INJINEER CULUS C/QAADIR XAAJI MAXAMED AWOOW OO KA WARAMAY ARRIMAHA MURUGSAN EE GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE !!

0
05 March, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 1904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INJINEER CULUS C/QAADIR XAAJI MAXAMED AWOOW OO KA WARAMAY ARRIMAHA MURUGSAN EE GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE !!

    Kulan aanu mugdi ku jirin miisaankiisu gaarsiisan yahay heer muqarar aqoonyahan caaqileen isku arkeen lagu falanqaynayay arrimaha murugsan ee ka aloosan gobolka Shabeellaha-Hoose waxaa uu ka dhacay waddanka Switzerland xalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan aanu mugdi ku jirin miisaankiisu gaarsiisan yahay heer muqarar aqoonyahan caaqileen isku arkeen lagu falanqaynayay arrimaha murugsan ee ka aloosan gobolka Shabeellaha-Hoose waxaa uu ka dhacay waddanka Switzerland xalay.

Injineer C/Qaadir Xaaji Maxamed Awoow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya oo dalka Canada ka yimid ayaa u waramay Warbaahinta Southern Media waxaana uu in badan faahfaahin ka baxshay guud ahaan Arrimaha Soomaaliya doorashada dowlladda cusub iyo xukuumaddeeda iyo waliba carqaladaha iyo dhibaatooyinka dabada dheeraaday ee gobolka Shabeellaha-Hoose oo ku abtirsada maamulka Koonfureed ee geeska Afrika. Mar uu taabanayay injineerku arrinta gobolku waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Shabeellaha-Hoose dhibaatooyinka ka taagan uu iska indhatiray wax ka qabadkoodu maamulka Koonfureed ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan Shiikh Aadan, kaaso ee aad mooddid siduu yiri Eng C/Qaadir inuusan habayaratee diyaar aanu u ahayn qorshe ahaan sidii wax looga qabanlahaa xadgudubyada taagan habeen iyo maalinba. Gorfaynta siyaasadeed intii ay socotay waxaa la arkayay Dr Amaandhoorey oo ah madaxa guud saxaafadda Koonfurta Soomaaliya si dareen leh uga waramaya xaaladda wali cakiran gobolka Shabeellaha-Hoose, iyadoona Datoorku uu ku talshay in juhdi badan ay muujiyaan dadka u dhashay deegaanka sidii xornimo taam ah uga dhallan lahayd dhulkaasi iyo dadkiisu la wada kubaaareeyay maraan dhawaynba. Murankuba gar weeyee intaynan gaarin bal mabay lulane maxay ka nuugtaa, waxaa goobta hadal kooban ka sheegay Mudane Cabdalla Saciid oo ah nin ay ku wayntahay Sooomaalinimada aadna ugu caanbaxay uruurinta iyo isukeenidda walaalaha Soomaaliyeed, isagoona ku baaqay in Soomaalidu ay midnimo muujiso isxushmayso islamarkaana ay noqdaan dad ka shaqeeya wanaagga. Ugu dambayntiina hadalka waxaa soo xiray rugcaddaa siyaasi Xaaji Maxamed Aboow Mayow oo ka mid ah waayaragyada dhifka ah aadka ula socda siyaasadda dalka, wuxuuna si cilmiyaysan uga hadlay jawiga cusub ee Soomaaliya maanta ay gashay, wuxuuna rugcaddaagu carrabka ku adkeeyay in ay haatan mudantahay in dadyowga Soomaaliyeed qaxa iyo rabshaduhu daashadeen nidaam la’aantuna daashatay ka war dhawraan dowlladda cusub iyo fulinteedan ee loo calaamasaaray inuu hoggaansho Mudane Maxamed CabdiLLaahi Farmaajo.

Gol la gali waayay gaydhidu gigigsantahay gabaahiirtu lagu gooyay godimadoodu eeyna waa loo hubanti gelshaa dowlladda cusubna Farmaajo tijaabay u ahaatay gabashteedan laakiin !!

By Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip