6-JUUN SANADGUURIHII 19-NAAD URURWEYNAHA MUJAAHIDIINTA RRA RC IYO HALKII LOOGU QOOYAY HUWANTII MALEESHIYADII SALBALLAAR!!

0
06 June, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 5175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6-JUUN SANADGUURIHII 19-NAAD URURWEYNAHA MUJAAHIDIINTA RRA RC IYO HALKII LOOGU QOOYAY HUWANTII MALEESHIYADII SALBALLAAR!!

    6-da Juun waa maalin ku weyn dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waa maalintii magaalada Baydhabo gobolka Baay xarunta Labaad Lixda Gobol Koonfur Galbeed ururka RRA Rahawein Resistant Army ay gacanta ku dhigeen, maanta oo kale dadweynaha Reer K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

6-da Juun waa maalin ku weyn dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waa maalintii magaalada Baydhabo gobolka Baay xarunta Labaad Lixda Gobol Koonfur Galbeed ururka RRA Rahawein Resistant Army ay gacanta ku dhigeen, maanta oo kale dadweynaha Reer Koonfur Galbeed waxay u tahay maalin farxad weyn leh, iyagoo dhambaallo farxadeed isu diraya dacalada adduunka meel walbooy ku suganyihiin.

RRA waxaa ay ku timaaday in la aas-aaso fikradda, ama, falsafadda ahayd in Janaraal Caydiid maleeshiyo uu hogaaminayo ay ku duulaan qayba ka tirsan gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya sida:- Baay, Bakool, Gedo, SHabeellaha-Hoose iyo qayba ka tirsan gobolada Jubbooyinka.
Kadib markii maleeshiyaadka Maxamed Faarax Caydiid ay qabsadeen inta badan dalka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuma aysan ekaan oo kali ah in ay haystaan deegaanadaasi, balse, waxaa ay ku kaceen ficilo aad looga yaqyaqsado ee noolaha aadmiga marnaba aan u wanaagsanayn in lagu sameeyo, ficiladaas guracano ka dhanka ah bani-aadamnimada.

Maleeshiyada Caydiid markii ay qabsatay magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay, islamarkaana ah, xarunta Labaad Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayna ku darsatay gobolka Bakool xaruntiisa Xudur iyo guud ahaanba gobolka Bakool, waxaa ay ku kaceen in ay kufsadaan haweenka nuucyadooda kala duwan, xitaa kuwa siqiirka ah.


Waxay bilaabeen in ay gubaan bakhaarada, ama, bakaaraha kaydka raashiinka u ah dadyowga deegaanka, sido kale, waxaa ay dhac iyo boob iyo wax ka baxsan insaaninimada ku sameeyeen dadkii deegaamadaasi degganaa, kuwaasoo iyagu marnaba dagaalka aan u oomanayn, balse laakiin, u haraaddaanaa nabadda.

Arintaasi markii ay dhacday kadib, goobta loo yaqaan JHafey oo galbeedka magaalada Baydhabo ku taal kana tirsan degmada Berdaale, taasoo qayaastiina u jirta 75 KM magaalada Baydhabo, waxaa lagu aas-aasay ururka RRA markii ugu horeysay, urur hubeysan ay yeeshaan dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaasoo si dhab ah u taabagala guula milatarina soo hooya.
Kulankii JHafey oo ay ku kulmeen saraakiil yar iyo malaaq, ama, salaaddiin yar, waxaa halkaasi lagu yagleelay ururkii ugu horeeyey ee hubka sida tooska ah ugu wada difaaca dalka, dadka, diinta Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ururkaaso la magac baxay RRA,kaasoo maantaba 6-da Juun loogu dabaaldagayo sanadguuradiisi 19-aad ee ka soo wareegatay markii si buuxda uu ula wareegay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay ee dalweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

JHafey kulankii ka dhacay waxaa lagu doortay gudoomiyihii ugu horeeyey ee ururka RRA, kaasoo ahaa Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud Rabbi naxariistiisi Jannada haka waraabiyee, iyadoo gudoomiye ku-xigeenkiisi koobaadna loo doortay SHeekh Aadan Maxamed Nuur SHeekh Aadan Madoobe oo isagu haatanba ah mudane ka tirsan baarlamanka Federaalka dalka Soomaaliya, halka gudoomiyaha labaad ee ururka RRA loo doortay Allaha u naxariistee isaguna Maxamed Ibraahim Maxamed Xaabsade.
Islamarkii maamulka sare ee la dhisay, RRA waxaa ay ku dhaqaaqday in ay saraakiil iyo ciidanba qoroto, kuwaaso iyagu hogaamiya dagaallada ka fool ka foolka ah ee lala geleyo malaashiyada Caydiid ee markaasi daaxurineysey, amaba, haysatay gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya inta badan.
Walow Maxamed Faarax Caydiid uu sheeganayey dowladnimo, waxaa sii baahayey, geddeedi, burburka iyo baabi'inta lagu hayo dadka deegaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyagoo xoolahooda la dhacayey, raxan-raxan, ama, guruub guruub loo tooganayey, islamarkaana, qaarkood guriyaha lagu gubayey iyagoo noolnool.
Fajacaasi markii uu dhacay, waxaa si indha la'aano xawli ah ciidamada RRA ugu biirayey waayeel iyo siqiir dhallinyaro nuuc walba leh, kuwaaso iyagu si lacag la'aan, ama, mutadawacnimo ah uga mid noqonayey ururka waddaniga ee RRA, si ay xabbadda ugu ridaan cadowga dhulka ku soo duuley carun-ku-noolayaasha cayriin-cunka ah ee meleeshiyaadka Caydiid.
Caydiid kolkii uu arkay in dadyow fara badan ay ku biirayaan ururka RRA, isla waqtigaana awoodda ururka Rawein Reisitant Army ay kor u soo burqaneyso, waxaa uu isku dayey mar kale in uu kala jabiyo ururka, inkastooy taasi ayan u suuroobin iskudaygiisaasi uu ku doonayey in uu ku kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si uu u wiiqo jiritaanka ururka xaq u dirirka RRA, iyadoo xiligaasi wargeysyadii, ama, idaacadihii taageerayeyba Caydiidku ay RRA u bixiyeen, amaba, ay ugu yeerayeen FAARFAARE oo ay ula jeedeen RRA-dii way kala tagtay.

Daallimkaasi dulmiga weyn dhintay duulshowga gelshay shacbiga Soomaaliyaba la dagey goob fagaara mar uu beeshiisi ugu khudbadaynayey, waxaa uu yiri "dadka Raxaweynta la yiraahdo waa dad san balbalaaran madmadow asalkoodu yahay Ugaandhees, in loo taliyo sida dameerka loo rarta mooyaane maamul iyo dowladnimo wax kama oga loona ogolaan maayo inay xafiis yimaadaan ee ayaan liijaanka, ama, xakamaha iyo kooraha marna laga qaadin ushu ha saarnaato."

Waa yaab iyo amakaak, waxayna tani la mid tahay, wacal, wacal ku dhahaaya intaadan adigu wacal oran, waa Caydiid oo madoobaan dad ku caynaaya, ma doonayno inaan abuur Illaah wax ka sheegnee, balse, Caydiid caddaan maxaa u galay, amaba, muraayadda iskuma soo eeginba, siduu Mudug uga soo abraarayey.
Mar wareysi lala yeeshay sababta uu u tagey geyiga Koonfureed Caydiid, waxaa uu ku jawaabay in Reer Baydhabo uu diinta ku soo celinayo dibna u musliminayo, hadalkaaso gadaal kolkaad u raacdo kuu soo baxaaya kabaalasaarka huwan-beeleedda Salballaar ay kula hanqaareysey ummadda Maayga Soomaaliyeed dulmidiidka ah, waa Caydiid oo jihaadaaya xalaalquudata baraaya sida alifka Islaamka loogu dhaqmo loona dhigan isbaarooyinka leejada.
Isagoo sii hadlayey Caydiidku waqtigaasi, waxaa uu ku marmarsiyooday in Baydhabo ay joogaan gaalo dadka kirishtaameyneysa, saa awgeedna uu jihaad u aaday Baydhabo, Caydiid si uu dhageystayaasha u marin habiibiyo dhagahana uga wasaqeeyo xiligaasi gaalada Maaygey kirishtaameynaysaa uu lahaa, waxaa uu ula jeeday hayadihii samafalka ahaa ee UN-ka Qaramada Midoobay kuwaasoo teeriyo 1991 kii u soo gurmanayey umadda Reer Koonfur Galbeed oo Caydiidku nafsad ahaantii iyo beeshiisuba digada ka dhigeen nool iyo moodba dadyowga Koonfureed.

Si kastooy tahay Janaraal Maxamed Faarax Caydiid waa uu geeriyooday muddo kadib, isaga oo ciidamadiisu ay ku suganyihiin inta badan dhulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho dagaal uu la galay Cakaare ina adeerkiisa uu hogaaminayey ninkii rawaxay isna ee la oran jiray Cusmaan Xasan Cali Caato.
Caydiid markii laga taqalusay kadib, waxaa booskiisi soo istaagay wiil agoono uu dhalay oo la yiraahdo Xuseen Caydiid, kaa oo majaraha u qabtay maleeshiyadii markaa xaaraanta ku maamuleysey dalka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya xarunta Labaad Baay, SHabeellaha-Hoose, Gedo, Bakool iyo Jubbooyinkaba.
Gaboodfallo fara badan xasuuq isirsifeyn ku dheehan iyo dhibaatooyin tiradhaaf ah ee halkan lagu soo koobi Karin, iyagoo ka sii geysanaya halkaasi Salballaartu, RRA iyaduna ma aysan joojin dagaalada iyo weerarada dhabarjabinta ah ay kula jirtey maleeshiyada Maxamed Faarax Caydiid wiilkiisu dhaxlay.
Weeraradii ugu horeeyey, islamarkaana guulo la taaban karo ay ka soo hoyeen ciidamada Xoogga dalka ee RRA, waxaa ay kala ahaayeen, kii ay ku soo qaadeen gobolka Bakool xaruntiisi Xudur iyo magaalada Baydhabo qaybaha ay sida weyn u degganaayeen meleeshiyada Xuseen Caydiid goobaha ay ka joogeen magaalada Baydhabo sida:- ADC-da iyo Warshaddii Xasey ooy ku wehlinayeen xoogagga Oromada oo ka garab dagaalamayey.
Qorshahaasi markii uu dhacay, RRA waxay sameysay in ay raadiso xiriir caalami iyo mid daris-wanaag ah si ay ula kaashato la dagaalanka isbahaysiga ka soo horjeeda ee ku soo duuley, kuwaa oo qaarkood waddamada shisheeye ee aan dariska nahay ka yimid sida Itoobiya.
RRA waxaa ay ku guuleystay ugu dambeyntii in ay hesho xiriir caalami iyo mid daris wanaag ah, kaaso fursad u siiyey una siinayey in ay dagaalkoodu muddada dheer qaatay ay kula sii jiraan maleeshiyada hororka ah ee Maxamed Faarax Caydiid.
Goortaasi la joogay faatixo la isuma mareynin rugaha lagu kulmo, mana la isasalaameynin, laakiin, waxa la isku arkayo, waxay ahayd oo qura furinta dagaalka iyo dhamacda guduudan ee maarta in la isku dhilo.
Dagaaladii kudhufo ee ka dhaqaaq RRA iyo tagtikooyinka cusub ee milatari  oo ay la soo baxday, waxaa ay dhaliyeen in goobo badan oo ka tirsan geyiganaga Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay saldhigyo waaweyn ku yeelato, iyada oo markaasi ay xaadir yihiin maleeshiyadii aakhiritaankii loo qooyey ee Caydiid Reer Maayguna u yiqiineen Naardiir.
Saldhigyadii ugu horeeyey ee aan xusi karno RRA ay ku lahayd gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya awal waxaa ka mid ah :- saldhiggii la oran jirey DHiil oo ku yaal hawdka Bakool, iyo JHafey oo ah halka lagu aas-aasayba, iyo waliba DHonqooq oo iyaduna dhowr KM u jirta magaalada Baydhabo gobolka Baay ahna xarunta Labaad Lixda Gobol Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Maleeshiyada Salballaar iyada oo kaashanaysa dad deeganka la yara khaldayo sandareerta la siiyey, waxaa ay isku dayeen in saldhigyadaasi ee RRA ay burburiyaan, islamarkaana ay wiiqaan awoodda soo butaaceysa ee Rahawein Resistant Army RRA ay la soo baxayso, laakiinse, taa baddalkeedu, ma aysan ku guuleysan, balse, ayadii ayaa laga guuleysan doonaa waa Salballaare.
Iyadoo magaalada Baydhabo, gobolka SHabeellaha-Hoose, jubbooyinka, Gedo iyo xarunta Bakool ay ku suganyihiin maleeshiyada Maxamed Faarax Caydiid wiilkiisu dhaxlay ee Xuseen Caydiid, waxaa caalamka iyo qaybo badan oo ka tirsan siyaasiyinta Soomaaliyeed ee dhulboobka ah ay soo agaasimeen, amaba, ay isku dayeen in ay agaasimaan shir caalami ah, kaaso Soomaali weyn loo qabanayo, goortaas oo la saaranyahay, amaba, la haysto dhulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo dadka u nasabka sheegtaba.
SHirkaasi waxaa lagu sheegay in lagu qabanayo magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana loo bixiyey SHirkii Qaahira, wallow, Xuseen Caydiid iyo xertiisi xaaraandoonka ahba, ay qoloadii ajnabi shirka maalgelineysay ka dhaadhiciyeen in ay shirkaasi keenaan Magaalada Baydhabo oo waqtigaasi maleeshiyadiisu haysatay.
Laakiin shirkaasi isaga ah in Baydhabo lagu qabtay, waxaa waxba kama jiraan ka dhigay ururka RRA Rahawein Resistant Army, kuwaaso ficil ahaan u tusay caalamka in aan lagu qaban kareynin magaalada Baydhabo wax shir ah iyado la haysto kana dhigay qorshihii faroocida agoonka balcan baacuuri hal bacaad lagu lisay.
Kadib markii shirkaasi uu burburay RRA ma aysan joojin dagaalkeedi, waxaana dagaalka barbar socday tababaro milatari ay siineysey ciidamo fara badan oo goortaasi raxan raxan u soo galayey ururka RRA, si ay uga barbar dagaalamaan ururka ayna u xoreen dhulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya guud ahaantiiba.
Muddo kadib dagaal faraha la iskula tagey, waxaa RRA ay ku guuleysatay in ay qabato degmooyin ka tirsan gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, qaasatan gobolka Bakool, wallow, dhiig badan uu ku daatay halkaasi.
Waxaa jirey maleeshiyaad badan oo ka tirsan kuwa Xuseen Caydiid, kuwaa oo si arxan dara u gumaaday dadyow masaakiin beeraley maras ah oon dagaal ku jirin biri-ma-geydo ah loona yaqaan maati, islamarkaana, ilaa iyo haatan naftooda mood iyo nool xubnahoodana ku waayey gardaradii iyo duullaankii xaqdarada ahaa ee lagu soo qaaday ayagoon waxbaba galabsan.
 RRA markii ay xaqiijisay qaar ka tirsan degmooyinka gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya sida:- qayba ka tirsan degmooyinka gobolka Bakool, waxaa ay ku guuleysatay in hayadaha caalamka kaalmo bani-aadamnimo u weydiiso dadka deegaanadaasi oo muddo fara badan qalaanqal qax iyo orod ku jirey.
Walow dadku ay kaalmo ka heleen beesha caalamka, haddana, si dhameystiran baahidoodu uma ayan dhameystirin hayadaha caalamku, maxaa yeelay, dagaallo xooggan ayaa ka socday deegaanadaasi meelo u dhow dhow, iyada oo xiligaasi dagaal lexaad leh lagula jirey maleeshiyada iska soo dureertay hororka uu horkacayey Xuseen Caydiid, kuwaas oo iyagu doonayey guud ahaanba inay waxba kama jiraan ka dhigaan jiritaanka dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya asal ahaan iska leh degana geyiga Koonfur Galbeed ee Soomaaliya inta u dhaxaysa labada webi.
Xuseen Caydiid waxaa uu la yimaaday ciidamo Oromo ah, kuwaa oo laga soo dajiyey dekedda Marka xarunta gobolka Shabeellaha-Hoose Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si ay uga barbar dagaalamaan maleeshiyadiisi looguna baabi'iyo dadka deegaanka iska leh ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.
RRA waqtigaasi ma aysan lahayn idaacado u shaqeynaya  iyo warbaahin taabagal ah oo waxa ayagu ay yihiin iyo waxa ay u dagaalamayaan baahiya, si ay dunidu u tusaan gardarada lagu hayo ayna yihiin dad xaq u dirir ah.
Taa cagsigeedi maleeshiyada Caydiid, waxaa ay lahayd borobagaando fara badan iyo idaacad ku shubta wixii iyadu ay dooneyso dadweynaha Soomaaliyeed samaha jecel gudaha iyo debedda, si loo marin habaabiyo shucuubta wanaagsan xaqana loo duugo.
Dulmigu ma raago, dulmiguna waa aayaxumo ciribtiisa, wixii la dagaalamo, oo la dagaalamaba, waxay timid, sanaddii 1998 kii in caasimadda Xudur ee gobolka Bakool RRA ay si buuxda ula wareegto, taasoona ahayd guushii milatari ee ugu horeysay ee baaxaddeedu weyntahay oo ay soo hoyaan Rahawein Resistant Army RRA ururka aan urur lagu khaldin.
RRA markii ay qabatay magaalada Xudur ma aysan nasan, waxaa ay haddana dagaal dhaankiisu wata ay ku qaadday degmooyinkii madax-banaanida ka harsanaa gobolka Bakool wax yar kadib uun, markii ay qabatay magaalada Xudur ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Xudur dagaalkii ka dhacay waxaa uu ahaa mid taariikhi ah, iyada oo ururka RRA ay kaga dhinteen askar mujaahidiin xaq u dirir gaaraya 70 ruux, halka maleeshiyada haarhaarka agoonka Xuseen Caydiid ay kaga dhimatay 200 mooriyaan in kor u dhaafeysa.
Laakiin dhimasho kaliya kuma ekeyn khasaaraha loo geystay maleeshiyada Agoon Caydiid, waxaa laga qabsaday tikniko aad u tira badan saanad iyo mooriyaan nool nool.
Bakool markii la xaqiijiyey xornimadeeda oo ay RRA gacanta ku dhigtay, waxaa RRA u sahlanaatay in ay weeraro isdabajoog ah habeen iyo maalinba ku soo qaaddo maleeshiyada Xuseen Caydiid goobaha ay kaga harsan yihiin Koonfur Galbeed ee Soomaaliya sida:- degmooyinka gobolada Baay Gedo Jubbooyinka iyo SHabeellaha Hoose.
RRA waxaa saldhig weyn oo saanad milatari iyo ciidamo awood badanba leh ay ka sameysatay duleedka magaalada Baydhabo, saldhigaaso caan ah loona yaqaan Ceel-Doon, kaaso ilaa iyo haatanba ciidan walboo Baydhabo jooga uu isku dayo in uu saldhig ka dhigto nuucuu doono ha ahaadee.
Ceel-Doon markii saldhig weyn ay ka dhigatay awalna DHonqooq ay u ahayd RRA, waxaa fududaatay in weeraradii ay sii labajibaarto ku qaadeyso magaalada Baydhabo iyo degmooyinka ku hareereysan ee Salballaar ay ku sugantahay.
Weeraradu kolkii ay soo bateen, Salballaar waxaa ay bilawday in maalintii magaalada Baydhabo ay haysato habeenkiina ay meelo kooban uun kaga ekaato baladka, waxaana magaalada loo qaybiyey habeen iyo maalin, iyadoo dharaartii ay maamulayaan maleeshiyada Salballaar, gudcurkiina RRA.
RRA waxaa ay soo qaadi jirtey weeraro isdabajoog ah habeen kasta, halka Salballaar iyaduna maalintii ay gumaadi jirtey dadka ku hadlaya Afka-Maayga hadduu doono shacab ha ahaado, ama, yuusan ahaanine, markuu dagaalka dhaca kadib, iyaga oo dadyowga u gumaadayey in xalatoole dagaalkii dhacay ay qayb ka ahaayeen.
Ciidamadii ay tababaratay Rahawein Resistant Army oo tiradoodu aanan soo koobi Karin, waxa ay dhilisay in cudud balaaran ay yeelato RRA, qabashdii magaalada Baydhabo waxaa ay ahayd taagtiig khatar ah, dagaalkaas oon looga baran Koonfur Galbeed abid.
RRA waxaa ay diyaarisay 6 gaas, oo gaaskii uu ka dhiganyahay 4 guuto, guutadiina ay tahay ilaa iyo 500 oo askari, lixdaas gaas oo qalabeysan, islamarkaana hubka Aartileri iyo tiknikada nuucyadeeda kala duwan uu u dhameystiranyahay, ayaa ayagoon laga warqabin, waxaa ay soo fariisteen goor habeen ah fiidkii jidadka halbowlayaasha magalaada Baydhabo waddooyinka soo gala ee ka baxa, kuwaasoo caan ah, islamarkaana ay ugu weynyihiin 3 waddo.
Kadib markii ciidamada gaashaaman ee milatariga RRA ay soo fariisteen waddooyinkaa iyaga ah, salballaar mooriyaanteeduna ay ku xareysanyihiin saldhigyadii ay iyagu ka dagganaayeen magaalada, maadama, habeenkii RRA ay maamusho magaalada, waxaa dhacday, in RRA ciidamadeeda oo efenteri, ama, lugta ay u soo guureeyaan dhamaan xaafadaha kala geddisan iyo jidadka kala duwan ee magaalada Baydhabo goor habeen ah.
Waagu kolkuu soo dhowaaday, ururweynaha RRA iyo saraakiishiisu jidadka halbowlayaasha magaalada laga soo galo laga baxana ciidamo cuddud balaaran leh dhigay, waxaa ay ku bilaabeen xabbaddii waqtigii salaadda Subax la addimayey geeska Afrika ee Soomaaliya.
Rasaasta markii ay bilaabatay meleeshayadii Xuseen Caydiid waa ay garan waayeen halka ay xabbadda u ridaan, maxaa wacay, cuddud ka tan badan ayaa soo fuushay, oo waxaa la dagaalamaya dadkii deegaanka oo dhan oo soo wada tababartayo hubeysan.
Alleylehe fool timaadday qodaqarsi malahane, daqiiqado markii ay rasaastu socotay, maleeshiyadii Xuseen Caydiid qayb walba cagaha ayey wax ka dayday, waxaana ay isku dayeen in ay qayb waliba baxsato, laakiinse, taasi waa ay suuragali weydey, marka laga reebo 7 tikniko ah, sababta oo ah, waddo kastooy isku dayeen in ay ku baxsadaan waxaa fadhiyey cutubyo ka tirsan ciidanka ururka RRA oo si dhameystiran militarili u qalabeysan.
Dadku waa walaale, Soomaalidu iyada uunbaa qaybaha qaybta kala duwan nacda mooyaane, dadka Reer Koonfur Galbeed waa dad iyagu nabadda jecel colaad walboo jirtana uma dhaqmaan sida dugaagta duurjoogta ama yeyda oo kale.
Dadkii 4 sano la soo dagaalamayey, baabi'inayey, guriyaha ku gubayey, bakhaaradooda raashiinka gubi jirey, iyagoo noolnool guriyaha ku gubi jireyna, markii ay qabteen iyana iyaga iyo gawaaridooda tiknikada ah, ma aysan toogan, laakiinse, waa ay xareeyeen, iyagoo dhar fiican iyo lacagba siiyey ayeyna  markii dambe deegaanadoodi ay u soo direen, arintaaso uu ka shaqeeyey hogaamiyihii halyeyga ahaa ee geeriyooday Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud oo asal ahaanba diiday in la dilo askari la qabtay oo Soomaali ah, kaaso xabbadda ku soo ridayey RRA.
Xiligaasi isaga ah Xuseen Caydiidka yar Agoonka iyo maleeshiyaadka huwantiisi, waxaa laga qabtay 150 boqol iyo konton tikniko ah, waxaa laga gubay 7 tikniko ah, halka 7 tikniko kaliya ay soo baxsatay, kuwaa oo ku soo baxsaday waddada Diinsoor soo aadda garabmarta SHaatiguduud International Airport ee ka soo baxda magaalada Baydhabo, waana halka loogu qooyay huwantii Salballaar Caydiid uu horboodayey, maxaa yeelay, wixii markaasi ka dambeeyey Salballaar qabiilkoodo mutaxan faranfardeyneysa oo gobol kale, ama, xitaa degmo kale ku duuleysa lama arag, Baydhabo ayaa lagu soo bikrajabiyey, kadib markii sanka lagu soo dhiftay si aad aad ahna loo soo qooqjabiyey.
6-dii Juun 1999 kii markii subaxnimo ururka Rahawein Resistant Army RRA ay la wareegeen magaalada Baydhabo, ma aysan istaagin durba ciidamadu waxaa ay u sii gudbeen degmada Buurhakaba oo xiligaasi haraaga maleeshiyada Xuseen Caydiid firxadkoodu ay ku sugnaayeen.
Waxaa jirey saraakiil fara badan oo caano la yiqiin ka tirsanaa maleeshiyada huwanta Agoonkii Caydiid, kuwaa oo kaareeto, ama, gaaridameer loo soo kireeyey cararkii, halka qaarkoodna laguba dilay Maanya-Fuulka oo ah iridda loogaga soo baxo magaalada Baydhabo dhanka Muqdisha, waxaana ka mid ah saraakiisha halkaa lagu qalajiyey, sarkaalkii la oran jirey SHabeel oo ummadda Reer Koonfur Galbeed nolosha ku gubi jirey siqiir iyo waayeelba, iskaba daa xitaa, dhallinyaro warkeede.
Saraakiisha cagaha soo murmurxay ilaa Buur-Hakaba soo orday waxaa ka mid ah sida:-kii bararka u dhintay la oran jirey Fara-Badan, Fadhi-Xume, Sigane, Maxamed Faarax Jimcaale iyo qaar kaloo badan iyana boqol boqol doollar gaaridameer kiro looga soo qaatay sida kii calooshii u shaqeystaha ahaa ee  soomaalida kale ina Cumar Jees.
RRA daqiiqado kadib kolkii ay soo gaadhay halka loo yaqaan Buur-Hakaba oo ah degmada koobaad ee ugu facaweyn degmooyinka gobolka Baay, ma aysan sameyn wax aargoosi ah, kii la shaqeynayey Salballaar iyo kaan la shaqeyneyninba, dadku dadkii uunbay ahaayeen walaalo aan ishurin.
Ciidamada RRA ruqaansigooda hiiradkii jugta culus markii ay qabteen magaalada Baydhabo, waxaa ka dhacay dabaaldagyo aad u waaweyn magaalada, iyada oo haweenka, ama, dumarka raga, caruurta iyo waayeelka dhamaan ay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn, iyago xamaasadeysan kuna faraxsan guusha iyo xornimada ay gaareen 6-da Juun.
6-da Juun oo maanta oo kale loo asteeyey maalintii xornimada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa dadka Reer Koonfur Galbeed waxaa ay isu diraan dhambaallo aad u qurux badan, iyagoo ku faraxsan xornimadooda iyo nabadda ay ku naaloonayaan meel walbooy dunida dacaladeeda ay ka joogaan shanta qaaradood ee adduunyada.
Waxaa jirey maalintaasi buraanburo fara badan ooy gabdha tiriyeen, waxaa jirey abwaano fara badan waqtigaasi hubka siday la dagaalamayey maleeshiyada soo xadgudubtay ee Caydiid, kuwaaso iyagu aad uga gabyey geeraaray guushii milatari ee RRA ay soo hoyday Rabbina uu ku guuleysiiyey in ay deegaankoodu qayba ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ay gacanta mar kale ku dhigaan
Abwaanadii xiligaasi ciidamada xaq u dirirka marnaba aan ka dhexbixin guubaabada furimaha dagaalka ka waday waxaa ka mid ah, ama, aan ka xusi karnaa sida:-Abwaanka abwaanada dalweynaha Koonfur Galbeed qarnigan Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash, Abwaan Isaaq Abgaalow, Abwaan Cali Bugey, Abwaan Muxudiin, Abwaan Jaakoole, Abwaan Balwodiid, Abwaan Canjeex ,Boqoradda codka Koonfur Galbeed Nuurto Arlaadi iyo qaar kaloon haatan aynaan ka gaari karin magacyadooda.
Xoog ku baxaabaxayntii maleeshiyadii Caydiid iyo furashadii xarunta Labaad Koonfurta Galbeed, waxaa maxabiis ahaan madaxtooyada magaalada Baydhabo loogu qabtay haweeneyda u dhaxda, ama, xaaskii Xuseen Caydiid, islamarkaana si sharaf leh loogu gudbiyey seygeeda Xuseen Caydiid oo goortaasi ku sugnaa meel ka baxsan dhulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taasina waxaa ay ku tuseysaa gobnimada iyo sharafta shacabweynaha Koonfur Galbeed inaysan ku saqajaamin biri-mageydada.
Taariikhdu sida ay sheegeyso waqtigaasi, ma aysan jirin dowlad dhexe ooy Soomaaliya lahayd, waxaa jirey dagaalo qabiil, qabiil walba qabiilka kale uu ku duulayey midka uu isyiraahdo waad ka yara itaal badantahay, tanina waxay qayb ka ahayd duulaanka gardarada iska qaawan ee lagu soo qaaday deeganada dadyowga Koonfureed dulmigii isdabajoogga ahaa ee dadka Koonfur Galbeed lagu hayey, iyagoo loo aaminsanaa in aysan lahayn wax itaal ahba.

6-dii Juun sanaddii 1999 kii xornimada Baydhabo kadib, ururka RRA qorshihiisu waxaa uuba ahaa, in uusan ku hakan magaalada Baydhabo oo kali ah, laakiin, uu xaqiijiyo xoreynta dhamaan 6-da gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu markaasi uu haysto cadowga.
Ciidamada RRA oo ay hogaaminayaan taliyaasha milatariga RRA, waxaa si toos ah loogu diray gobolka SHabeellaha-Hoose qayba badan oo ka tirsan, gobolka Jubbada-DHexe iyo Gedo.
Difaacii ugu horeeyey ee ururka RRA waxaa uu noqday kana dagaalamayey goobta loo yaqaan Haawaay oo ah halka ay iska galaan saddexda gobolada Baay, Jubbada-DHexe iyo SHabeelaha-Hoose, halka ciidamadu si toos ah ay uga dagaalgaleyeen isla muddo kooban markii qabashada Baydhabo la xaqiijyey kadib, magaalada AFgooye afaafka hore ee buundada webiga, Wanlaweyn ama Daafeet halka loo yaqaan, Kurtun-Waarey, degmada Qoryooley iyo hareeraha dhulweynaha Tooratoorow.
Isla durba iyadoo dagaaladaasi baaxadda leh ay jiraan, islamarkaana Rahawein Resistant Army RRA ay carcarteedu qabto, waxaa dalka Jabuuti lagu qabtay shir Soomaaliyeed, kaaso dib u hesheesiin lagu tilmaamay, si dowlad qaran, ama, dowlad dhexe loogu dhiso.
Arintaasi markii ay timaaday RRA waxaa ay heshay gorgortan siyaasadeed kii ugu horeeyey iyada oo la gorgortantay dadkii Soomaalida ahaa ee Jabuuti Carta isugu tagey.
Ururweynaha RRA waxaa loo fidshey waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Invitation) casuumaad, ama, martigelin in ay ka soo qayb galaan shirka Carta ee Soomaaliweyn ay wax ku qaybsanayso.
Bacdama dadka Reer Koonfur Galbeed ay waligood ahaayeen dad nabadda jecel, iyagoo qayba ka tirsan dhulkoodu la haysto dagaalna ay ku jiraan, waxaa ay aqbileen ooy ajiibeen casuumaaddii ay soo direen dowladda Jabuuti iyo Soomaaliweynba, si shir dib u heshiisiineed Soomaaliweyn loogu dhiso dowlad dhexe dhibtana looga baxo.
Taa kolkii ay dhacday, RRA waxaa ay dirtay 70 xubnood oo uu hogaaminayey xoghayihii hore Illaahay ha u naxariistee ee ururka RRA Dr Cabdalla Deerow Isaaq.
Jabuuti waxaa jirey qoraal ay kala saxiixdeen ergadii shirka dowliga Jabuuti iyo RRA, inahaasi RRA waxaa ay gudbisay qodobo fara badan shuruud ah kuwaaso ay ku xidhay dowladda meeshaasi ka soo baxaysaahu in ay fuliso heshiiska qodobada qalinka lagu wada duugay, haddiise ay fulin waydana guud ahaan ay ka baxayaan shirka waa RRAyuwe.
Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa 1: "in dowladda Soomaaliya ee ka dhalataa gudaha Carta marka ay soo guureyso si ku-meel-gaar ah loo dajiyo magaalada Baydhabo," 2: "in Soomaali isma aamini kadhee way isdishaye, ciidamo dhexe oo nabad ilaalin ah yimaadaan Soomaaliya, kuwaaso loo dhiibo hubka si meel ku gaar ah, inta Soomaalidu ay ka dhisanayso ciidamo qaran oo la isku aamini karayo", iyo qodobka ugu dambeeya qodobada nuxurka leh, waxaa uu ahaa "in qof walba wixii nool oo hanti, ama, deegaan ah qofka kale uu ka qabsaday, ama, qabiil walba qabiilka kale wixii uu ka qabsaday la isu celiyo".
Tusaale ahaan:- Koonfur Galbeed ee Soomaaliya sida gobolka SHabeellaha-Hoose, Jubbada-Hoose, Jubbada-DHexe iyo qaybo ka mid ah Gedo oo markaasi cadowga uu haystay in ay kala baxaan ciidamadooda, islamarkaana gacanta laga geliyo dadkii iska lahaa deegaanka maadaama dowlad dhexe ay dhalatay.
Heshiiskaasi kolkii uu dhacay, waxaa si lama filaam ah ra'iisul baarlamaan u noqday gudoomiyihii hore ee baarlamanka TNG-da Illaahay ha u naxariistee Cabdalla Deerow Isaaq oo booskaasi ku fududaaday.
SHirkaasi goortuu bilowday oo RRA-na lagu casuumay, RRA si ku meel gaar ah ayey u hakisay hawgaladii ay kula jirtey maleeshiyada Xuseen Caydiid, maadama, gogol nabadeed ee Soomaaliyeed la fidshey, islamarkaana Rahawein Resistant Army RRA lagu casuumay madasha, waxaana waqtigaasi RRA ay hakinaysey hawlgaladeeda milatari cabsi darteed laga qaxayey magaalada Muqdisho oo qoladii soo xadgudubtay Reer Salballaar qalabka muhiimka sida matoorada I.W.M u daabulanayeen halkii awal ay ka soo hayaameen awal gobollada dhexe Galguduud iyo Mudug.

Waa hubaal in RRA ay ka horumarisay danteeda gaarka ah midda guud laakiinse looma garan, sidaan kuugu lisay haddaad iigu hambayn lahayd waxba ma xumaadeen weeyaane, dowladdii meesha Carta ka soo baxday ee la filayey in dhibaatada ka saareyso dadka Soomaaliyeed qodobadii udubka bud-dhigga ururka RRA ay ku heshiiyeen iyo dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxda uu ka ahaa, in ay axdigii fulisana haba sheegin, oo dowladdii waxayba noqotay nidaam qaraabakiil cad adduunkana magaca Soomaalinimo looga soo dawarsado iyo dulmi cusub, meeshii laga sugayey in ay rafaadka ka saarto ummaddii in iyaduba burbur sabab ugu noqoto, maxaa yeelay, dowladdii Cabduqaasim Salaad Xasan waxaa ay soo xulatay Datoor Cabdalla Deerow Isaaq kadibna gudoomiye baarlamaan markuu noqday waxay u soo dirtay gobolada Bakool iyo Baay oo ka tirsan Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya si siyaasad ahaan furfur loogu sameeyo ururweynaha RRA walow Dr Cabdalla Deerow Isaaq uu fahmay siyaasadda looga danlahaa soo diristiisi in dadkiisi lagu baabi'iyo goordambe maadaama uu ahaa nin caaqilo aqoonyahan ah siyaasadda iyo qiddadda aartikalka meesha loo dhigay, haddana, waxaa jirey inta ka dhaxaysa fahamka iyo diritaankiisa in ururka waxyeelo badan loo geystay, islamarkaana la isku diray dadkii walaalaha ahaa iyagoo middida iyo waranka isku soo aaddiyey cadowgana ka soo waabiyey.
Si kastooy ahaataba, ururka RRA awooddiisi hoos ayey u dhacday, waxaana dowlladdii Cadbiqaasim Salaad ee laga sugayey nabadda iyo baraaraha ay badashayba in mar kale ay (occupy), ama, daaxurin ku sameyso gobolladii Koonfur Galbeed ee Soomaaliya qayba ka tirsan sida gobolka SHabeellaha-Hoose oo Yuusuf Indhacadde intay tuute u soo xirtay 200 gaadiid dagaal beeshiisi loo soo dulsaaray magaca dowlladnimo loogu dhiibay, goortaaso milatarigii rasmiga iskudhafka ahaa ee halkaasi joogay wax la dilo iyo wax la dhaawaco iyo wax la cayrsado laga dhigay, sidaana Cabduqaasim Salaad Xasan beeshiisu xoog ku ixtilaashay gobolkii mar kale.
Arrintaasi ma ahayn wax laga filayey dowllad dhexe ee Soomaaliyeed ee uu hogaaminayo qof madaxweyne Soomaali muwaaddinimo sheeganaya, laakiin, taasi waa ay dhacday, taa kolkii ay dhacdayna, RRA ayadii ayaa isku mishquushay, waxayna noqotay in ay iska dilaan kumaankun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaaso aan loo baahneyn in ay iyagu isdilaan.
Dagaalka gudaha RRA intuusan dhicina, Datoor Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud Rabbi naxariistii Janno haka waraabiyee, isagoo fahamsanaa qiddooyinka iyo siyaasada kor ka imaanaya lagu kala dhantaalayo dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, islamarkii waxaa uu ku dhawaaqay dowllad goboleed ka kooban 6 gobol, lixdaas gobol oo kala ah:-Baay Jubbada-Hoose, Bakool, SHabeellaha-Hoose, Jubbada-DHexe iyo Gedo, waxaana dowllad goboleedkaasi caleemasaarkiisi ka soo qayb galay dadyow iyo siyaasiyin fara badan oo la dhacsanaa hanaanka maamulka loogu dhisayo lixdaas gobol.
Dowladdii Koonfur Galbeed ee Soomaaliya markii madaxweyne uu ka noqday Dr Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud, ururka RRA ayaa burburay, laakiin, ururka RRA kolkii uu burburay, kaligii ma uusan burburine, waxaa la burburtay dowladdii xaqdarada weyneyd ee Cabduqaasim Salaad Xasan, islamarkaana, waxaa shir loo fariistay magaalada Eldorat dalka Kenya, shirkaaso Soomaali idilkeed la isugu yeeray, si ay uga soo wada qaybgalaan islamarkaana, awood qaybsi ay u sameeyaan, balse laakiin, shirkaasi intaan la aadin, waxaa uu ahaa siyaasigii ugu horeeyey ee dowlladdii Cabdiqaasim ka baxa Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud Allaha u naxariistee, iyadoo waqtigaasi dadka ka soo horjeeda siyaasadda Koonfur Galbeed ay ku eedeeyeen, ama, ay yiraahdeen in "Dr SHaatiguduud dhaartii kitaabkii uu ku dhaartay uu buriyey", laakiinse, xaqiiqada Kitaabkii uu ku dhaartay aanu iska burinine, kahor dhaartii iyo axadigii lala galay looga baxay, axdigaaso ahaa "in dowladda Baydhabo la keeno, gobollada la haystana laga faaruqo, islamarkaana hubka loo dhiibto ciidamo dhexdhexaad ah UN-ka ka socda.
Haddaba, ballan lagula galay dhaar marka la buriyo, adna waad burin kartaaye, Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud waa uu ka soo baxay shirkii Jabuuti xaaraantii lagu laaqay, amaba, dowlladdii Carta markii uu ka soo carraabay Baydhabo uu soo gaarayna, waxaa uu geed hoostii isaga oo isugu yeeray cuqaasha salaadiinta malaaqyada taladu ka go'do uu u caddeeyey waxa uu shirkii dowlladdii Carta kaga soo tagey iyo xaal meesha uu marayo iyo waliba sida loogu baahanyahay in Reer Koonfur Galbeed iyaga uun isugu tashtaan, bacdama nidaam dowli ah loogu soo heshiiyey in dalka looga Suuliyo jiritaankooda.
RRA waxaa ay xaqiijisay shirkii Embagati sinaantii la diiday fadhigii Carta in ay ku sinaandaan Soomaalida, wuxuuna ururka Rahawain Resistant Army RRA uu xoog ku soo banbixiyey in shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya dowlladda Federaalka haatan dhisan lagu soo yagleelay wax lagu qaybsado, ama, distoorku ka mid noqdaan qodobada soo socda 1:- "In beelaha Soomaaliyeed ay simanyihiin, islamarkaana Af-Soomaaligu uu yahay mid qur ah, balse laakiin, uu u qaybsamayo 2 lahjadood oo waawayn kala ah Maay iyo Maxa, iyada oo si caadi ah oo furan loogu dhigi karayo dugsiyada goobaha waxbarashada xaafiisyada dowligana lagu isticmaali karayo si aan isquus gambasho iyo cusri lahayn", halka dowlladdii Maxamed Siyaad Barre markii ay jirtey qofka Afka- Maayga ku hadlaya, kolkii xafiis uu dani ka yeesho uu galo Afka-Maayguna ku hadlo la oran jiray "Wariyaa Af-Soomaali ku hadal adigu," sidii Afka-Maayga Soomaaliga uusan Soomaaliba ahayn oo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip