HORYALKA KOBKA KUBADA CAGTA DALKA ISWIIZARLAN XULKA LUZERN AYAA LA HOOYATAY

0
16 July, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORYALKA KOBKA KUBADA CAGTA DALKA ISWIIZARLAN XULKA LUZERN AYAA LA HOOYATAY

    waxaa manta ciyaar kubadda cagta ah mudo badan la sugaayay ay kadhacday magalada Davos ee wadanka Iswizarlan. Ciyaartaasi koob uu yiilay ayaa loo qabtay 26 kooxood oo kadhisan dalka Iswiizarlan, ciyaarta waxaa abaabulkeeda iska lahaa jaaliyada Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa manta ciyaar kubadda cagta ah mudo badan la sugaayay ay kadhacday magalada Davos ee wadanka Iswizarlan. Ciyaartaasi koob uu yiilay ayaa loo qabtay 26 kooxood oo kadhisan dalka Iswiizarlan, ciyaarta waxaa abaabulkeeda iska lahaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan gobolka Graubunden gaar ahaana Davos, waxaana masuuliyinta isku hawlay arrintan qiimaha leh ka mid ah sida:- proff salaax Sheekh Cusmaan, Mowliid Xaaji Batariino, Ciise Yuusuf (Ciise Davos), C/Raxmaan Karaasiiddo, Cabdalle iyo muwaadiniin badanoon magacyadooda halkan aynan ku soo koobi karin.

                                                                                 

Ciyaartan xamaasadda lahayd waxaa garsoorayaal ka ahaa min bilowgeedi 8:30 subaxnimo ilaa 10:00 kii fiidnimo garsoorayaal sare Maxamed Yuusuf iyo Cali Bile, iyada oo calanwadayaasha garoonkuna ay ahaayeen rag ajaaniib caddaan ah. Sidaan horaanba warbixinteena ugu sheegnay, kooxaha ciyaartan ka qayb qaadanayay oo isaga kala yimid dhamaan gobolada kala duduwan ee dalka Iswiiska ayaa qaarkood habeen ka horba u sii hoyday magaalada Davos halka ciyaaryahanada iyo taageerayaasha badi qaarkoodna ay aroornimadii gawaari ku soo qufmeen kuna soo xoomeen gudaha magaalada Davos. Ciyaartan oo ay geesta kale si culus u taageraysay dowlladda Iswiiska, ayaa waxaa furitaanka garoonka soo xaadiray madax heer dowlladeed gobol iyo degmo oo ay ka mid yihiin xaafiisyada qaxoontiga u qaabilsan waddanka gaar ahaan Davos sida:-Fau Doris Schweighauser, Herr Alex Hidinger iyo qaar kalo badan uu runtii indhaha ku hayay habsami u socodka ciyaaraha kana muuqatay wajiyadooda farxad aad u wayn oo ah, in Soomaalida fikradihii xuxumaa laga aaminsanaa ee ahaa, inay wax uun qarbudaan isna maamuli karin uusan arinku sidaa ahayn, balse, ay yihiin dadka Soomaalida kuwo ismaamuli kara waxna qabsan kara. Iyadoo wareysi ay siinaysay gabadhaha madaxda ka ah xafiiska magangalyadoonka Davos Marwo Doris Schweighauser warbaahinta Soomaalida gaar ahaan Southern Media Co-Operation, waxay carabka ku adkaysay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u wanaagsan lala dhaqmi karo ayna la diyaar yihiin hadday yihiin Bunder Asylberatungsstelle Davos dhankooda inay caawiyaan baahiyahooda kaalinta kaga aaddan aysan waxba ka hagranaynin hadday ahaan lahayd dhanica sharciyada iyo shaqooyinka. Kooxihii tartanka adag ee la isku jilba murxay ka soo qaybgalay iyo tababarayaashooda qaar ka mid ah haddaan xusno waxay kala ahaayeen sida xulka 1:FC Bern oo watay tababare Xamaato. 2: FC Davos oo watay tababare Proff Saalax Sheekh Cusmaan. 3: FC Basel oo watay tababare Ismaaciil. 4: FC Chur oo watay tababare Macalin Muuse. 5: FC Argau oo watay tababare Mahad. 6: FC St. Gallen oo watay tabare Malta. 7: FC Luzern oo watay tababare C/Raxiin. 8.FC Schwyz oo watay tababare C/Rasaaq. FC Zurich oo watay tababare Xidig iyo xitaa FC Austria oo waddan daris ah qayb ka ahayd loolanka ee uu watay tababare C/Fitaax Qoryooley.


kobkaas aadka loogu hardamayay maalintii shalay ayaa ciyaarihii kooxuhu ku soo badhigigeen garoonka wayn magaalada Davos ahaa kuwo aad loogu riyaaqay oo dadweynihii u soo daawasho tageyna ay maqsuudiyeen. Intii lagu guda jiray isreereebka ilaa finaalka loo soo gaaro, koox walbiba waxa ay soo bandhigaysay kartideeda, waxaana markii danbe finalka isugu soo baxay xulalka aan caadiga ahayn FC Zurich iyo FC luzern oo ay ugu dambayntiina guushu ku racday rigoore xulka luzern oo koobkii waynaa midigta loo gelshay kuna damaashaaday garoonka wayn degmada taagga saaran ee Davos Platz.
Inkastooy dhamaan kooxihii martida ahaa iyo soorayaashuba ciyaaro kala daran ay garoonku ku soo bandhigeen oo warbaahintana si rasmi ah loogu casuumay halka ay kubaddu ku wareeganayso guud ahaan, gaar ahaan Southern Media Co-Operation iyo Teamkoodu garoonku studioyahoodu gees dhigteen toosna u soo tabaniyeen tartanka horyaalka koobka Iswiiska, ayaa sida aan soo gudbin doono muuqaalada, waxaa ugu ciyaar fiicnayd uguna khatarsanaa baratankaa qiimaynta ciyaaraha kooxda aan lagu soo degdegin ee FC Zurich, laakiin saasao tahay nasiibku uu diiday rigoorooyinka awgood.
Guntii iyo gunaanadkii, dhamaan kooxihii ciyaaray guul iyo guuldarooyinba qiimaynta dhinicyo badan hadday ahaan lahayd ciyaar wanaagga, nidaamka iyo asluubta, waxaa loo siiyay abaalmarino oo la arkayay gudida iyo korjoogtada ay bixinayeen sida Yacquub Shooble, Cusmaan Xaaji Kuulow iyo Axmed Cilmi, waxaana ciyaartii ay ku soo idlaatay jawi deggan oo aad u sareeya.
 

Warye Xasanoos Davos Iswiisarlaan

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip