PROFF MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI HALYEEY UGUB AH WAA DURIYADDII AABBE RAXAWEYN !!

0
22 October, 2016 in by Adam Increase
  • Visits: 2508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    PROFF MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI HALYEEY UGUB AH WAA DURIYADDII AABBE RAXAWEYN !!

    Ummad kala irdhowdaan isleeyahay istiqraariyo amni Alle u waydii, caruur afkooda lumisaan isleeyahay ereyadoodi hooyo afridka ku owlaali, iilashada eexdiyo amaandaradaan badataan isleeyahay isbaarada ku adkee, afarta wiil aqalka aaddaan isleeyahay mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad kala irdhowdaan isleeyahay istiqraariyo amni Alle u waydii, caruur afkooda lumisaan isleeyahay ereyadoodi hooyo afridka ku owlaali, iilashada eexdiyo amaandaradaan badataan isleeyahay isbaarada ku adkee, afarta wiil aqalka aaddaan isleeyahay midi 3-da aafeysan ugadig, inantan aroostay uunsigeedu carfaaya aqoonsiga u ilmaysaan isleeyahay astaantii ugu alalaas, ilmahan ambaday Zenawi u ooyaan isleeyahay asalkooda u celi, casaawiirteena Kenyaanku cadaabaan isleeyahay afti midnimo ugu ola-ololee, curadkeena afartabuurood iska afreebtaan isleeyahay cadowga ka caabbi, olloggeena culayska nagu hayo arliga ceegaagan isleeyahay ixtilaalka ka caqabadee, oofar igu aabba ustarka cabbaysan waayaan isleeyahay isdifaac ugu addin imikadan, eeggan anna ooridaydoon Afgooye tagin abid baan isleeyahay amarkutaag araxdiisii cambihii ku cunsii !!

 

Furuq hadduu yimaado waraabow waa fara kuleef runta hadday timaaddana been xabaasheeday qodan, Proff Maxamed Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari oo ah masuulka Labaad ee ugu sareeya dalka Federaalka Soomaaliya isla markaana ah masuulka Koowaad ee ugu sareeya bulshaweynta Lixda gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya dowlladda maalintii shalay ahayd waxaa uu noqday libaax aan cadkiisa loosoo dhicin isagoo loona aqoonsaday xiddigga qarnigan casriga ah ee Soomaaliya guud ahaan gaar ahaana Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib markii dhaqaajinta carrabkiisu ku adkeeyey ummadda qaranka ah waligeedna ahaan jirtay qaran qaranimada Soomaaliyana laga soo gaaray ee Reer Koonfur Galbeed degta inta u dhaxaysa labada Webi una nasabka sheegta dhulkaa baaxadda iyo barwaaqada leh sinaba Lixdooda gobol aan la kala goyn karin wixii iskuday talaabadaasi ku dhaqaaqana la dhabarwareemi doono iyadoo uu si weyn uga gilgishay qolyaha boobka dhulka DM u soo dhigtay waajibkoodu yahay in meel la saaro.

Nin walba cadkii uu lahaa waa u ciildhacshaaye Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari ku-simaha madaxweynaha dowlladda Federaalka Soomaaliya ma ahan nin cabbay caana doofaar balse waa nin cabbay caanihii hooyada faaska iyo warmaha ku dagaalami jirtay geesinimada loogu dowgalay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kalana halyeey Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari kama imaan dhabarkii dhashii dhamas balse waxaa laga soo dhiraandhiriyey dhabarkii aabbihii dalka guuraha geyiga colaadda gelin dhexe kolkay tahay gaashaandhigga u ahaa geyigeena Soomaaliya guudkiisa iyo gaar ahaan Koonfur Galbeed waana duriyaddii aabbe Raxaaweyn.

Odaygan wiil uu dhalay ma yeelin, ma yeelayo mana yeeli doono gardaro iyo dulmi iyo gabaahiir guurguurta gawaanada ka timid oo goosawaaweyn carrabdhaq raadinaya, Proff Maxamed SHeekh ficilkii iyo qawlkii haldoornimada shalay gelinkii dambe gudaha magaalada Baydhabo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu ka dhawaajiyey waa astaan lagu yaqaan wiil uu dhalay aabbe Raxaaweyn waxaana caddaatay waadix noqotay sida waabarka in Proff Maxamed Sheekh Cusmaan halyeeyga qarnigan ummaddan yahay isla markaana aan marnaba la marin karahayn wanka macasha ii qabo adiguna gowraca ii mari dhiiggana aan muusado kadib markii si buuxda uu u yiri Lixda gobol Koonfur Galbeed ee Soomaaliya kalama hari karaan gogoshii dhismaha shirka dowllad goboleedka Koonfur Galbeedna waa ay furantahay ha loo yeero Digil iyo Miriflow idinkoo isku duuban deegaan wadaaggii.

Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari haldoor hiillo leh waxaa uu fagaaraha ka caddeeyey in wax kama jiraan uu yahay shirkii Axmed Madoobe xaaranta loogu sharciyeyn rabay dhulka Digil iyo Miriflaha gobollada Jubbada Hoose, Jubbada DHexe iyo Gedo, isagoona ku hadaaqay barafoorku in ay waajib tahay in la difaaco loo dhinto dhulka labada webi ee DM u nasabka sheegtaan Lixdaas gobol Koonfur Galbeed, Kusimaha madaxweynuhu wuxuu tibaaxay in dowlladnimada Soomaaliyada la sheegayaba ay asalkeeda ka timaadday falsafadaasi dadyowga baryahan dambe dulmiga lagu cambaareyey ee shucuubta aqlaaqda iyo sharafta badan leh geesiyaduna ka soo dhex baxaan ee Digil iyo Miriflaha balaaran.

Geesiga halyeeyga aqoonyahanka aragtida dheer hogaamiyaha dalka Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari waxaa caawa dunida dacaladeeda dal iyo debedba loogu aqoonsaday in uu yahay halyeey sharafta iyo amaanta ka badatay ka soo baxay kaalintiisi libaaxnimada laga filayey, dadweynaha caalamka daadsan gudo banaan iyo gabadanaba waxaa ay iyagoo farxad la miirbeelay ku qaylinayaan Jawaari jir oo joog aakhirana Jannadii, dadku waxaa ka batay farxaddii oo feeraha jabisay jilbahana u dhigtay kadib markii ay dhagahooda ku dhibicday ereygii Proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo leh gardaro yeeli meyno Lixda gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya ma kala hari karaan gogoshiina waa ay fidsatay, waxaase ka sii darneyd oo dadka illin farxadeed indhaohooga ka keentay kadib markii geesiga aan loo soo gurguuran ee Proff Jawaari uu ku hadaaqay in go'aankii malaaqyada aan laga hor imaan karin isagoo yiri "Muqdisho haddaan ku noqdo la weydiiyo dadkaaga maxaad kala soo kulantayna aan odhanayo dadkaygi dowlladnimo ayey diyaar u yihiin dhulkoodana Lixdaasi gobol iyagaa leh sharciyan waxaana warka malaaqyadaydu waafiqsanyahay dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Cajiib cajiib anagu haddaanu nahay bahda warbaahinta Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba ta Koonfur Galbeed waxaan indhaheenu saarnay dadyow farxad darteed la suuxay kadib markii Proff Jawaari xaqiiqada ka hadlay taageereyna xaqa ah in dadkiisa la dulmin, Warbaahinta Koonfur Galbeed waxaa hadalkii halyeey Jawaari kadib daafaha caalamka looga soo wariyey in qaar ka mid ah siyaasiyinta dhulboobka ay sokortu ku kacday tabcaanyihiin, qaarba dhiigga qaaday oo cusbitaal loola cararay, qaar waa ay waasheen halka qaarka kalana nafta lagu celcelinayo oo ay muurdaboolmeenba.

Hadalkii geesinimada garta ahaa markii Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari gudoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo salaadiinta Koonfur Galbeed oo dhan ay garab fadhiyaan uu jeedinayey waxaa mashxarad oodda ka rogay haweenkii gaariyada ahaa quruxda badnaa dhaldhalaalkooda nuurka ishu ayan ka dhargeyn ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana si weyn loo maqlayey xiligaasi bururka ay baxaanbixinayeen barbaarta rag iyo dumarba leh batarku uu ku lamaananyahay quseeya farxaddii weerihii taariikhiga ahaa uu bishimaha u kala furay nin raganimadiisu raganimo ay dhaaftay qarnigan aqoonyahan, geesi halyeey indheergarad Proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Borofasoorku laakiin waxaa uu si weyn ula dardaarmay dadyowga Digil iyo Mirifle u abka iyo isirka sheegta 6 da gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya Jubbada Hoose, Baay, SHabeelaha Hoose, Jubbada DHexe Bakool iyo Gedo isagoo u kashifay in dhan walba weerar lagaga yahay wuxuu yiri halyeey Jawaari "Ogaada dadkaygoow DM Reer Koonfur Galbeed boorsaa la idin soo dhexdhigi doonaa, la idinku furfuro la idinku kala gadgado hubna waa la idiin kala dhiibi doonaa si aad jaf isaga dhigtaan oo qorshihiinu u burburo dhulkiinana loo qaato ee taasi ka mideysnaada iska diida iska jira ha u jabina nacabkiini cadowga idiin ah.

Kusamaha Madaxweynaha dalka Proff Jawaari waxaa uu amaan balaadhan u soo jeediyey malaaqyada go'aankoodu biya kama dhibcaanka ah ee DM Koonfur Galbeed waxaana uu shucuubta, siyaasinta, aqoonyahanada, wasiirada, xildhibaanada, saraakiisha, bulshada rayidka, ururada haweenka, dalbey siqiir iyo kabiirba ee u dhashay maanta u nasabka sheeganaya dhulkaan la dhacayo u dhexeeya labada webi loona yaqaan Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay midnimo geesinimo iyo adkeysi muujiyaan isla markaasina ay si buuxda uga dambeeyaan golaha malaaqyadooda miisaanka culus leh.

Ugu dambeyntii shalay oo taariikhdu ku begnayd 21.9.2013 ayaantuna ahayd Sabti Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiya baarlamaanka Federaalka dalka Soomaaliya Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari waxaa uu baal dahab ah ka galay taariikhda guunka ah ee Soomaaliweyn gaar ahaan Koonfur Galbeed isagoo afkiisa ku dhiftay in dhulkiisa uusan u beec ahayn habar isasoo waashay iyo oday baabasiir gaaja ku ridday xeryiha qaxaantiga Kenya Utaango ka soo dureeray cagaboore ah aanu af ku qaadan karin isla markaana ka jooga dhulka Digil iyo Mirifle Lixdaas gobol taako ka mid ah ka jooga sheekadiina shaqeyn meysee haddii looga caalwaayana shanta farood iyo calaasha la saarayo.

 Indho runbay ku ooyaane shaydaana ma indhihiisu illin kama timaaddee buracd dhuleedbaa jiree Proff ku waxaa uuna si waxgaradnimo leh dhiillo ay ku dheehanatahay ula dardaarmay mar kale shucuubta Reer Koonfur Galbeed iyo salaadiintooda dal iyo dibadba waxaana uu u sheegay in haatan hal talaabo uun ay qaadeen waxaana idiin dhiman buu yiri 999 talaabooyin, gudoonku wuxuu yiri "Walaalayaal hawsha isasaar ha laga dhigo dowlladdii si degdeg ah ha loo dhsio wuxuna yeysan afka uun  naga noqon bari nalagu qoslin.

Hadalkaas cajiibka ah waxaa laga dhaxlay wiil ay dhaleen oday iyo habar isu dhaxay duriyadoodu tahay aabbe Raxaaweyn waxaa qarnigan cusub ee casriga ah dib u soo nooleynaya taariikhdii gabraarta Digil iyo Mirifle awalanba teer iyo ayeeyo caws-la-fac Arbaca qumbaaleydii iyo khamiis kala haadkii laga aqrin jiray goobaha garaha lagu gooyo ee geyigeena Soomaaliya Koonfur Galbeed, Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari wallee dhuxdhux laguma soo jiidi karo buur dhadhaaba ah dhulna dhul ka culus dhulka Koonfur Galbeed wax hees lagu dhagriyo dhaanis gabareed.

Jawaari xiddigga qarnigan jir oo joog hana jilcin !!

By: Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip