DOOD LAGU RIIQDAY XISBUL SHARIIF IYO XISBUL JAWAARI WAXAA LAGU HURGUFAY DHAMAANTOOD WAA BARNAAMIJ KULUL !!

0
02 February, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 3841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    DOOD LAGU RIIQDAY XISBUL SHARIIF IYO XISBUL JAWAARI WAXAA LAGU HURGUFAY DHAMAANTOOD WAA BARNAAMIJ KULUL !!

    Dooddan oo ka dhacday Studio-yaha Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ee qaaradda Yurub waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah wajiyo kala duduwan leh ku qotoma wadciga dalka uu marayo kaasoo kolka aad dhugato amaba aad dhaguugto ku siinaya nuxurka halbeegg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooddan oo ka dhacday Studio-yaha Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ee qaaradda Yurub waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah wajiyo kala duduwan leh ku qotoma wadciga dalka uu marayo kaasoo kolka aad dhugato amaba aad dhaguugto ku siinaya nuxurka halbeegga siyaasadda guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo doorka ay kaga cayaari karaan siyaasiyinta u dhashay Koonfurta Soomaaliya kalaabka.iyo wixii la mid ah.

 

Barnaamijkan aan waxbaba la iskula harin ayaa waxaa si aad ah looga doodayay halka uu ka yimid fashilka ama guuldarooyinka isdabajoogga ah ku habsaday hankoodi kursiga sare bulshawaynta Koonfureed iyo cidda masuulka ah qaadanaysana eedda iyado geesta kalana lagu caddeeyay muqarar ahaan fidmada oo dhano taagan in dhabarka loogu xambaari karayo sababteeda jabka siyaasadeed Xisbul Jawaari iyo Xisbul Shariif kuwaaso sida la sheegay lanna ogyahay u madaxyawaawaynyihiin hoggaan ahaan hoggaanka shacabwaynaha Koonfur Soomaaliya.

Waxaa jiray qodobo kale aad u xasaasi ah dooddan faraha indhaha la iska gelgelinayay aad la isaga hor yimid nuqdooyinkaaso qolaba doodyahanadu dhankoodu sida la quman ay u dhigayeen warka kuwaaso si rasmi ah u taabanaya baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaaladooda ay ku doonayaan inay kaga takhallusaan madaxwaynaha South West State inay gabi ahaanba ka turaantureeyaan kursiga madaxtinimada iyo waliba qolyo kale siyaasiyin ahi deegaanada ka soo jeeda ee Muqdisha fadhiya inay iyana asal ahaan ay dadaal dheer ugu jiraan burburinta iyo jiritaanka dowlladda Koonfurta Soomaaliya.

Barnaamijka xiisaha gaarka huwanaa xasaasiyaddiisuna ay dhaaftay heerkii loogu talagalay ooy ka qayb galayeen aqoonyahano caan ah si wayna looga garanayo Geeska Afrika iyo guud ahaan daafaha dunida waxaa ay si wayn uga hadleen abaaraha dalka haatan ka taagan, xaaladaha cakiran gobolka Shabeellaha-Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya, saamaynta Siyaasadeed xildhibaanada Koonfureed iyo Villa Somalia, madaxwaynaha la dooran doono labada qolo midka u dan ah ummadda webiyada wali dulman iyo aayaha dambe mustaqbilka dalka iyo waxa la gudboon shucuubta gobollada dhibban iyo waxa looga baahanyahay inay ku dhaqaaqaan  bal inay hub gataan iyo inay hubkoodu dhigaanba labada u roon miduun mid.

Doodwadaaggan oo su'aashii ugu horaysay la hordhigay madaxa guud Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ahna aabbaha kaydka suugaanta Maayga Soomaaliyeed Dr C/LLaahi Ibraahin Amaandhoorey ayaa si wayn ugu dheeraaday mashaakilka shacabka uu ka dhashay Koonfureed ka haysta siyaasiyintooda oo haatan siduu warka u dhigay dameero u ah qolyaha Xamar iyo Garoowe.

 Dr Amaandhoorey waxaa uu si kulul kal iyo laab ba leh uu u wareeray siyaasad xumada Xisbul Jawaari ee nuu ku tilmaamay inay adoomo u yihiin asaaggooda islamarkaana sida dameeraha ay u rartaan waxa uu ku sheegay inay cadaw u yihiin kuwa la raranayo buushana sida bahaahinki Muqdisha lagu siisiiyo kuna daqaan sida hudheellada Lafwayn iyo Suxufi iyo wixii la mid ah.

Doodda intii ay socotayna waxaa la arkayay wariyaha da'da yar wariye Xasanoos oo ka tirsan wariyeyaasha warbaahinta Koonfureed oo si caraleh uga waramaya dhibaatooyinka nusqarniga jirsaday lagu hayo wali dadka u dhashay ee daggan gobolka Shabellaha-Hoose iyo guud ahaan Koonfurtuba, Mudane Xasanoos ayaa sido kale weerar labalootayn ah ku qaaday madaxwayne shariif Xasan iyo daawashadiisa uu iska daawanayo dhibta loo joogteeyay jiiddan Afgooye iyo wixii ka soo sokamara muwaadiniinta u hoyga ah Koonfur Soomaaliya.

Kamarooyinka Studio-yaha Southern Media Co-Operation intii weerar iyo weerarcelintu socdeen waxaa ay qabanayeen Abwaan Cali Maxamed Kuusow Abwaan Cali Atoore oo iska inkiray labaduba Shariif iyo Jawaari iyo inta kuwaasi ku dabasafan kuna caqliga ah isagoona Jawaari ku tilmaamay inuu yahay mid aan aqoon sidaa u buuran lahayn halka Shariifna uu ku sheegay dullaal macaashdooni inuu yahay hore iyo gadaalba.

Ugu dambayntii dooddan oon waxba la iskula harin runtana la isugu sheegay iyo waliba sida looga gudbi karayo caqabadaha gudboon oo uu daadahaynayay suxufiga lugeeya lagu magacaabo Ustad Adam waxaa ay ku soo idlaatay 2016 aragnaye bal 2020-kana Illaah hadduu na gaarsiiyo aragaane.

Buuraan buuran caga ballaaran ninna ma aha naagna ma aha waa naannaabad isnacday wuxu !!

By: Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip