DURDURYAHAW ROGMANAYA DAA'INKAY RAXMAADKIYO UMMADDA UGU DEEQIYO WAXAAD AHAYD DARUURAHA ROOBKII KA DA'AAYA RAXMAKALLAAH !!

0
17 May, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 3874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    DURDURYAHAW ROGMANAYA DAA'INKAY RAXMAADKIYO UMMADDA UGU DEEQIYO WAXAAD AHAYD DARUURAHA ROOBKII KA DA'AAYA RAXMAKALLAAH !!

    Durduryahaw rogmanaya, Daa'inkay Raxmaadkiyo, ummadda ugu deeqiyo, waxaad ahayd daruuraha roobkii ka da'aaya, Allaha dunida uumiyo laguguna dhaarin diinta, wixii lagaa duraansaday diiday kii aan oran soo daadshay baad ahayd, dadku siduu u i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Durduryahaw rogmanaya, Daa'inkay Raxmaadkiyo, ummadda ugu deeqiyo, waxaad ahayd daruuraha roobkii ka da'aaya, Allaha dunida uumiyo laguguna dhaarin diinta, wixii lagaa duraansaday diiday kii aan oran soo daadshay baad ahayd, dadku siduu u idilyahay inantaan ka doortay oon kala dayoownay sagaashamaadkii, degdeg iiga sii qaadaad ahayd fariintaan u diray, dareensiiyayna inaan wali awdeed dibjirayo qalcadaha ka dayday lahaa, daandaansaday baad ahayd durba lagad xambaaray, iyadoon dabaal aqoon, loox soo dulsaaray dugaalna iigu keenay koluu jacaylku i daashaday, dhammay dacartiisi, kana dilqay dambartiisi daranaha waday.

Qarnigan shaamshaamka ah shoobaradiisu badantahay marna shalaxshalaxlaynaya oo aynu ku nool nahay dunidan sha'nigeedu waynyahay, waxaa dadyowga Af-Soomaaliga ku hadla gaar ahaan Reer Koonfurku ka baxay halyeeyo aan la halmaami karin oo tiir u ahaa Hiddaha iyo Dhaqanka Suubban si wayna uga dhex muuqday moolka hoose iyo baarka sare ee bulshada islamarkaana haldooradaasi tagey shaashad ay isku fiiriyaan shacabka u ahaa sida la filayana ay adkaan doonto in si fudud lagu helo boosaskoodu ay ka tageen cid si hufano waafi ah u soo buuxisa baddal ahaan.
Shintirsiga socda boqolkan sanadood aynu dhex naalo waxaa Soomaalidu ay wayday abwaano hal-abuuradoodu miskexda dhiiggiyo jirka dhaqaajinaya kuwaaso heerka ay ka gaareen suugaanta Soomaalidi lagu qayaasi karayo garaad aad u xadad goostay ka badan boqolaal jaamicadood sida laga dheehanayo ereyadii ay miskexdoodu ka soo shiileen kahor intii ayan ka guurin caalamkan aynu maquuranayno maanta, taasina waxaa la oran karaa waa hibo Eebbe ku manaystay raggan loo wada qiray inay jaamacado guureya ay yihiin kolka loo eego dhanka suugaanta ay xambaarsanayeen.
Abwaanada 2 kun iyo boqolsanadeedka aan noolnahay aakhiro u hayaamay anana aan waynay waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaan Sahal Macalin Ciise oo si fiican loo wada garanayo taariikhda suugaantiisi Soomaaliyeed iyo dhaxalkii ma guuraanka ahaa ee uu uga tagay dadwaynaha Af-Soomaaliga Lahjadiisi Maayga ku hadla kuwaasoo daadsan min daraf ilaa dacal dhulalka ay Soomaalidu dagto NFD Kenya, Soomaali Galbeed Itoobiya, Jabuuti, Somaliland, Puntland, Galmudug bartmaha Soomaaliya, Dhulwaynaha Koonfureed iyo debedaba shanta qaaradood inta sankuneefluhu dago caddaan iyo madow Muslin iyo Gaalaba.
Waxaa isla qarnigan 21-aad ay xisaabtiisu wali inoo sii socoto bulshawaynta Koonfurta Soomaaliya ay miriqdiisi dunidan ka waayeen Abwaan Aadan Maxamed Isaaq oo udub dhexaad u ahaa isna Afka Soomaaliga Maayga iyo suugaantiisi hodanka ahba kaaso in badan lagu xasuusanayo gabayadii uu afkiisi ka tirshay si umaddan mugdiga iyo jahliga looga saaro kuwaaso maantadan laga maqli karayo meel walbo u saaxiib ah kaydinta dhaqanka iyo suugaanta asalka Soomaalida.
Fiidkii duraad maalintii KOOBIN dadka qaarna u yaqaanaan af-Carabida Axad, waxaa adduunkan ka rawaxay Abwaan geeridiisu laabyaasha ololisay qalbiyada laxaw ku reebtay ilina ka keentay malaayiin ruux isugu jira labada insaanka ifkanba daar looga dhigay labka iyo dhaddiga ama ragga iyo haweenka u nasabka sheegta Soomaalinimada gaar ahaan ku abtirsada inta luuqad ahaan afkoodu yahay MAAY INTERNATIONAL abwaankaaso magaciisu yahay naxariistii Janno Allaha siiyee Abwaan Isaaq Aadan Nuur Abgaalow.


Macna buuran ma samaynayso mar haddii taariikh nololeedkiiso muqararo kooban warbaahintu ay sheegeen inaan isla ayadaasi uun ku soo celcelino, laakiin waxaa qurux badan aadna u haboon inaan idinka xaqabtirno dhamaystirka intii ka hadhay waayanololeedka iyo waxqabadka abwaanka.
Marxuum Abwaan Isaaq Abgaalow waxaanu baranay inuu ku dhashay deegaanka Dige-Dige oo hoos yimaada degmada Baardheere gobolka Gedo Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana isagoo xoolalay ah xoolaha raggu ku faano geel leh kolkuu ka soo hayaamay inuu u hodlamay qayb ka mid dhulkiisi magaalada Kismaayo gobolka Jubbada-Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya dabadeedna uu uga sii dusay sanooyin uu halkaa ku noolaaday kadib magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalkeena Soomaaliya meeshaaso magaca naanaysta u caanbaxday ee Abgaalow ay ka soo raacdayba.
Muhiimadda suugaaneed Abwaan Isaaq Aadan Nuur waxaa ay soo  shaacbaxday kagadaal duullaankii gardarada ahaa ee mooriyaantii qabaliga ahayd ee uu horboodayay dhiigyacabkii madaxadiirnaa daallimkii Naardiir ay ku soo qaadeen geyiga Koonfurta Soomaaliya si ay u saqiirwajiiqiyaan dowlladdii MAXAA INOO DAN AH curdanka ahayd ooy dhisteen dadyowga Koonfureed iyada oo ujeeddoyinka ka dambeeyay duullaankaasi uu aad u saldheeraa dulucduna ay ahayd in ciidda Soomaaliya laga tirtiro isir ahaanba wax Maay sheegtaba u dhashay warkoodu daayo.
Waxaa uu ka mid ahaa Abwaanku dadkii guryahooda iyago iska harsanayaay maleeshiya-beelaadda kunka KM ka timid Mudug iyo Galguduud magaaladiisi isago shacabo lugaynaya intay qabteen saldhiggii Baydhabo ku xireenooy waliba baad lacag-madaxfurasho ama dil-toogasho dooransiiyeen, nasiib wanaagse raggii raantalahaa geesiyintii beerka adkaa RAHAWAINIAN RESISTANT ARMY (RRA) ay dharaar cad ka soo furteen sheeladii qarbaanka ahayd meel aan u qalmin mooriyaanta shisheeyuhu ay seexsheen Abwaanka dabadeed kolkii ay awood buuxda turuq iyo lexaad ay ku dheehantahay u sheegteen qawlaysatadii ilinka maxaabsanaysay qashinka una itaal sheegteen wuxu.
Waqtigaasi wixii ka dambeeyay Marxuumku wuxuu toos ugu biiray Mujaahidiintii Ururwaynaha RRA isagoona qorigiisu dagta sudhay bilaabayna inuu ku afuufo gabayadiisi holciya mashigganka tareesada iyo madaafiicda mawjadaha wareersha ka daran ee uu ku naarinayo dugaagtii soo xadgudubtay beelnimadu isku soo bahaysatay barigii lana magacbaxday Huwantii Salballaar balse dadka deegaanada labada Webi qaasatan Maaygu u yiqiineen HUWANTII DHUUN BALLAAR.
Gumucu kolkuu wiifleeyo firadu duusho gadaal umuun laaban jirin Abwaan Abgaalow, laakiin waxaa isha lagu dhufan jiray isagoo burursan  Aakaha ololiya ifisadu afuufaya afkiisuna gabayada ka baxaa-burqanaaya ay xabbaduhuba roonyihiin.
Hadal raagay baa wuxuu yiraahdaa "Raxawayn Xarbi Galay Aduunyo Maba Xamanayso", sadaqtu waa hadal biyo kama dhibcaan ah weedhaasi, sideedaba dadka Soomaalida Koonfurta ka soo jeeda gaar ahaan Maayga asalka ah waa loo qiray geesinimada sida ay xusayso taariikhda limbashadiidka wax ka qorta cibarka qarniyo aan dhawaynba iyo ka haatan aynu joognaba, Abwaan Abgaalowna wuxuu duriyad ahaan dhabargalaa libaaxyadaasi Raxawayn aynu kor ku soo xusnay malahayna geesinimada xad-dhaafki halkaasi ayuu ka soo waariday bacdama uu ku joogo xididkii Maxamed iyo Cali Raxawayn dadka qaarna uba yaqaanaan Digilow-Mirifle.
Abwaanku sida la ogsoonyahay kamuun tanaasulin mawqifkiisi iyo mabaa'diiduu aaminsanaa ee ahaa (Ama Geeri Ama Guul, Naardiir oo la Gaydhi siibaa), hankaaso guushiisi Illaahay ku tusay adduunyadan korkeeda isagoona aakhiritaankii siduu u gabyaayay Milatariga Gaashaaman Ururwaynaha RRA soo gaarsiiyay afaafka hore furimaha dagaalka meel aanu cadowgu filaynin inuu gaashaanqaadka gutooyinka birajeexa Koonfur Galbeed ay soo gaarayaan sida halka badha gobollada Jubba Baay iyo Shabeellaha-Hoose Haawaay iyo jiidda hore goobta mooska ay marsan jireen mooriyaantu birtu leejaduna ay ka qaadan jireen Buundadii ummadda lagu dhibay ee Afgooye.

Waxqabadka Abwaan Isaaq Aadan Nuur Abgaalow ma ahan wax hal qormo iyo laba lagu soo koobi karayo, waa wax u baahan in sanooyin laga faaloodo laguna qoro kutubo baalal waawayn leh, abwaanku wuxuu ahaa halyeey geesi ah warka xaqiiqdiisina aan la gamban runtana wajiga ka saari jiray wax Allaaliyo wixii xadgudub ku wada dadka isaga uu ka dhashay, wuxuu ahaa coljooge hiila leh gacanfuran hortiisina aan lagugu handadi karin, wuxuu ahaa nindoor guntiga dhiisha isaga dhigay go'aansaday inuu dalkiisu uga madaxbanaanaado cunsuriyinta qarsoon gumeystayaasha gudaha Maxatirida, wuxuu suugaan la fahmi karayo kana af badan seefta qaashka ah oo kale uu ku karbaashi jiray fagaarayaasha GUUGUULAYAASHA GAFANKA IYO GOOBBAHA IYO GABADHA GUURGUURTA BEENBOODAYAASHA GAARDIS BADANKA.
Abwaanka wayn Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash oo u abwaan ah dadyowga Koonfurta Soomaaliya Maayga iyo wixii soo raaca oo maalintii shalay ee LAAMMIN afka qalaadna Isniin ahayd goobjoog ka ahaa aaskii Rabbigeen ha u naxariistee Marxuum Isaaq  Aadan Nuur Abwaan Abgaalow waxaa uu barta qabriga saaxiibkii isagoo taagan Warbaahinta si dareen leh uga hadlay geerida Abwaanka, wuxuuna ku dheeraaday tacsiyad dabadeed halggankii waddaninimada ay soo wada galeen isaga iyo Marxuumka iyo sida uu uga cabsi qabo in Abwaanka qabriga lagu ilaawo si la mid ah sidii kuwii isaga ka horeeyay ee dalkan iyo ummaddan dulman u soo halggamayba loogu halmaamay carrada hoosteeda oon taariikhdooda in badan aan kor loo qaadqaadin.

"Ratiga dambe ratiga horuu saanqaadkiisu leeyahay", oraahbaa tiri, waana sax hadalkaasi maxaa wacay tusaale gaaban>cunugga adiga aad dhashay yaraantiisu intuu kula joogo waxa aad adigu sameyso ayuunbuu isna kaa daba samaynayaa, macnuhu abwaanadu waa indhihii iyo miskexdii bulshada, haddii dadkii waxgalka ahaa sida culimadii, aqoonyahanadii, saraakiishii, halgamayaashii, suugaanyahanadii, dhaqaatiirtii, samafalayaashii iyo iyagiiba jiilka soo koraya ay arki waayaan haldooradii oo la buunbuuninayo nolol iyo geeriba ummadu sow dhiman mayso haddaa iyadoo noolba geerida horteed, ileen qof waliba wuxuu ku haminayaa haddii boqol jaamacdoodna aad ka soo baxdo si kastood ugu dadaasha dadkaaga iyo dalkaagi u dhimatood u dhoofto, bari goortaad habaas noqotid raabuqdid, ama tii Rabbi kuu timaad cidina kuma xusuusanayso cagsigeeda sida loo sameeyo dadyowga Maxatirida halyeeyadooda.
"Ajalna waa ma dhaafaan Amuushana waa Xaq", sidaasi waxaa laga soo dheegtay Abwaanka wayn Koonfurta Soomaaliya Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash kaaso marka aad u fiirsato warka uu ku hadlayo boqolkiiba sagaashan iyo sagaal ku fadhiya nusuusta saxda ah diinta samaawiga lagu soo dajiyay Nebi Maxamed CS ayaadda ah (Kullu Nafsan Daa'iqatul Mawd), lama diidi karo waa xukun mar hore nagu dhacay mana diidi karayno dhimashada waana haddiyadda ugu qaalisan ee Allaah nooga soo diro dhanka kore ee amarku uu ka yimaado, laakiin waxa lala gubanayo walina shucuubta Koonfurta Soomaaliya looga caal la'yahay inay ka gudbaan baa waxay tahay, inay qofkoodu halyeeyga ah inta uu noolyahay kaalmada u baahanyahay sida diinka indhuhu uun ayan ka daawan wax u taraanoy kaalmo u dhuraan, balse ceebta ku foogan dadkani ay tahay inaad arkaysid jeer uu geeriyooday qofkii nolosha gacanta iyo waxqabadka rabay intay addimada ka dhuuqsadeen macala samaca maqalka iyagoo af qaraxa qallayl la soo taagan kuguna oranaya tacsida iga gaarsii kolkuu jiito qofkii.
Ingiriisugu wuxuu yiraahdaa "Constant drops wear away" quraanjo uruurtay bulac way jiiddaa, war qofka qofku intuu noolyahay baa wax la taraa iilkase la isma gargaaro aboorka, maantoolay Reer Koonfur Galbeed min hal doollar waa ay karaan, haddii ay ku deeqaan haldooradooda ku dhibban dalkii sida abwaanada way awoodaan, laakiin wali ulusadaasi dhiibiwaaga lugaha iyo gacmaha dadkeena kaga xiran una diiddan inay wax uun deeqa ku bixiyaan danta guud garan mayno goorta ay ka furmayso teeriyo Qiyaamaha wiisku jeer uu yeero, waana meeshaasi halka aafadu naga haysato iyo ceebta qaangaadhay joogadeena dunidan.
Abwaan Tarash waxaa uu ka sharqamiyay in Abwaan Isaaq Abgaalow ay suugaantiisu sharbaan iyo  warbaan ku dhufan jirtay cadowga hiillo iyo fiirana u ahayd dadkiisi, wuxuuna Abwaan Maxamuud fariin abwaaneed miisaan leh uu u soo diray shacabwaynaha Koonfurta u dhashay inay bal wax iska baddalaan qaasatan halgamayaasha Saxaafadda Koonfureed ku lugli inay la yimaadaan hinddisa mid ah aalado afaf dhaadheer lagu baahin karayo taariikhda iyo dhaqanka dadyowga Maayga isagoona si qiira leh ciili uu ka muuqdo uu uga dhawaajiyay in idaacadaha afafka dhaadheer Soomaalidu dhagaysato sida BBC iyo VOA ay maamulaan qolyaha Maxagu guud ahaanba laga mamnuucay baahinta taariikhaha dadka u awliyada ah Maayga iyo dhaqankoodu maguuraanka wanaagsanba.
Inahaasi maangaabku caqliga yari Koonfurta ka soo jeeda waxaa lagu khaldi karaa kol haddii abwaanada gobollo u hadlayaan inay qaran ahayn sida ay qolyaha Maxagi ku aftoogtaan liishaankoodu marka ay arkaan nin wax fahansan Maay ahi inuu dadka dulmano jiifa wax u sheega doonayo si ay afaafka saaxadaba uga saaran kahor intuusan meel soo gaarin, waxay ku furayaan barabagaandooyin farabadan waxayna ku dirayaan qaar ka mid ah dadkiisi aragtida gaaban isla kuwaasi ay u adeegsadeen ayayna u badan tahay inayba ka taqulusaan qofkii haldoorka ahaa iyago waa kuwa Maxaguye, inta nacaseenta walaalkood wax fahamsan ka horgeeyeen shaqadu wadaan ay amaanayaan amaan bug ah kuna tilmaamayaan inay hawl qaran wadaanooy qaraami yihiin.
Waxaasi iyo waxa la midki, waa ay wacnaanlahayd inay ka koraan shacabwaynaha Reer Koonfur Soomaaliya ay miskexdoodu furaan ayna gartaan ka gacalka u ah iyo ka maqarka godinta guntiga ugu haysto doonayo maruun inuu qoorta ka gooyo.
Diinteena macaanida badan qaab nololeed wanaag badan bay ina baraysaa, waa, haddii aan muraajacayno.
Misaal waxaad u soo qaadataa>ambiyada Illaahay nebi Muuse CS kolkii la soo saaray sowtii qiiro dartii nin u dilay isagoo ugu hiilinaya ka la dilihi ma ahane ka qoomkiisi ahaa.
Tusaale kale> nebi Maxamed CS khaatamul Ambiyaa markii la soo daahiriyay sow qawmkiisi Quraysh oo gaalnimo ku jiray uguma hiilino la doonin liibaanta, sido kalana asxaabtiisi inta badan ma wayan mid waliba goortuu soo Islaamay ehelkiisi intuu dib ugu laabtay uguna hiillin guusha sida Abuudar Al-Qifaari iyo Ibnu Dawsi RC, haddaa haddii halyeeygaagan dadkiisi xaqdarada lagu hayo u hiiliyay laguu tuso inuusan nin qaran ahayn kuuna tusayaan kuwii dulmiga waday adna aad "nacam", tiraahdid kitaabkooda, macnaheegu sow ma aha inaad khilaaftay sunnihii ambiyada iyo nebi Maxamed ileen xaddiis saxiixo sugan baaba yiri "Walaalkaa hadduu gardaranyahana u hiiliyo gacantiisi qabo, oo haddii laga gardaranyahayna gacan siiyo garabkiisa istaag", war Reer Koonfuroow adiga adigu war adiga adinka maxaa idin ka si ah?, war abwaanadu waa rusul naloo soo diray si loogu badbaadiyo ummadan dulmane dalanbaabiga lagu riday diiftu wali sidii uga sii muuqanayso RC jamiican.
Guntii iyo gabangabadii Abwaan Isaaq Aadan Nuur Abgaalow oo lagu aasay magaalada Baydhabo xarunta Labaad dalwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya maalintii LAAMMIN ooy tacsidiisuna si wayn looga dareemay guud ahaan caalamka iyo gudaha Soomaaliyaba waxaa Eebbe looga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo ehelkii qosykii iyo qarabadii uu ka tagayna samir iyo iimmaan Rabbigu inuu ka siiyo.

Afyaal Abgaalow Allaah ayaa Oofsaday Ceebna kamuun Tagin Amaan Mooyee inta la Ogyahay Ifkan Dushiisi RaximahuLLaah !!

By: Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip