MAAHIRKA SUUGAANTA MAMIYE CABDOW MUURI OO NOQDAY FANAANKII UGU HOREEYAY EE U HAMBALYEEYA FURITAANKA TELEEFIISHANKA CUSUB QARANKA KOONFUR SOOMAALIYA !!

0
15 April, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 2339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAAHIRKA SUUGAANTA MAMIYE CABDOW MUURI OO NOQDAY FANAANKII UGU HOREEYAY EE U HAMBALYEEYA FURITAANKA TELEEFIISHANKA CUSUB QARANKA KOONFUR SOOMAALIYA !!

    Warbaahinta ku bohowday afkaqalaadna lagu yiraahdo Southern Media qalibkeedu u dhamaystiranyahay ooy baritaageereyso Teleefiishanka Cusub ee Qaranka Koonfur Soomaaliya ayaa waxaa ay safar shaqo wax ku oola ku gaadhay hooyga uu qaaradda Yurub ka dagga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta ku bohowday afkaqalaadna lagu yiraahdo Southern Media qalibkeedu u dhamaystiranyahay ooy baritaageereyso Teleefiishanka Cusub ee Qaranka Koonfur Soomaaliya ayaa waxaa ay safar shaqo wax ku oola ku gaadhay hooyga uu qaaradda Yurub ka dagganyahay Fanaanka wayn qaranka Soomaaliyeed Ustad Cabdow Muuri, kaasoo bilowgii wareysiguba u qaaday heeso taxane isugu jira Af-Soomaaliga Maay iyo Maxa iyo waliba Af-Carabi.

Al-Fanaan Cabdow Muuri oo qalabka fanka ee uu faraha kaga hadliyo isagoo hor fadhiya, waxaa uu hambalyo sugaaneed kal iyo laab ah Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya horteeda hawada ugu marshay shacabwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaan bulshawaynta Koonfureed guusha lagu faanaanka ah ee ay ka gaareen warbaahinta, waana abshir iyo horumar casrigan libin u soo hooyatay qaranka Southern State, waxaanu uu carabka ku dhiftay inay guushaasi Tv-ga lagu furay ay horseed ka yihiin shaqsiyaad halyeeyo aan la ilaawi karin juhdi culus ku baxshay sidii saxaafadda geyiga Koonfureed saaxadaba ka maqnayd dunidan ay si xawli ah heerkan ku soo gaadho, shaqsiyaadkaaso fanaanku  fartu ku fiiqay inay yihiin haldoorada sawirkiyo tusaalaha u noqday  ambaqaadka tillaabsiga waraafineed figtan dheer lagu soo higsaday maanta sida:- madaxa Guud Warbaahinta Koonfureed ahna Aabbaha Kaydka Suugaanta Maayga Soomaaliyeed Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey, weriye sare Fahad Maxamed Abuukar Asharow, Wariye culus Xasan Shiikh Xasanoos, joornaaliistaha waddaniga ah dabka yar aan shidin Maxamed Ibraahin Wadani, Suxufiga Lugeeya Adam Increase iyo halgamayaal farabadano aanay magacaantooda halkan lagu soo koobi karin.


Taariikh gaabaan haddaan dib ugu laabano, Ustaad Cabdow Muuri ayaa ku soo dhex jiray dunida fanka in ka badan afartan sanadood, isagoona ah muusikayste kun mulaxameeyste alifaa misna codeeya, waxaanu ku luuqeeyaa suugaanta Maayga, Maxagi, Xamariga iyo Carabiga, iyadoo shacbiyadiisu in badan u dhegaraariciya Muuri fankiisu ay ku amaaneen inuu yahay maahir aad u gacan macaan aqoon durugsana u leh suugaanta gaar ahaan siday tilmaameen miyuusiga.
Intii lagu guda jiray hambalyada iyo bogaadiinta Telefiishanka cusub ay shucuubta Koonfureed furteen looguna wanqalay KGSTV, Al-Fanaan Cabdow Muuri waxaa uu sido kale hambalyo iyo amaan mug lehi u soo jeedshay dadaalada majoogsadaanka ah ay koox dhallinyari ay dunida ka wadaan, kaa oo lagu mideynayo weriyaasha Koonfurta Soomaaliya oo imikadan baraha bulshada guruub mid ah ugu kulmaya ayna doonayaan in xirfadda iyo cududdooda warbaahineed into isugu geeyaan hal meel  kuna wajahaan wixii iyaga dhibaya daxalkiyo mililka daashaday kala daadinaya midnimada wadajirka iyo ahdaaftooda guud ooy haatan fahmeen waxa ay dhinto kala daadsanaanta iyo waxa ay tadho iskuduubnida, halkaa ooy ka soo baxayso kolka miisaan rodlineedka gaamuran lagu fasiro weeraha ka soo yeeray fanaanku inay la macna yihiin suugaantii Soomaaliyeed ee ayaamo raagtay, taa oo u dhignayd macnawiyan oraah  war ahaaneedka lagu miskex kala socoto lagu maan mideeyo "iskuduubnibaa qaran lagu difaacaa".
Guntii iyo gabangabadii hawshan shaqo oo ay Southern Meida Co-Operation ku tagtay fadhiga Al-Fanaan Cabdow Muuri ee dalka Switzerland natiijada ka soo baxday wareysiga Ustaadku, waxaa uu dhiiragelin iyo xoog nafsi uu siinayaa ruuxda sare xamaasadda horusocodeedka hawlkareed ee guud ahaan bahda Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya oo in ka badan 60 sanadood ay warkoodu la cabburnaa heleense haatan amar Alle Telefeeshin iyo mareego ay ku burqadaan afkooduna ay kaga ciilgooyaan naqaska isaga saaraan wararka ku jira dabnahoodu inta u dhaxaysa labada bishimood carrabka dhaqdhaqaaqa dhaqaaqaqaba loo diiday dhawaaqii sare ku dhihidda si looga dhaafo waxa isagu dhibayo dheebaynayana halkuu ku dhaato dhulkiisi dhaadaanka loo soo qaatay ushana lagala dabadhankaxay tuugga dhibayaa dhashiisi maraan dhowayn.

Maad iyo qosol mawjadaha culus maansooyinka miisaaman midna marti uguma ahaado marnaba ruuxii maruun la fariista  meel macalinka muusiga magac miskiin lagama aha mahadhadiis maahir Cabdow Muuri !!

By: Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip