MADAXA GUUD WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA DR AMAANDHOOREY IYO WAFDIGIISI OO SI WAYN LOOGU SOO DHOWEEYAY BARIGA SWITZERLAND !!

0
15 October, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    MADAXA GUUD WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA DR AMAANDHOOREY IYO WAFDIGIISI OO SI WAYN LOOGU SOO DHOWEEYAY BARIGA SWITZERLAND !!

    Dunidan horumartay daraanteedu wareeganayso iyo taarikhaha taxan dhacdooyinka silsiladaha ah tilmaamaya saamaqaadka iyo ficilada waxqabadka leh ruuxa nuuxsada dhaqdhaqaaqiisa muujisa soona bandhigto mareegta sahashayna in laga haqabtirmo u baahnaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidan horumartay daraanteedu wareeganayso iyo taarikhaha taxan dhacdooyinka silsiladaha ah tilmaamaya saamaqaadka iyo ficilada waxqabadka leh ruuxa nuuxsada dhaqdhaqaaqiisa muujisa soona bandhigto mareegta sahashayna in laga haqabtirmo u baahnaashiyaha wararka ay bani aadamku u baahanyihiin teeriyo kororsiinyahoodu, si furan qabarka wixii dhacayaa aaladdu fududaysay, waxaa maanto Sabti ah booqasho culus u darban soodhawayn geesinimo hoyga Aqoonyahan Ustad Adam Increase ku tagay wafdi culus ee hoggaaminayo madaxa guud Warbaaahinta Koonfurta Soomaaliya Dr Cabdullaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey.

Booqashadan oo masuuliyin badan qayb ka ahaayeen, waxaa uu ku qotontay ka munaashiqoonta hawlaha hor yaala Warbaahinta Koonfureed iyo waliba wixii u qabsoomayba, taaso ku hoos duugan horumarinta Afka Soomaaliga Mayga iyo Maxaguba, si loo helo hanaan aan qalcado lahayn sida dhaabadda dhakawyaysan u taagnaada ooy ku soo hirtaan jiilka haatan gurguuranaya iyo kuwa soo kici doonaba mustaqbilka fog sifo aanay ugu lumin afkeeni hooyo bacdama aysan jirin dowllad awood badan leh oo xifdisa suugaanta luqawiga hodanka ah ee soomaaliyeed.
Kulanka aadka u balaarnaa aqoonyahano muwaadiniin dhaba dhowaan aanay wada fariisan isku arkeen hooyga gaar ahaan hoolka shirarka degdegga iyo xaaladaha ee Ustad  Adam Increase, waxaa sido kale lagu falanqeeyay sideedaba waxa hortaagan in Tv Qaranka Southern State ku hadla arrimihiisi dhidabada loo aaso hawadana la gelsho 24-ka saac maalinka iyo habeenkuba ka koobanyahay, arrintaaso madaxa Warbaahintu uu aad ugu dheeraday sababta durganwaaga hawshaasi, Dr Amaandhoorey waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in caqabadda halka ugu badan hawagelinta Tv-gaasi ay tahay quuriwaa' iyo xasad gacantoodu la haray dadka jeebwaynayaasha u dhashay ciidda Koonfurta Soomaaliya, kuwaaso ee uu ku tilaamay datoorku in ay yihiin bakhayllo u saqi ah asaagooda u cadowga ah noloshooda ee uu ula jeedo waxaan Reer Koonfurka ahayn inta ka soo hadha wixii Soomaali ah.
Shirkan albaabadu u xirnaayeen arrimooyin farabadan aan saxaafadda laga sii daynahayn sababa jira awgood lagu gorfaynayay, waxaa si karti iyo karaarba leh uga hadlay aqoonyahayn Cabduqaadir Siidow oo isago indhalabaqaaq ah qarshadiisu u jabantahay weerar culuso afka ah ku qaaday wali dhibaatooyinka gardarada ku dhidban damaca qabiilku ku saysaabanyahay ka sii soconaya guud ahaan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha-Hoose, Mudane Siidow waxaa uu ku dheeraday waxa ka jira xaqiiqatan dhulalkaasi aynu korka ku soo xusnay iyo sidii looga bixi lahaa xabaalnololeedda isagoona ugu baaqay dhamaan dadyowga Koonfureed inay candhuuftoodu ta gudaha hoos u liqaan lana soo baxaan hubkooda iyo dardaro hor leh si ay isaga hor leexiyaan xadgudubyada xad-dhaafka lagu hayo deegaamadooda.
"Lama joogo xili aad noqotaan axad meel iska dangiiga cunta cunid uun yaqaan, arag waxa socda waqtiga la joogiyo waxaan soo marnay", sidaasi waxaa ka dhawaajiyay aqoonyahayn Caaqil Cabduqaadir Siiddow oo hadal gubtaanya leh wax ugu sheegayay idil ahaan shacabwaynaha ka soo jeeda dalwaynaha Koonfurta Soomaaliya.
Intuusan hadalka laasanna maruu hadalku boobay Kornayl Daahir Xuseen Jimcaale oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliya XGDS, waxaa uu isaguna taabtay dhanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya, Kornaylku wuxuu carrabka ku adkeeyay in kursiga madaxtinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kalkan lagu tijaabiyo dadka Koonfureed, maadaama buu yiri teeriyo 1960-kii ilaa haatan joogadeena labadii qolo ee haysay xilka sare aanu aragnay natiijaday keenaan iyo waxay u soo hoyeen guul iyo guuldaraba qaranka Soomaaliya iyo dadkiisi dagaba geeska.


Aqoonyahanka lugeeya islamarkaana ka mid ah wariyaasha ugu miisaanka culus Soomaalida gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya Adam Increase, waxaa uu sheegay inay farxadwayn ay u tahay in masuuliyin magac iyo muuqba ku leh geeska Afrika ay hoygiisi ku soo booqdaan iyagoona hawl shaqo ku jooga quseeya horumarinta danta guud ummamka webiyada.
Shirkan waqtiga badan qaatay loogana waramayay dhamaan waxa ka socda dalka Soomaaliya, waxaa baaq culus loogu diray dadka walaalaha ah Soomaalida  meel walbooy joogaan inay ka foogaadaan dagaallada sokeeye iyo isdulminta, waxaa dhambaal nabadeed hawada loogu soo marshay Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan collaadda miiska wadahadalkana ku kala baxaan, maxaa wacay bay yiraahdeen aqoonyahanadu dagaal in wiil uu ku dhinto mooyaane wiili aanu ku dhalan.

Guntii iyo gabangabadii, booqashadan shaqo taariikhiga ah Dr Amaandhoorey iyo wafdigiisi ay ku tageen bariga Switzerland waxaa uu hoosta ka xariiqayaa dadaalka ay Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ugu jirto horumarinta yabyabidda meelkasoobixinta meelkoregaynta magaca iyo sumcadda sharafka iyo karaamada jiritaaneed shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadwaynaha kulaala Koonfurta Soomaaliya kuwaaso sida la tilmaamo ay daashadeen dhibta dagaalada sokooye ay soo waarideen ooy ugu horeeyaan qaraxyada qaradawayn bambaanooyinka bootiya dadka iyo baabuurta kaaraha gurguurta iyo beebbeega burqada baalootooyinka ee uu horbooday baarqabkii beerlaab.

Sidee loo tadaawili karaa tolow wali taws caqliga haysta !!







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip