALLA MANSUUR"GEELAYDA MAXAATIRIDA AYAA MUU MUU IYO MASHAAKIL GELISAY LAHJADAHA KALE EE AFKA SOOMAALIGA QARIBTAYNA DHAQANKII SUUBANAA EE SOOMAALIYEED" !!

0
28 March, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 2850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PROFF CABDALLA MANSUUR"GEELAYDA MAXAATIRIDA AYAA MUU MUU IYO MASHAAKIL GELISAY LAHJADAHA KALE EE AFKA SOOMAALIGA QARIBTAYNA DHAQANKII SUUBANAA EE SOOMAALIYEED" !!

    Dalkaygoow baqoolaha dharaartii waxaan bacaad iyo adablaha dhoobayda la rooraayey, bartamaha habeenkii waxaan guure baadeeyey, bohol iyo waxaan buur ka dhacay ban iyo kan geed lehba. bidhaawaha jarmaadada waxaan kalah bixinaayey, sidii bayl lo'a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalkaygoow baqoolaha dharaartii waxaan bacaad iyo adablaha dhoobayda la rooraayey, bartamaha habeenkii waxaan guure baadeeyey, bohol iyo waxaan buur ka dhacay ban iyo kan geed lehba. bidhaawaha jarmaadada waxaan kalah bixinaayey, sidii bayl lo'aad socod waxaan budulka tuuraayey, baanahayga saydhada waxaan boog isugu yeelay, waxaan buun Soomaalida Koonfureed dhaaxo ugu baanaayey, boodaanka waxaan ugu tumi bowliyo saarka, waxaan balwo gubaabiyo alfeyn ugu butaacaayey, barbaar kumaan ah boosaha xeryaha waxaan u buux dhaafshey, biraha dheer ka booddiyo dhacdada shiishka bariddiisa baabka qaraxa gaar iyo bugliyo balaastiigga, bal wareenka gaad iyo bareerta abbaar sanka, waxaan barbar siyaasiyo askari ugu bisleynaayey, baashaal li'i wixii aan tacliin u siinaayey amni buux inay ku barido bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya boqolaalka sano soo beegan barmooskooda uun.

Teeriyo saban oor-oorkii tirada lagu lafaguro taariikhiyan siday yiraahdaan Arbacaqumbaalaydii looga walaal dhigo Khamiis kala haadkii kahor intaysan siigadu duulin habaaskeedii xiqdiga watay xananka badan sanaddii 1960-kii wuxu kolkii lagu sheegay Soomaaliyada madow inay luqun xorowday ee laakiin aan kala xoroobino hirtaayada iyo hanaanka habowga ciilka raagay isku haysay haystayna hoos hoos xayaatul kalab nolol halbeeggeedu xaggaa ka sii xigo lagu laray eex isquursi qaraabakiilnimo iyo jaahilnimada aafeysa hormurka noolaha sharafka iyo karaamadiisi aadminimo ee bani-aadamku, si looga maruun gudbo batoornimo u dhaqankii qolyihii awoodda kursiga Soomaaliya eeriyada xukunka iyaga uun isku koobay xayndaabkaasi islamarkaana awooddii qaranka siday doonaan ugu tagrifali jiray iyago ku tumanaya xuquuqda muwaadiniinta kale ay dalka wadaagaan ee aanay ku reerka ahayn cuduradaasi fogaaday dhaqaatiirtooduna lagaba waayay Geeska Afrika, waxaa haatan soo bidhleeyay sida jiraaqda afka bugtada iyo sidii loo dawaynlahaa kalka kan taa oo la gudboontahay shacbiga Soomaaliyeed walba dabaadigii ka haray inay damoodoon  dareen adagna ay siiyaan warka duxaaya ee dabiibkan idiin daraasaynayo haddaanu Rabbigu diidin.


Xaflad gaashaanqaad gurbood iyo garrey garguduud inta garta gasha aad iyo aad u tirabadan dhamaantoodu Soomaali yihiin isugu yimid lagu qabtay magaalada Zurich xarunta ganacsiga dalka Switzerland waxaa si wayn loogu soo dhoweeyay mid ka mid ah aqoonyahanada farakutiriska ah ee Soomaaliyeed dhanka Afafka lagu magacaabo Proff Cabdalla Cumar Mansuur kaa oo ku qornaa inuu gudaha waddanka Switzerland ka jeediyo khudbad culus aad u qotodheer dhabaalyaynta iyo muranka xaaqda ee ku saabsiisan Afka Hooyo iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Xafladda oo uu agaasinkeedu lahaa muwaadiinka daacadda ah Mudane Cabdalla Saciid uu garab joogay bare sare Proff Xaashi xiriirinta loo riyaaqana uu ka rogaa labaasaarayay Fanaanka Qaranka caanka ah Axmed Yaasiin ayaa waxaa lagu bilaabay qawlkii Eebbe aayaadka Quraanka Kariimka ah waxaana xigay jadwalkii awalba loogu talagalay inay ku sii socoto xafladdu xiliga bilaabashadeeda madasha oo ku beegnayd bacdal Maqrib saddexda Ragcadoodood Faralka salaadda dabadeed.

Goobtan xalay la isku arkay waxaa ka dhex muuqday martisharaf kala duduwan oo ka kala yimid gobollada carriga Switzerland waxaana halkaasi kuuraasta safka hore lagu arkayay wufuud iyo Team culus ka socday Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ee uu hoggaaminayay labashubaha halyeeyga xibintiisa aan la damcin rugcaddaa siyaasi suxufiga wayn ahna aabbaha kayd suugaanta Maayga Soomaaliyeed Proff C/llaahi Ibraahin Xasan Dr Amaandhoorey oo in badan indhaha ugu hayay dhaqaaqa xafladda si karti iyo hufnaan leh ku lifaaqan hiigsiga yoolka iyo ahdaafta mabaadii'da danta guud dalka dadka iyo diinta.

Proff Cabdalla Mansuur oo hadaladiisa ku aaddan Afka Hooyo iyo Dhaqanka Soomaaliyeed aad mooddo runtii inuu xaraf xaraf uu u kala dhigdgigayay xafladdii xalatoole ayaa inta badan weedh ama jumlad waliba ee uu yiraahdo la dhuganayay iyado loo sacbinayo, taa oo ku tusaalaynaysa in Proff-sarku runta uu banaanka soo dhigay iyo waxa ka khaldan dhaqanka Soomaalida.
Kolka aad u kuurgasho khudbaddii Proff Cabdalla Mansuur habeenkii galbaday ka jeedshay magaalada Zurich ee uu ku gorfaynayay halka ay wax ka khaladanyihiin ayuu Proff-ku inta badan eedda dusha uu ka saaray dadka Soomaalida Geelayda Maxaatirida kuwaaso uu ku tilmaamay inay qalibeenooy qaribeen Afka Hooyo iyo Dhaqankii Suubbanaa ee Soomaaliyeedba.
Isagoo sii hadlayay Proff Mansuur wuxuu tusaale u soo qaatay nin  Geelay Maxaatiri ah kaasoo dambi galay qaar kalo Maxaa ahi ay dhaarinayaan, sida caadada ah qofka muslimka waxaa lagu dhaariyaa Illaahayga koonkan iyo maqluuqaadkiisii abuurtay, laakiin buu yiri Proff Mansuur in "qofkaasi dambiilaha ahi xayntii Geelayda Maxaatiridu ay gacantiisi soo qabteenoy dhagax ay kor saareen deetana iyago dhaarinaya ku yiraahdeen","Dhagaxan ma dhiiqo mana dhalo, haddii falkan lagugu soo eedeyay uu jirood beeninayso sida dhagaxan aan dhalin dhiiqinna oo kale baan kugu dhaarinay inaad noqoto adna", taasoo ku tuseysa sida Geelaydu ay uga sii xagjirsanyihiin xitaa mushrikiinta ama majuusta dabka caabudda kolka loo eego dhaartoodan yaabyaabka ammankaagga iyo dhaygagga badanba leh.

Gabangabadii khudbaddii Proff Cabdalla Mansuur intii lagu gudajiray mar uu wariye ka socday Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya lagu magacaabo Adam Increase waydiiyay Proff-sarku su'aal ahayd "Bani-Aadamku Aadan iyo Ciise cs marka laga reebo wax aabbe la'aan dhashay inaanu jirinin bacdama Afka-Maxaga la yiri Afkii-Hooyo haddaa Afka-Maaygana ma oran karaynaa waa Afkii-Aabbe ama inuu yahay aabbihii Afka Soomaaliga?", su'aashaasoo Proff-ku uu jawaabteeda ku gaabsaday annigu mooji.
Sido kale, su'aal labaad uu isla wariyahaasi uu waydiiyay Proff Mansuur waxay u dhacaysay saatan "Proff 2012-kii goor aad halakan soo gaadhay waxaad tiri in Afka Maaygu uusan ahayn mid buuxa balse lahjad uun uu yahay, labadaraale qoraalka baaristaada Afka Soomaaligana intaad wadday aad kala tashatay aqoonyahano ay ka mid yihiin Proff Gaandi, haddaba Proff haatan goobtan fadhiya la yiraahdo Cabdullaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey xiligaa uu ku waydiiyay su'aal ahayd,"Miyaad kala tashatay qoristaada Afka Soomaaliga Proff-sarada Soomaaliyeed ee kalo waawayn sida Proff Maxamed Xaaji Mukhtaar iyo Proff Cabdi Kuusow", waxaad ku jawaabtay in "labadaasi Proff aanay Linguistics luuqadyaqaano aanay ahayn", hagaag, haddaa Proff Gaandiga aad kala shoortay qoristaada Afka isaguba waa taariikhyahan uun Linguistic ma aha, saa awgeed waxaad tiri caddaalad baa loo baahanyahay, waayahaye taa iyana caddaalad ma noqoneysaa warkaaga annagoo sii tixraacayna barafoosoore?", wuxuuna Proff Cabdalla Cumar Mansuur si kulul uu ugu jawaabay dhaqanxumada Geelayda Maxaatirida, Proff Cabdalla Mansuur wuxuu sheegay inuusan isagu oran in "Afka Maayga uusan ahayn Af-Buuxa, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday Proff-sarku in Lahjadda Geeleyda Maxaatirada kaligeed aanay matali karin Afka Soomaaligu," Proff-ku wuxuu yiri "Afka Maxagu waa lahjad, Afka Maayguna waa lahjad, waxaa jira lahjado farabadan Soomaaliya looga hadlo, intaaso idilna gabagoogu waxay hoos imanayaan dalladda ama magaca Afka Soomaaliga", wuxuuna sii raacsaday in "Lahjadda Geelayda dadkoodu doonayaan inay maquuniyaan lahjadaha kale ee Soomaalidu ku hadasho isagoona ku eedeeyay Proff-ku in Geelaydu ay kursiga Soomaaliya boobeen sidaana ku kufsadeen lahjadihii kale ee dadka dalka"
Runtii Proff Cabdalla Cumar Mansuur waa xidig dhabbihii xalaasha ahaa toosh sagaalqaad ah shucuubta Soomaaliwaynta isku dhibban kalana dhibban ugu ifiyay xafladdii habeenkii xalatagay lagu qabtay dalka Konfederaalka Switzerland iyadoona ay xusid mudantahay in kulankaasi dadkii ka soo qaybgalay runta ay madaxa u wada ruxeen aakhiritaankii inkastooy bilowgii run ka hadalka Proff-ku shaqsiyaad ay dhibsadeenooy indha-tooxtooxan ka soo baxeen ay jireen loo sababeeyo wareerkooga qabwaynidii laga daba yimid mugdiga far mugdiyaadka loogu soo dhigayo aqriyay qoraal aan saxnayn oo faadi balcan baacuuri waxba kama jiraan halbacaad lagu lisay ah.

Ugu dambayntii daraasaddan muhiimka ahi magaalada Zurich xalay lagu qabtay maaykarafoonka soodhawaynta quruxda badan  uu ka khudbadinayay aqoonyahan Mudane Cabdalla Cumar Mansuur oo u dhashay dalka Soomaaliya gaar ahaan Gayiga Koonfureed cinwaanka boodhka ku qorana uu ahaa Maxaa Xal Ah? ayaa waxaa ay xafladdaasi ku soo dhamaatay jawi aad u heer sareeya kuna qotoma run isu sheegid iyo farxad dhawr geesood ah taasoo laga dheehan karayo in been been iyo isxaqiraad walaali sinaba aanu ku iman karaynin xalka libdhay la waayay ee Soomaaliyadan kala dureertay maanta daadsan daafaha dunida qaxootigana ku ah daleedaha dhaxanta iyo qoraxdaba shanta qaaradood ee adduunyada.

Qofba waa in lagu Toosiyaa Takhasusukiisa, Tu qabiil Tikhraar ugu jiraana lagu Tanaadahayn sida ku Taal Taallada Taariikhda Taxan Tilmaanteedi Tiixada lagu Tawsbaxo !!

By: Ustad Adam
















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip