DR AMAANDHOOREY"GAAS MAAMULKIISU WAA SAHYUUNKA SOO HARAY EE CAALAMKA MAANTA WAANA IN SHANTA FARAOOD IYO CALAACALAHA LOOGULA DAGAALAMAA SIDA FAJEEYSTAYAASHII NAAZZIYINTA OO KALE" !!

0
01 May, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 3938
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 65 14
  • Share via Social Media

    DR AMAANDHOOREY"GAAS MAAMULKIISU WAA SAHYUUNKA SOO HARAY EE CAALAMKA MAANTA WAANA IN SHANTA FARAOOD IYO CALAACALAHA LOOGULA DAGAALAMAA SIDA FAJEEYSTAYAASHII NAAZZIYINTA OO KALE" !!

    Walow xamxamtii habeenkii 1960kiiyo, xubbigii jacaylkii 1964kiiyo, xoodaamintii xananka wadatay 1969kiiyo, xiirmo-afuufkii kala haadka 1991kiiyo, xadgudubkii 1996kiiyo xisaab-xumadii 2000 xeradii Cartaba ina xadaaxadsheen celceliska xusuusaha xasuuqi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walow xamxamtii habeenkii 1960kiiyo, xubbigii jacaylkii 1964kiiyo, xoodaamintii xananka wadatay 1969kiiyo, xiirmo-afuufkii kala haadka 1991kiiyo, xadgudubkii 1996kiiyo xisaab-xumadii 2000 xeradii Cartaba ina xadaaxadsheen celceliska xusuusaha xasuuqii Baydhabo ku dhowaadka 500-kun insaan gurihooga iska fadhfadhiya lagu gumaaday xisaab-xirkeeda wali qabyadu tahay iyo xumado badano hoos yiilyiil soojeed looga aamusay mar wakiilada dadkan dhibbaangashan laga quustay inay maruun ficiloodaan, waxaa xiligan baydda soo taagay raggii ragga ahaa, raggii hooyadu dhamaysku ku dhashay loona dhaarshay inay u dhibciyaan dhiiggooda shucuubta bulshawaynta ballaaran dulmigu saanyada teeriyo waqtigii ay kursigu boobeen yeeyda Maxada colkoodu ku heshiiska ah dhamaynta iyo faylagoynta dadyowga u dhashay dalwaynaha Koonfurta Soomaaliya daga soodimaha u dhaxeeya bayd-cibaadeedka Arbaca-Rukun min seeriga Kenya iyo Itoobiya.
"Haddaan dhuuni raac ahay dhegxumada nololeed dhimashada xalaaleed soo iima dhaanteen, maxay dhaqasho ii tahay, dharag maxaan ku falayaa dhulkaygu intuu maqanyahay, dheecaanka dhallaankeenu dhiiggoodu qubanayo, dhuuxoodu la dhaalaashayo sida xaydha, dhaldhalaakuse beentu muxuu anniga iiga dhiganyahay" sidaasi waxaa ku birlabsaday rugcaddaaga geesiga libaaxa laydha jiifa halyeeyga xalaasha ah runta kamagambadaha Illaahay u soo diray ummaddan Koonfureed dhiqlaha dhuudhiga dhurwaa-dadeedka iyo jinacu ku dhoobteen dhalanrogeenooy dhogortoodu gadoontay kaasoo muuq iyo magacba inta jecel iyo inta neceb wadkoodu yahayba aad u wada garanayaan Dr Cabdullaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo isagoo afkiisu dhashiikaha dhawleeya ereyo ka dhawaaq kulkulul ka soo baxayeen tuubada warqaadkiisu ka dhanka ah waxa loogu yeero maamulka arxanlaawaha ah Puntland ee uu majaraha u hayo Cabdiwali Gaaska marna Soomaaliya sidaasi raysalwasaare ugu noqday qabyaaladdaasi buulaysatay.

Isagoo xaraaraddiisu heerka caadiga loogu talagalay 100 jiir ay ka badantahay Dr Amaandhoorey waxaa uu si xamaasad leh uu uga shanqiriyay dhibaatada faraha ka baxday dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ku dhaqani gobolada Waqooyi Bari maamulka dalladda ka baxay dabka iyo naarta doonay ee Puntland uu ku hayo marasta birimagaydada ee aan hubaysnayn ku dhex nool deegaanadaasi Bandarqaasim dhaca.
Proff Amaandhoorey waxaa uu ku eedeeyay maamulka ee uu liijaanka u hayo Cabdiwali Gaas inay u xasuuqaan dadyowga Koonfureed si ka baxsan bani-aadamnimada iyado sifada salka gumaadkaasu sancayntiisu laga hago Garoowe macnaha ujeedku yahay isirsifayn caddaan ah.
Datoorku wuxuu yiri "Shacabka Koonfurta Soomaaliya dagaaladii qabtu kolkii ay dhacday meelo badan ayay u qaxeen waxaana ka mid ah deegaanada Puntland, waa dad aan hubeysnayn shicib ah qaarkood ganacsada qaarna iska danyara qaarbaana ku guursadayo ilma ku dhuldhalay halkaa, caalamka halka aad u qaxdo goortaad qaxoonti noqotaa 5 ama 10 sanadood goobtaad ku noolaatood joogtaa, waxaad xaq u leedahay sharciyadda dhalashada muwaaddinimada, dadka Reer Koonfurku in ka badan 20 sanadood ayay ku noolyihiin canshuurana laga qaadaa gudaha Puntland","Maxaa u diiday inay dadka ka soo jeeda Koonfurtu muwaadiniinta Puntland ka mid noqdaano xitaa baarlamanka iyo xarumaha dowlliga ka soo muuqdaan?", ayuu iswaydiiyay Datoorku.
Qofba wuxuu dhitaystu dhaxalkii ahaado dhagarqabana dhibi kamaba dhamaato joogadeenan adduunyaduye, Dr Amaandhoorey mar uu tusaale u soo qaatay nin nool Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda ooy maamulka Puntland gaari Cabdi-Bile ah intay ku xireen laamiga dharaarcad ay ku jiideen sidaana uu ku dhintay silacaasi, waxaa uu Proff Cabdullaahi Amaandhoorey uu ku tilmaamay maamulka Cabdiwali Gaas inuu yahay Sahyuunka soo haray caalamka maanta tahayna in loola diriro sida Fajeeystayaashii Naazziyinta oo kale kuwaasoo dadka Yuhuudda ah gudaha Jarmalka intay xeryo ku soo xareeyaan lafahooga warshadayn jiray.
Runtii waa arrin aad looga gilgisho dareen ku abuuraysa qof walbo bani aadam ah gaal iyo Islaam caddaan iyo madow inta ruuxa leh shan-faroodluhu waxa uu ku kacay maamulka Gaas uu horboodayo kaasoona xasuuqa lagu hayo shacbiga ku hoos nool ee ka soo jeeda Koonfurta maalina aan ka hadlin inuu ka damqadaa warkiiba daayo taasoo macnaheedu yahay "aamusnaan waa raali".
Dr Amaandhoorey isagoo xanaaq dartii dhuuntiisu xirantay hadalada mararka qaar ku xabxabqanaya ciil daraaddii waxaa uu si masuuliyadnimo ku dheehantahay uu u sheegay inay u kala qaadayaan Puntland 2, shacab iyo maamul, shacabkuna uu yahay inta badan midaan eedda isagu lahayn laakiin mujrimiinta soo aloosa fadqaladda iyo qalalaasaha dilalka kuwa ka dambeeyaa ay yihiin Gaas iyo xertiisi Garoowe ku oodan kuwaasoo uu Dr Amaandhoorey uu ugu gooddiyay in yoom minal ayaam ay xisaabtoodu u kiisi doonaan qof walba beeggiisi.
Sownigan dhalkaygii iyo dharkaygiyo cunay xabag dhuunkaaleed, dhararkiyo lexaadkiyo sownigan ka dheeliyay, sownigan dhawaaqiyo dhiillada maqlaaya, dhaahiyihii wax araggiyo dhagihii awdmeen, dhowliga dhawaaqiyo dhulku ila hadlaayo dhirtu i dheedhahay, war halba meeshii lagu gowraco shaleelku waa gaare, war maxaad uga dhabcaalowdeen ummadeena dhuuxooda sida xaydha loo dhalaashanayo oo waxa loo dhibaataynayana dhabar-ku-xoogsigooda anniga ii dhiib dheefta ku soo baryee adiguna dhibtu tahay, war yay dhaguhu furanyihiin dhaca diiddan, war yaa dhimasha oggol dhacadiid dirira, war yaa dayuusnimada diida xaaskiisi lagu horkufsan, war yaa maya yiri dulmigan saban ka sabaan ilaa saaca-qiyaame aan sarjoogsigaba lahayn.
"Doofaarku ficil li'i baa dabka loogu ridayaa", hadal raagay baa yiri inkastoon annigu daliilkii aan hayn, haddana way u badantahay qofkii hilbaha walaalkii nool iyo geeriba dhulka lagu jiidjiidayo xaniinyaha kal looga bukaasayo sidaa iyo si la mid ahna isagoo nool jirkiisi aashito lagu shushubayo baangaddu u dheertahay iyado uu isdifaaci karayo xoog aanu ku yarayn hadduu gacmaha iska laabto isagoo nool geerida horteed dhinto in la cadaabayana amaba naarta qoryaheeda xaaba looga dhigayo waa loo malayn karayaa culimadana hala warsado, ha yeeshee isago sii waramayay Dr Amaandhooray waxaa uu ku gooddiyay mar labaad Cabdiwali Gaas iyo Maamulkiisu dadkii dadka shicibka ahi Puntland ku laayay in gacan-ku-dhiiglayaashii ay liiska magacyadoodu hayaan islamarkaana ay maxkamadda caalamiga The HEUGUE ay soo taagi doonaan.
Proff Amaandhoorey waxaa uu ka digay in dadka qaar Koonfurta ka soo jeeda oo oranaya in dadka reer Puntland asalkoogu ka soo jeeda laakiinse dhex daggan Koonfurta ay ka aargoosan doonaan ay taasi iska daayaan kana tanaasulaan, maxaa yeelay buu yiri Datoorku inay foolxumo tahay in dad shacabi innaga nagu dhex nool aan hubaysnayn iska layno taasoo ka dhan ah sharceeda Islaamka, ta caalamiga insaaninimada, ta Soomaalinimada iyo dhaqanka suubban ee Reer Koonfur Galbeedba.
Guntii iyo gabangabadii DrAmaandhoorey waxaa uu ka digay halista intaa ka badan iyo mu'amaradaha uu soo maleegayo maamulka sahyuuniga Cabdiwali Gaas uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo horusocodnimada iyo dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dadkeeda.
Dr Amaandhoorey wuxuu yiri "Maamulkan Puntland Naaziiga ka daran Cabiwali Gaas kolka laga reebo dhamaynta shicibka isaga ku dhex nool, waxaa uu wadaa qorshe balaaran uu doonayo inuu ku kala gooyo dhulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sahyuunku wuxuu Garoowe ku soo hubeynayaa qolo ay isku hayb yihiin Buraashadlay la yiraahdo kuwaaso annaga aan jinsiyado siinay goor ay nagu soo qaxeen wuxuuna u miirinayaa inay beel ahaan ugu soo duulaan gobolka Bakool ayna ugu qabsadaan Reer Boqor ahaan siday isugu sheekeeyeen si aakhirka ugu darsadaan gobolada kale ee haray Koonfurta Soomaaliya", laakiin buu yiri datoorku "waxaasoo idil waanu ka warqabnaa waxaana ku eegaynaa tooshah ka iftiin badan faarayaasha xuduudaha lagu ilaaliyo habeenadii".
"Raxawayntu waa ay huruddaa habeenkii iskaba daaye xitaa maalintii ayay jiiftaa ayaad ina oran jidheen, laakiin qarnigan 21aad waa qarni hurdadii laga wada toosay, ogaada kuwa is-ogow habeen iyo maalinba inaan soo jeedno indha tooxtooxana aan idin ku hayno nuuxnuuxsigiini sharka badan lehna aan kaga hortagi doono shan farood iyo calaacalo waawayn marna aan dhici doonin in dhulka Koonfur Galbeed taako ka mid ah aad qaadataan sinaba inta gabari ay naga nooshahay dunidan guudkeeda", sidaa waxaa ku nuuxnuuxsaday aqoonyahan Dr Cabdillaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siinayay Warbaahinta xoogga badan leh ee Koonfurta Soomaaliya Barnaamijka la baxay Xaalka iyo Maanta.

Sowdigan Koonfurow gidaarada go' la'aanta jiifsaday, war doqon lama gaboodsado loomana gargaaree gacantaa ku ciilbeel !!


By: Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip