TOOBBANOW JAWAARI IYO KELIGIITALIYE SHARIIF XASAN IYO XILDHIBAANADA WAXMATARAYAASHA KOONFUREED AYAA JILBAHA U DHIGAY KUNA JALABUTEEYAY SHACABWAYNAHA WEBIYADA WAAWAYN LAAKIIN

0
09 March, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 2987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 52 2
  • Share via Social Media

    TOOBBANOW JAWAARI IYO KELIGIITALIYE SHARIIF XASAN IYO XILDHIBAANADA WAXMATARAYAASHA KOONFUREED AYAA JILBAHA U DHIGAY KUNA JALABUTEEYAY SHACABWAYNAHA WEBIYADA WAAWAYN LAAKIIN

    Waa faallo ku fogaaneysa saddexda faajiriinta faalala fartana kuu daraysa fasahaadkii ay faleen firqooyinkooda furuuqda fadlisa toobbanow Jawaari Keligiitaliye Shariif Xasan iyo xildhibaanada waxmatarayaasha Koonfureed oo aan ugu magacdarnay xaardhaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa faallo ku fogaaneysa saddexda faajiriinta faalala fartana kuu daraysa fasahaadkii ay faleen firqooyinkooda furuuqda fadlisa toobbanow Jawaari Keligiitaliye Shariif Xasan iyo xildhibaanada waxmatarayaasha Koonfureed oo aan ugu magacdarnay xaardhaqayaasha Muqdisho, baatooradaaso kadardhuuska iyo karakeeshanka gelshay naftana ku dhibay shacabwaynaha loo tiriyo xisaab ahaan inay ugu tirada badanyihiin geeska Afrika, kuwaaso kulaala jiidahan lagu gooyay webiyada waawayn marana dhulbaraha caalamka.
 
Toobbanow Maxamed Cusmaan Jawaari oo runtii sifaadkiisu ku kaamilyahay jirjiroolenimo keliya uu ku lugoynayo dadkiiisi uu ka dhashay una yahay qabbaan dameer malab wada kuwa u cadowga dadkiisi, beled geel ka soofay ee burraha loo qaaday booyaas xukuma reeraha wax u bisleynaayay biitooni jaamici ah iyo badow xafiis jooga mana la hubo ninnimadiise, waa ninkii wadnaha gooyay hanka qaranimada guud bulshawaynta aynu kor ku soo xusnay, kadib markii uu tiro labajeer ah min afar sanadood uu isku soo sharaxay jagada ugu liidata dowlladda Soomaaliya taaso ah gudoomiye baarlamaan oo maanta loo yaqaan qofka jagaadaasi ku fadhiya inuu yahay Kabatalaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

joqraare Jawaari wuxuu ku fariistay kursigan guddaafadda ah 2 goor isago sheeganaya borofaysar kuwii alifkaba loo dhigin ay madaxwaynenimo isku soo rashaxeen, iyadoona bulshada uu ka soo jeedo leeyahay waan mitalayaa ay siyaasiyan iyo dhaqaaliyan iyo xitaa militarili u haystaan fursado waawayn dahabi ah ay ku noqon karayeen hoggaanka koobaad ama dhakada kore kaga fariisan karayeen kursiga ugu sareeya waddanka Soomaaliya.
Ninkan dhoohan iska dheeraaday tafaha dhaadheer leh dhexda ka kala jabi raba, wuxuu toogtay himmadda iyo huwiyadii 60-sano kahor sharaftii iyo karaamadii magacigii qaradawaynaa maamuuskii bulshadan lagu yiqiin waa', waa shaqsigii beeshiisa fadhi kula faatixaystay inaanu isu soo rashaxin kursiga afhayeenimada qolyaha kale ku xukumayaan jirjiroolenimadiisi mar iyo mar kale ceebwayn isu soo taagay kursiga salka qoyan leh ee haatan uu ku dangiigo, waxaana uu noqday joclaan Jawaari ninkii ugu horeeyay adduunka qowmiyad sidaan u wayn ka dhasha oo muddo 8 sano koobka makaroofanimada qaada taariikhda nolosha inta la ogyahay.
Hadal raagay baa yiri "mar i dage, Allaa i dagay, mar labaad i dagana anaa isdagay", Sideeda ahaanba qaladka ugu wayn waxaa uu ka yimaaday doorashadii ugu dambaysay ee gobolladda wakiiladooda Baydhaba, maxaa yeelay mabay ahayn in Jawaari Baydhabo uu ka soo galo maadaama la yiri qof walbaa ha tago deegaankiisi hana ka soo galo, Jawaari wuxuu ku dhashay tuulada Jawaarey oo ku taal gobolka Jubbada, halkaasi ayayna ahayd in loo diro ama ha soo helo ama ha soo waayo xildhibaanimada uu ugu siraad Koray kursigan kabatalinimada ah ee lagu lugeeyay qaranimada iyo jiraataanka bulshadan baaxaddawayn leh ee kor aan ku soo xusnay.
Dhanka kalana ma wanaagsana in la xaqiro waxqabadka qofka bani aadamka ee kula dhashay, waxqabadka ugu wayn Proff dhacay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu ahaa inuu maalintii Afka Hooyo madaxweynihiisi Xasan Sheekh Maxamuud Safarow uu fagaare la soo istaagay kana yiri meeshaasi la isugu yimaaday "Af-Maay waa iska lahjad hoose waxba ma aha", taasoo ay aad ugu sacbiyeen jamhuurta Maxagii halkaasi fadhiday, waxaadna mooddaa inay marar badan dhabowdo hadalada ay Soomaalidu yiraahdaan ee daahay soojire yiri "ma dhalays iyo tiibishooleba ma naxaan", odagan xaasidka ah intaaso dhib iyo qartaatooyin lugooyo shucuubtan uu u gaystay abaartii oo taagan halkii uu wax ku tarilahaa maatida majaacada iyo haraadka u dhamaanaysa baddalkeeda caawintu waxaa uu hoos ka abaabulayaa qorshayaal halis ah gabi ahaan lagu burburinayo dowlladda sumaddii wadata Southern State oo u ah bulshadan sawirkii koobaad riyooyinkooda muddada dheer qayb ka mid ah rumoobitaankooda, waxa laga sugaana Jawaari ay yihiin wax u badan sida la fisho waxaan khayrba u ahayn dadwaynahan labadhabanka la gelshay maraan dhawayn u badan ilma Maxamed iyo Cali duriyadoodan afkooda lagu haysto loona dilayo.
Dadka qaarkiis qalbiga saafiga ah leh naga dhashay waxay dhahaayaan "borofesoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa nin u taagan soocelinta 6da gobol Koonfur Soomaaliya", laakiin wacadka Illaahay arrinta sidaasi ma ahan oo waa ay ka gedisantahay sida sawirka uu u dhigay mudane Toobbanoow.
Bilowga qormadeena aan ku noqonee micidheere Jawaari inuu jirjiroole yahay, isaga ayaa koow afka kaga dhawaaqay gudi 30 ahna u saaray in la dhiso dowlladda Koonfurta Soomaaliya oo ka kooban lix gobol isagoo aan daacad ka ahayn una socday inuu hoggaanka u qabto maamul 3 gobol ah, aakhirkiina waa uun lagaga guuleystay mooyaane orodkiisa iyo dafdaftiisa waxay ahaayeen inuu ninka hadda jooga kaga hormaro maamulka maanta taagan, halkaasina waxaad ka ogaatay in Jawaari markuu mudaharaadkii Baydhabo dhulku iskoobaha u soo qaatay xaaqayay taayaradii la gubay ay ahayd uun riwaayad iyo boor isku qaris ee uu shacabka indhahooda isaga sii jeedinayay isagoo ah bukaasaha koobaad ee bushkaxda iyo buyuqbaayuqa hashkadeenta geliyay Reer Koonfurka Soomaaaliya.
Keligiitaliye Shariif Xasan oo runtii sifa munaafiq leh faclan ficiladiisuna ay tusayaan inuu yahay macangag calooshiisa keliya u darantahay, waa ta keentay in dadkiisu ay boqolkiiba sagaashan ay nacaan mucaaradna ku noqdaan kadib goortii uu afgambiyay rabitaankii shacabkiisi oo ay markii dambana quudaraynayeen bal in wax uun dhaqaajiyo 3dii gobol xitaa madaxwayne-kuxigeen aanu u magacaabin ilaa iyo haddana isaga keligiis siduu rabo u maamaulayo dowlladda Koonfur Galbeed fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.
Sahriif Xasan Sheekh Aadan khaladaadka muuqmuuqda ee uu galay waxaa ka mid ah inuu quful ZERO ZERO ah ku gooyey furayaashana uu jeebka gashtay sidii awalba caadadiisa ahayd baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ma jiro kulan baarlamaan samaan iyo xumaanba duurka ayaa la kala galay, dhanka xukuumadiisina wasiir nuuxsan karo ma jiro, midkii wax yar nuuxsado waa shuqul Afweyne Siyaad Barre keligiitaliye wuxuu isleeyahay qofkan yaanu kaa kormarin wuu u cagajugleeyaa, waxaa meesha guud ahaan ka maqan nidaam dowladeed iyo la xisaabtan.
Tusaale:-Wasiir ka mid ah wasiiradiisi sida kan Warfaafinta ugu magacaaban wuxuu u safray dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika, wuxuu la kulmay jaaliyadaha ka soo jeeda Koonfurta wuxuuna u sheegay inuu u baahan yahay lacag lagu furo Teleefiishanka Qaranka Koonfur Galbeed, waana loo uruurshay lacago badan, yaa garanaayaan halka ay martay aduunkaas lacageed ilaa iyo maanta?
Gees kale aan ka fiirino bal meeshaan aad ula soco, waa billaawihii aad leedahay hadduu bedinka kaa naafeeyo bermaad uga dacwootaa ileen adaa soo beecsadayo gatay bal xaajadu ay joogtaayo, shacabka dal iyo banaanba mareegaha Southern Media ay kaashanayaan waxaa ay codsiyo la maqlay ay u dirsadeen dowlladaha caalamka si dowlladooda hadda u dhalatay curdanka ah loogu taageero warbaahin waxaana loogu deeqay raadiya iyo teleefiishan ay wehliyaan qalab muusig wada baakadaysan, qolka ayuuna ku xirtay wasiirkani ka tirsan xukuumadda Shariif Xasan iyado fanaaniinta iyo abwaanada dhulkan iyo dadkan dulman u soo halgamay ay meel walba bilaa qalab iyo abaabul faneed ka cabaadayaan habeen iyo maalinba.
Dadka indha indheeya siyaasadda Bariga Afrika waxay leeyihiin "gorgor orodka loo daa', waxse aan daninaynaa, raq intuu dul joogo, hilib daydayaayuu danteeni na seegshay", waa uu u orday kursiga ugu sareeya Soomaaliya tiro 2 jeer isago tira laba marna aan balse isxigxigin ku fariistay kursiga laga xishoodo guddoomiyenimada baarlamanka dowlladda Soomaaliya, laakiin dadaalkiisi iyo waxqabadkiisiba waxaa isku fuuqsaday wuxuu dhimay oo ay ka mid tahay Shariif inuusan runtii diyaarba u ahayn in dadkiisi uu kalsooni mug leh gashto wadshaqayn dhab ahna uu la yeesho, inuusan wadashaqayntaasi doonaynina waxaa ka mid ah, in xiligan oo abaartii ugu darnayd ka taagantahay dalka uu xukumo dadkiisi baahi iyo shuban iyo oon u dhamaanayaan uu arrimahaasi iska indhatiray dhegahana ka furaystay halkii uu diiradda koobaad saari lahaa samatabixinta bulshada abaartu soo ridatay.
Halkaasi waxaad ka fahamtay in Shariif Xasan oo dhaqan dhiqle leh uusan ahayn hoggaamiye dadkiisi u daacad ah aadna muuddo inuu rabo oo keliya inuu dhiiggooda uu ka ganacsado uuna iska sholombaysto, waxaana su'aasha iswaydiinta leh ay noqon doontaa "Shariif Xasan dadka uu leeyahay annigga ayaa xukuma way dhamaanayaan ommos dartiis, haddaba dad nool baa la xukumaa oo dad dhintay lama xukumo, ee ma qubuuruhuu doonayaa inuu xukumo dabadeedna geeridood?
Soomaalida ayaa ku maahmaahda "haan korkeeda calowyahay hoosteeda ka daran", haddii madaxwaynihii dowlladduba uu sidaan yahay waxqabad naxariis iyo hiilaba, tolow wixii isaga ka hooseeya sideebay kula noqon karaan haddii ninkii maamulka xukumay kaalmayn iskadhaafe intuu xukumo uu nin caddaan ah maalin u yimid islaan gaajaysan maskiin ah buushbuush ku hoos jirta intuu wafdigii la tagay iskula soo sawiray shilin dhexda ka buqsana u taagin hooyadii hamigeedu ahaa maanta madaxweyynihii baaba kuu imaaday nasiib baad leedahay dabka waad u shidanaysaa caruurtaada habeeno khatanaa.
Dhaliilaha waawayn la qori karo qofna aan dafari karin Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa ka mid ah in ilaa iyo hadda maamulkiisa uu dhaqaaqi la'yahay fadhiidna ku yahay magaalada Baydhabo isagoona maamulkiisu leeyahay askar uu qortay badan aad loo qalabeeyay waxaadna mooddaa in maamulkiisi afka qur ah uu ka nool yahay sidaas oo kelina aad isdhihi karto inuusan uba xisaabsanayn degmooyinka iyo gobollada kale ee ka baxsan gobolka Baay.
Marka aad fiiriso maamulkiisa meelaha uu ka taliyo caalamkana u aqoonsan yahay gadaal sida Bakool kala bar waa la soo cunay oo dadkiisi deegaanka u dhashay ee degganaa waa la soo xaaqay wax jawaab ahna kama bixinayo sida Ceelberde Aato iyo Ceelgaras Yeed iyo waliba inta ku hareeraysan, halka gobolka Shabeellaha-Hoose xaalkiisu yahay Allow sahal aan faraba ugu jirin, waxaana Illaahay yaabka kuugu keenayaa inta isbaaro Daafeet iyo Afgooye ay taalo isbaarooyinkaaso ay dhigteen dad ka yimid gobollada Dhexe iyo Waqooyiga Muqdisho waxa lagu dhibaateeyo bes ay yihiin dadka deegaanka.
Burmariida meel kaa bugto lagu baxnaaninayo waa xildhibaanada xaardhaqayaasha ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya fafadhiya Muqdisho kuwaaso hoteelada ama albeergooyinka Xamar labo labo qof 1 qol min 2 sariir u taal halkaasina buunshada loogu daadinayo sidii nimcooleyda bahaahinka isaga daaqaaya cagaarka kana dhigan lax dhukan colna moog abaarna moog aanay marnaba ka warqabin wadciga lagu jiro iyo hayaanka halka loo socdo geeddiga sare iyo xiliga la marayo.
doofaaradaasi iska naaxnaaxay oo aan ku tilmaamnay inay yihiin dhuudhiga jaqa dhiigga cas iyo midka guduudanba, waa ay dayaceen dadkoodi ay matalayeen waana ay buriyeen kitaabkii ay ugu soo dhaarteen wajiga Illaahay inay ugu adeegi doonaan bulshadoodi iyo goobaha ay ku nool yihiin marka laga reebo hal ruux kaaso ah Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo aan aragno ilaa iyo imikadan inuu fariisan diiday waqti kasta gargaar la garab taagan shacabkiisi dano walbo siyaasadeed halaga lahaadabee.
Qaarkood lo'adan xildhibaanada sheeganaya ee laakiin xiqiiqdii xaarwelwaalada ah waxaa ay saacaddan ka shaqeynayaan fadqalad iyo fidmooyin daran oo ay ku majaxaabinayaan deegaanadooda mana la arkayo iyago masraxyada intay ka soo muuqdaan dhahaaya "war aan u gurmano dadkeeni abaarta ba'an ku dhufatay", bal way iska daawanayaan marqaankooday u xoog yihiin cidda siisa labada qolo mid uun midii markaasi irmaanan siyaasadeedu.
Mar haddii ay taagan tahay Illaahow na bixi oo saddexdaasi qolo lagu khasaaray oo ay biyaha iyo ooliyadu isku qaseen isuna roonayn gudahooda cid u roona aadmi aanu jirin inta la ogyahay, sow kama fiicnaan lahayn xaaladaha ay hadda ku jiraan intay ka baxaan dad u ekaadaan guntiga dhiisha isaga dhiigaan gacmaha isqabsadaan dowlladnimadu ku midoobaan dadkoodu gaajaysan u wada gurmadaan deegaanadooda laga haysto xoreystaan kadibna la yimaadaan qorshe midaysan isfahan iyo walaalnimo lagu soo bisleeyay kula soo hor fariisan karaan asaagooda miiska wax lagu qaybsanayo kahor 2020ka.
Qubarada looga haray saadaasha siyaasadeed ee Geeska Afrika waxaa qormooyinkooda laga helayaa inay leeyihiin qoom 70 jir sigaar dhuuqa haashkiisi oo nool weli gacanta ku haysta iyo 60 jir marqaan u dhardhigta ay kala hoggaaminayaan hoog uma harin, balse waxaa bulshadaasi la gudboon inay la timaado aragti fog oo mid ah ay kaga bixi karaan mugdiyada hareeyay kuna turaanturayn karaan waayeeladan jilibka u dhigay jafay waaxyahooda ee horboodaya jahada ay ku taxanyihiin oo ay isleeyihiin inay gaarsiinayso guul dhamaystiran, haddii kale weligood waxay sida dameeri dhaan raacday ugu dabadhamaan doonaan faroocidan saddexda aan u qaybinay iyagoo ku dhawaaqaya "dheere dheere dhuuni weeye dheri dab saaran dhaafi maayo, dhuudhi xaardhaqe dhibaan ah iyo dhiqlaba hadday dharka kuugu jiraan hurdo lagama dhargo dhalanrog waa ay ku dhabaalyaynayaan".
 
By: Dr Amaandhoorey


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip