NACALATAALLAAHI CALAA GUDOOMIYE BAARLAMAAN IYO WIXII U ORDAAYA !!

0
19 May, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 3425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    NACALATAALLAAHI CALAA GUDOOMIYE BAARLAMAAN IYO WIXII U ORDAAYA !!

    Maxaa samirku gaaxdaa nasiib gaabiyaa dilaa misna gaari waayaa, geddeedina sow ma tihid goronyooy gabbal kuu dhac eeggan Xaqirkiyo gun-nimadaad qabtiyo nolol xushmeyn-waaga, adigaa xamilayo waa kaa qaax xaax ka oranayne, hadduu dhiig xanaaqa ku jiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa samirku gaaxdaa nasiib gaabiyaa dilaa misna gaari waayaa, geddeedina sow ma tihid goronyooy gabbal kuu dhac eeggan Xaqirkiyo gun-nimadaad qabtiyo nolol xushmeyn-waaga, adigaa xamilayo waa kaa qaax xaax ka oranayne, hadduu dhiig xanaaqa ku jiro xubina jirkaaga, ood xidid damqada leedahiyo xume ka diireyso, Walle kuma laba xagleyseen ragga xoorka kaa dhamay. Hogga lagugu taagiyo cunaha xadhiga kuu dhuuqsan, xamuulka garbaha kaa riday iyo xanfafka iyo boogta, hoosta shilintan ku haysatiyo dhuuggan kugu xoonsan, higta gosha kuu soo dhacda ee xerada kaa saarta, xarumahaaga aarka kuu jiifsadaye haragga kaa saaray, xaakow-goynta gaar iyo bareer laguugu xaarsiiyay, hantooyadii boobkiyo dhaca lagu xantoobeysan waxay ku xuub goosteen intuba waa xisaab li'idaade, haddaanse darsin xigmad leh idiin aqriyana ma xifdiyeysaane, wixii aan xildhibaanoow maanso xaliyo ku xabeebtay, amaba xirtu wey badan tahoo waano kugu xiiqday, meydaan garan murtida xaqiiqdii xididadeedii. xaan ka koobsadayda wax badan ugu xadreyneyney, laakiin xaajadu kamay dhugan kabtii ugu xaraarayd. qaranyahaw Koonfur Galbeed xornimadaad rabto ee u hanqal taageyso, xirfadeedu jeer adiga uun xaakim ka ahaato oo xeerbeegtidaadu xaruntu taladu ku hayso, oo xubin u deysaan qorshaha xarbigana qaybo, oo xag siyaasiyo askari xaslato hawshaada xiddigaha ka dheer in lixdan xidig bilaash loo xasiliyaa habacna ku tiraahdaan xayndaabka xariirta kursiga Soomaaliyada bari hore lagaa hilaabtay.

Bacdama bigro uur leh waalidkeed farax la boodaayo iyo biitooni jaamici ah badow xafiis jooga ay ku bateen wax siyaasiyin sheegta Koonfurta Soomaaliya, wax dadna aan ahayno dadna u muuq eg, oon duunyana ahayno duunyada bidhaan shabbaha teeriyo sanaddii 1960-kii, kadib kolkii laga soo gudbay dowlladdii mustacmarka daaqiliga ahayd, waxaa khasab noqotay si looga hortago khataraha iyo nasiibdarooyinkii dhacay kuwo la mid ah si aanay siriqda halista lugaha u limban in la sii naadiyo aflabadii daan laguna sii naadiyo shaqsi kasta bohosha ku ridi raba masiirka umadda Koonfurta Soomaaliya kuwaaso ilaa maalintii Taliyaani iyo Ingiriis dalku ka tageen karaar walbooy qaataan gaarigoodu dhaafi kari waayay kursiga Raysul Baarlamanka Soomaaliya sabab looga dhigay jabkaasi iyo guuldarooyinkii la dagay qowmiyaddan.
Dood kulul dhagay-fara xalay ka dhacday Istudiyaha Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya Xaruntiisi Qaaradda Yurub ooyna ka qaybqaadanayeen Aqoonyahanada iyo Wariyeyaasha mufakareenta ummamka Koonfur Soomaaliya waxaa ay si dhiillo ku jirta ay ugu gorfeeyeen doodda cudurada dillaaga bushayga ku keena dadyowga Koonfureed halka ay ka yimaadaan iyo sida looga hortagi karaayo inta ay goorigoortahay oon xeerada iyo fandhaalku kala dhicin dabeylaha laamaha rujiyana aysan u dhaqaaqin sidii lexaadsigoodi looga bartay lixdameeyadii oo kale.
Wariyaha Barnaamijkna la baxay NACALLATALLAAHI CALAA GUDOOMIYE BAARLAMAAN IYO WIXII U ORDAHAYA daandihinayay suxufiga lagu magacaabo Fahad Maxamed Abuukar Abowasharow ayaa furitaankiisi kadib waxaa uu su'aalo la mid ah dhadhaabaha biraha naafeeya uu soo dhex dhigay aqoonyanadii madasha fadhiyay ee kana qaybgalayay doodda xiisaha xambaarsanayd taasoo dadkii tooska u daawanayay xiligaasi masraxa martida ku ahaa ay in badan macaansanayeen habsami usocodka iyo dulucsamida dhadhanka leh ee doodda taasoo nuxurkeedu inta badan abaarayay Doorashada Dalka Federaalka Soomaaliya 2016 iyo Doorka Kursiga Sare ee Reer Koonfurku.
Mid ka mid ah su'aalihii dhamacda ahaa ee uu ka jawaabayay Aqoonyahan Proff C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandoorey oo islamarkaana ah Madaxa Guud Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya waxaa uu hoosta ka xariiqay kalka kan in Kursiga ugu Sareeya Soomaaliya wax ka hooseeya sinaba ugu cuntami karaynin shacabwaynaa balaaran uguna hodman ee Koonfurta Soomaaliya kulaala.
Dr Amaandhoorey waxaa uu ku nuuxnuuxsaday ayaandarada ay siyaasiyin kooban Koonfurta ka soo jeeda min Lixdankii ilaamaa joogadeena maanta ay u soo waarideen dadka Maayga ku abtirsada siyaasiyintaasoo Datoorku uu magacdhabay dhamaantood kuwaasoo sida uu yiri Proff Amaandhoorey baabuurkoodu ku bariiqday moorada xaarka badan dhiiqadu urkeedu kamkamayo dhoobantahay waxa loogu yeero Jagada Raysal Baarlamaan isagoona farfiiqiisi uu ku bilaabay ragga magaca xun u soo saariyay Maay inay ka mid ahaayeen sida 1.Shiikh Mukhtaar. 2.Dr Cabdalla Deerow Isxaaq. 3.Mustaf Guudow. 4.SHariif Xasan Shiikh Aadan. 5.Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe). iyo, 7. Proff Mxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Proff Amaandhoorey waxaa uu carrabku ku adkeeyay uu yiri "Gudoomiye Baarlamaan Waa Kabatale waxbana kama aha Dowlladda Soomaaliya waana lagu adeegtaa, ma ahan magac, waa magac u yeel, waxaa jira afafka qalaad wax la yiraahdo NOUN iyo PRONOUN magac iyo magac u yaal, Raysul-Baarlamaana waa Magaca-U-Yal, meel aan marno malaha maxaa wacay dadka asaggeena Maxatiridi intay garbaha nagu dhiftaan bay nagu oranayaan "Adinka Kabatalyaashii Sow Ma Tihiin?", ayagoo ula jeeda inaan xil ahaan waligeena leenahay jagada adeegaha hoose ee waxa loogu yeero Gudoomiye Baarlamaan".
Isago sumcad xumadaasi magaca bahdilka u yeeray shucuubta Koonfureed ka gubanaya siina hadlayay Dr-ku waxaa ka digay in doorashada soo socota ee inagu soo foolka leh foodda nagu soo haysa 2016 haddii Eebbe nagu simo waqtigu, aanay siyaasiyinta calooshooda la cayaarayaasha wasaqda ahi hoos ka gudaya mandheerta iyo malalaxda malaxda dhiiggiyo uusta malabsanayaa dhaqanka ka dhumay dabajiriinta qabbanaada kirishbooyada ahi ummadda urwareershay sinaba loogu ogolaan wax fursad u eg oo ay mar kale shaabadda KABATALNIMADA ugu dhuftaan ummada xaqdiga isquuskiyo raddidiiladiyo hooggu ay badeen canaasiirta siyaasiyinta farakutiriska kuwaasoo mood iyo noolba midna aanay u aabbayeelahayn magac iyo sharaf warkooduba daa, mooye maalin ku mood iyo carrabdhaq waxaan sidaa u sii dhaafsiisnayn sandareertadu, yacnii, sifaale bagdhinimo waxa lagu fasiro caadaqaatanimo yibir walaalkii.
Barnaamijkii la isagu dhaaminayay xalay looguna qoynayay inta kursi baarlamaan u orodday iyo qaarka hunguri kaga jiro inay haatan u ordaanba balse isqarqarinaya, waxaa geestiisi kale lagu falanqeeyay waxqabadka xukuumadda iyo Wasiirada Dowlladda Koonfur Galbeed iyo halka ay iyana dabadoodu ka muuqanayso, waxaana amaantooda waxqabadka marka laga yimaado dhulka lagu jiiday dhaqanxumada wasiirada Koonfur Galbeed oo inta badan lagu eedeeyay in Sharriif Xasan uun sii dhaweeyaan soona dhaweeyaan madaxweynaha Koonfur Galbeed inta uu maqanyahayna baldaamuhu ay iska dansanyihiin islamarkaana ayanba garanahayn shaqadoodu iyo waxa loo igmadaye kitaabka Kariimki ugu dhaarteen.
Wasiirada Koonfur Galbeed waxaa sido kale aad loogu eedeeyay in 24-ka saac ay aaladda loo yaqaan FACEBOOK soo fadhiyaan islamarkaana ay saweraan istustus ahi qof walba adiga magac hel u muuqanaya ay barta bulshadu soo dhigaan iyaga oo aad mooddid inay qabanayaan hawshii wariyeyaasha taasoona qofka masuulka ahi heerkiisu wasiirnimo dowli gaarsiisanyahay aanay marnaba u wanaagsanayn sumcad ahaan dhaawac wayna ku ah magaca dowlladda uu matalayo masuulku, iyadoona taa ku tumasho xeer qaran tahay koka loo eego qawaaniinta quruumaha caalamka marka laga hadlayo nidaam dowladeed.
Dadka mudanayaasha ka ah iyo xukuumadooda wasiirada Koonfur Galbeed waxaa haatan miiska u saaran cambaarayn culus waxqabad xumo dadbaana iska waraysta goortay dhugteen dansanaanta wasiiradu "Tolow inay aqoon leeyihiin iyo in kaliyo, ama waa wasiiraduye, inay aaminsanyihiin in dowlladda Koonfur Galbeedba Shariif Xasan kaligii leeyahay ooy isleeyihiin haddii wixii la idin dhaho waxaan ahayn aad samaysaan meeshaba la idinka burin doono sida naag jaariyad ah, maxaa yeelay wasiirada Koonfurta Galbeed waxaa la sheegay inay aroor kasta ay ku dheelmadaan guriga Shariif Xasan Shiikh Aadan madaxweynaha dalka isagoon qaxwaba cabbin intii ay ku dheelmanlahaayeen qanuun ahaan xaafiisyadooda sida ku asteysan qaamuuska shuruucda dowlladooda.
"Sowdigan gidaarada go' la'aanta jiifsaday, war doqon lama gaboodsado loomana gargaaree gacantaa ku ciilbeel", suugaan raagtay baa tiri
Naag naag ah oo kontonlay ahaaba intay sucuudiga u tariistay canjalad ay soo duubtay soo tiriye, "AMA TATA BAAN KEENI AMA WAAN SOO TARIIQMIYE", Siyaasiga Koonfureed, War siyaasiyow maxaa kaa si ah, war adiga oo Illaahay Boqolow kaa Dhigay sideed mar walba u qaadataa KURSI KABATALNIMO una keentaa kaa laga yaqyaqsado gabdhuhu xitaa Maxagi iska diideen, ma naagtaasi kontonlayda ah baad ka liidataa mise waxaynaan ogaynbaa qarsoon oo WOMANISH nimow-naageed kintirow-dhex-yaal baad tahay maxaad naqaska isugu dhajin dadkaagana aad ugu dhajin waa su'aal darane, armaa lagu baaraa hoostaadu waalantahay qofyahaw ?
Suugaan miskexdu ay ogolaanaysaa waxay iyana leedahay "meel aad madax ka tahay majaheeda lama noqdo", Alleylehe taasaana macaquul ah waa sax dunidu waa "Ama ka Maqnow, Ama ka muuqo", "mawdku waa gare nolosha ma isku aasnaa", mid kalaa sii raacsatay.
Ugu dambayntii dood-wadaaggan carcartiisi watay oo aad u dheeraa waxaa boqoljirooyinka caadooda ragga sheegta siyaasiyinta Koonfurta ka soo jeeda lagu tuhmayo inay xarigga gooyaano Kabatalnimo u ordaan doonaya baxaabaxeeyay aqoonyahanka Afku-Dhashiikaha ah gaydhidiisu siibantahay runta aan ka gamban Ustad Aadan Increase oo guntin guntin fur u kala dhig dhigay dheesha halka ay ka khaldan tahay iyo waxa la gudboon bulshawaynta dalwaynaha Koonfur Soomaaliya si ay u gaaraan hoggaanka sare madaxtooyada geeska Bari ee Afrika.
Aqoonyahan Aadan Increase waxaa uu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad kooban tira 5 gaaraya oo doonaya inay qabtaan xilka eeynimada gudoomiyenimada baarlamanka Soomaaliya eeyahaasi lafxaqasha-doonki ka soo jeeda qowmiyadda Koonfurta Soomaaliya iyagoo doonayaba buu yiri qaarkood inay umaada marka hore been u sheegaanooy yiraahdaan waxaan nahay musharixiin u tartamaysa kursiga madaxtinimada Federaalka Soomaaliya, taasoo huuhaa ay tahay laakiin u qarsoontahay ciyaarta kolka ay kululaato inay la soo baxaan kaarkoodi rasmiga ahaa ee ah inay sakaraad u yihiin xilka baarlamaanka firimbihaayi hiisi.
Mar uu ka warcelinayay waydiin wariyuhu waydiiyay ee ahayd in "Magaca Raysal-Baarlamaanka Reer Koonfurku lagu Shaabbadeeyay iyo sida looga gudbi karayo". Ustad Adam waxaa uu ku jawaabay inay waxba kama jiriin tahay in bulshada Koonfureed lagu shaabbadeeyay magacaasi qallaxan dhuray sharaftoodu kaliya saami ahaan leeyihiin kursiga Raysal-Baarlamaanku balse buu yiri "Magacaasi Xun isla ayaka uun ay isku Shaabadeeyeen maantana tahay isla ayagii uun inay go'aan midi ka gaaraanooy la yimaadaan ka gudbidda dhoobadaasi cuslaysay dhaqaaqa lugahooda u talaabsiga kursiga sare ee dalka Soomaaliyada madow.
Dood-Wadaaggii habeenkii galbay Studio-yahay Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya uu ku qabtay bartamaha qaaradda Yurub ayaa waxaa uu ahaa mid aad u soo jiitay dareenka daawadayaasha iyo dhagaystayaasha aadka ugu dhuundaloola siyaasadda dalka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan geyiga Koonfureed oo sida hubaalki mishkuladda ugu badan geeska Afrika ay haatan ka aloosantahay hadday ahaan lahayd dhanka noloshiyo siyaasaddaba.
Soomaaliya ayaa inta la ogyahay xiligii xoriyada lagu sheegay wuxu sanaddii 1960kii, waxaa xilka ugu sareeya kursiga isaga soo dabanoqnoqnayay sida naag ninkaadu dhintay dumaashigeedi dumaalaya oo kale 2 qolo Maxa-tiri ah cadow isku ah gudahooda laakiin midooba uun kolka ay arkaan qof Maay-erti ah oo kursiga haweysanayaa, iyako u midoobaya dartii ninka Maaygi inay wada tuqaantuqiyaan saaladana ka tuuraan islamarkaana samaynaya wax walbo ay ugu suuragali kadho inay maruun kaga taqalusaan xitaa hadday tahay diin ka bax.
Macnuhuna waxaa weeye, nin ama of ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya waligii ma qaban xilka madaxtinimada Soomaaliya teeriyo goortii la sheegay in wax la isku dardarsaday gumaysigii caddaanka dabadii. 
Taariikhda qoran ee waqtiga tagey ka sheekeyneysa iyo tii markaa taagan ee lagu tilaabsanaayo iyo tan tilmaanta tii lagu soconaayo taxadarka u baahan nin tirtiray hadduu jiro mar bay taariikhdu la turaanturootaa, iyadoo tixgelinteeda mudan yaan la kala tuurin intay talo gudboon tahay rag wuu isugu tagaa hawle, tigaad loo dhan yahay tuurta waa lagu wadaagaa, nin taaxsigii ma jiro gudihiina iyo waxaad shaley taqiineen ee Sidii Tawxiidka loo cuskaday yaan kutiri-kuteen lagu turjumin tii la rabay ma ahane tani !!



By: Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip