SANADKA CUSUB SIYAASADDA SAGAGARAN SAKARAADAYSA KOONFURTA IYO SAWAXANKEEDA VILLA SOMALIA WAA SU'AALO LA HORDHIGAY SAYNCADDE WAAYEEL !!

0
03 January, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 3601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 15 1
  • Share via Social Media

    SANADKA CUSUB SIYAASADDA SAGAGARAN SAKARAADAYSA KOONFURTA IYO SAWAXANKEEDA VILLA SOMALIA WAA SU'AALO LA HORDHIGAY SAYNCADDE WAAYEEL !!

    Sheekaba sheekay keentaa sida lagu tagay dunidan waayaheeda walbahaar-u-badanku yahay daraanta wareegta ee nolosha laga soo bilaabo maalintii Axadaad ee adduunkan dhidibada loo taagay buurahan cumuqawayna xajmigoodu lagu cusleeyay arlada firaashkeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheekay keentaa sida lagu tagay dunidan waayaheeda walbahaar-u-badanku yahay daraanta wareegta ee nolosha laga soo bilaabo maalintii Axadaad ee adduunkan dhidibada loo taagay buurahan cumuqawayna xajmigoodu lagu cusleeyay arlada firaashkeedan kadib teeriyo xiligan aynu markhaantida u nahay dhacdooyinka kala kaanka ah ee murug iyo faraxba xambaarsan labadoodu mid mid taan la kuluno ay indhaheenu aragga sawirayaanooy canjaladaheena guduhuna dhanka xusuusuhu si daa'in ah u duubayaan baa nin tuug ah hadda kahor dharaarcad guri alaab ka soo xaday, ninkii tuugga ahaa islamarkii uu alaabtii soo xambaarsaday, isagoo luuqii ku barmuudaynaya jidcaddaha wayn uu raadinayo, kolkii uu laamigii waynaa u soo dhowaaday, intaan la gaarin raggii, waxaa durbadiiba arkay dumarkii iyo caruuraha, waxaana isugu soo baxday bulshadii, tuuggii waa la qabtay isagoo cabsi aad u farabadan ay soo foodsaartay ayuuna laamiga dhexdiisi uu fariistay shacbigii oo ku hareeraysan, laakiin bulshadii waxaan laga filayn, intay wada dhawaaqeen bay tuuggii waxay u keeneen biyo iyo cuno uu cuno iyagoo ku dul oynaya madaxana u salaaxaya kuna oranaya ninkii tuugga ahaa "tuugoow nin fiican baad tahay soo dhowoow biyahan noo cab raashiinkaana noo cun alaabtaadana qaado iskana tag", markii la waydiiyay bulshadii sababta ninka tuugga ah guriga soo xaday ay biyaha iyo cunada u siiyeena waxay ku jawaabeen "kan oo kale goormaa noogu dambaysay, muddo 25 sano tuug wax xadaba waan waynay, mid wax dhaca oo waxna dila uunbaan arkaynay, markaa kani waan u xiisnay annagu", waana xaalka Soomaaliya maantoolay sidaa.

Iyada oo uu fadhiyo goobjoogna yahay madasha ganacsadaha wayn Mudane Maxamed Dooyow Studio-yaha Koobaad qaaradda Yurub doodda kulul faraha looga gubtay ka baxaysay barnaamijka laga soo dheegtay dheehiisan la yaabka leh sida cinwaanka ku cad lagu dhangalaasaynayay siyaasiyinta madax-u-majo-eberka foolkoodu ku dhigdhigantahay "waxba maku turane" ee Koonfurta Soomaaliya si wayn su'aalihii la iska warsaday ragaadsha amalka hiigsiga horusaanqaadsocodgaaritaaneed hankooda ugu sareeya kursiga Soomaaliya ummadda kulaasha webiyada bartii loogu baritokaalaba jawaabahoogu si aan hunfaar lahayn u soo tufayay madaxa guud Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo si aan horay loo arag isagoo seeftiisu galka ka siiban tahay uga shanqarinayay ereyo dhadhaabaha dhumucda wayn leh iyo qaar u dhigmaba ka culus, kuwaaso uu ku baxaabaxaynayay inta tiri diblomaasigii dalkaan nahay ee nafta ku dhibay shucuubta daacadda ah ee wali la kacaakufaya dibirta daahsoon iyo haraatooyinkii lagu dhiftay barigii lana dagay bulshadu kasookabsiinyadooduna ay qiilqiil quruurku gelsheen qaaraan waxba u qaban laf dhuungashayse ku ah kii wax u qaban lahaa.


 Barnaamijkan oo koobaya guud ahaan siyaasidaha iyo waxyaabaha ka socda dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta, waxaa qodobadii ugu darnaa miiska la soo saaray laga xusi karayaa sida:- muuqaal yaro laga soo duubay gudoonka Barlamanka Federaalka xilkiisu dhamaaday Proff Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari xili uu u khudbadaynayay dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku sugnayd magaalada Muqdisho xarunta dalkeena.
 Proff-ka ayaa isagoo waddani iska dhigaya waxaa afkiisi ka fakaday ereyo dhirbaaxo iyo dhaawacba ku ah idil ahaan siyaasiyinta iyo shacbiga Koonfurta Soomaaliya uu matalayo saxarna gaarsiin karaya magacooda sharafka iyo karaamada mansab ahaan halka ay dadnimo ka joogaan huwiyadda sharafka, ereyadaaso kolkii loo bandhigay quburada ka faalloota siyaasadda iyo saqaafadeeda luqawigu fasiraadeedu ku micneeyeen wax laga yaqyaqsado nuucaasi in qof masuul ahi uu ku hadaaqo sinabana ugu cuntamahayn bulshawaynta Koonfurta Soomaaliya iyo aqoonyahankoogu inay isaga aamusaan ku tumashadaasi qariskaxoorka ah loona baahanyahay in si adag aan buyuqbaayuq iyo hashkadays lahayn looga hortago iyado loo yeelanayo shaqsiyaad nuucaasi feejignaan iyo fiirooyin dhaadheero fiidhooni ku jidho.
 Proff Jawaari waxaa uu yiri "Annago 5 wiil ah riwaayad aan jilayno si qaranka lacag loogu uruuriyo wiilashii kale iila midka ahaa igu yiri, "war adigaa dhuubano gabadh u eg dirac ku fiicane, aan dirac kuu gelino", ugu dambayntiina anniga uunbaana DIRACII LA II GELSHAY", taaso Dr Amaandhoorey uu kaga jawaabayo muuqaalka hoose.

 Doodda dhamacda ah oo in badan taabanaysay kursiga gudoonka Baarlamanka iyo ka madaxwaynenimada Soomaaliya iyo waliba doorashooyinka guud ee dhowaan loo hormanyahay, waxaa si kal iyo laab ah runta loogu sheegay baatoorada dhigihii ummadda sara u xambaartay masuuliyad xumadooduna dadkii oo daadumaya abaaruhu asqaynayeen doonaya iyana inay ka macaaashaan dhiigga iyo dheecaanka maatida marasta ah kuwaaso cidina aan u maqnayn ceelina aan u qodnayn mooyaane midka u maqaan inuu yahay Allaah.
 Guntii iyo gunaanadkii barnaamijkan maqalka iyo muuqaalka ah waxaa uu ku soo beegmayaa xili loo durbaano tumanayo doorashooyinka kuraasta ugu saraysa ee dalka sida kurisaga Madaxweynaha iyo ka ra'iisul u wasaaraha ayna jiraan xildhibaano iyo siyaasiyin ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ku dhawaaqay iyana inay u ordayaan xilka gudoomiyenimada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

 Sida la amaanay ammaankuna ku jiro ilko wadajir inay wax ku gooyaan ee inba haddii meel kaaga taal waa af kala taag !!

By: Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip