DHAQANXUMADA DOWLLADDA FIRIQOWDAY FARMAAJO DAGAAL IN LALA GALAA WAA U DOW DANTA UMMADDA GEESKA AFRIKA WAANA BARNAAMIJ LOOGU QASAYO WARANKIILADIISII !!

0
30 July, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 2662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 9 4
  • Share via Social Media

    DHAQANXUMADA DOWLLADDA FIRIQOWDAY FARMAAJO DAGAAL IN LALA GALAA WAA U DOW DANTA UMMADDA GEESKA AFRIKA WAANA BARNAAMIJ LOOGU QASAYO WARANKIILADIISII !!

    Farmaajana xukaamaddan firiqawday loo fantaray ceebta fusuqa yaal fillada fudaygu dadka fariidka mooday fanteeladiisu faraaryahaleh ayuunbaa caqliga foorara, faylku waa dheeryey fiidiyo cawaba, fuudkase waxa fiitaa waa FQSH falaxdiisi inta kale farku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajana xukaamaddan firiqawday loo fantaray ceebta fusuqa yaal fillada fudaygu dadka fariidka mooday fanteeladiisu faraaryahaleh ayuunbaa caqliga foorara, faylku waa dheeryey fiidiyo cawaba, fuudkase waxa fiitaa waa FQSH falaxdiisi inta kale farkugodan fuwoori weeye figta horaba farsamooyinkii fiigtaasha waxaana lagu fulshaa go'aamaan fududayn laga soo falkinaayaa foofanka sare fuuqul reer Fili ooy fardafuulku ula fadlinayaan tahay fujaasadii 1991-kii farahaba looga gubtay fariciisii hore fookanka doonay faanfaankii lagu jabay fashilka hortii falaqsigii Soomaaliyaba in firkaasuun loo feesteeyo kuna fanaanaanooy faamaystaan dalkan faaqidaaddiisu fogaatay fawdada hoggaankan fiyuusku gubanyey faambinayo faralkii loo xidhaba Faatixada nabadda furan falgalkeedu fiican fidmooyinka waawayn fulkaanooyinka foroodsha firadoodu firiqda dhiigga firxadka loogu farabugeeyay siduu faalooyin kugu fahamsiiyay felesoofkii feegaarka arkay fadhiga feermooyinka intaan fandhaalkaba la iska faramaroojin, se, shinidu marka ay boqor la'aan noqoto way isku dhex yaacdaa amaana lama siiyo malabkuna way dayacdaa, dabagaaluhu noloshiisi intaa nooli xoolaad badarbuu uruurshaa kaydkiisi dibna uguma hagaago doonistiisi, barooradu way qodidhisitaqaan godadka ugu gudaqurxoon fooqalxaywaan mana ku nacfiso duul kalaana u daga aanay waxba isku darsan, tukuhuna waa u calaf inuu arku helo caanaha dhayda udgoon, balse marnaba umuu laha nasiib uu saafidaa ku dhammo, sidaa oo kale annanna haddaan Soomaali nahay bayd waanu u leenahay dal burwaaqa, balse inaba ayaan uma lihin inaan hagaagsano dalkeena sumuni dheeri aan jirin caddaalad ku dhaqano kuna istareexno xoriyad buuxda sharci iyo kala dambayba leh, waana xaajaday ka naaxeen duulasha wali darinihii qaba ee duqu u wayn yahay aayaxumadeeduna laakiin.

Dood aad u adag faraha looga gubtay ooy soo qabanqaabisay warbaahinta ugu afka badan mandiqadda ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation uu marti ku ahaa wariyaha mowjadaha waalan wararka dhiilloon faaqida Mudane Xasanoos laguna qabtay studio-yaha warbaahintan ku yaal qaaradda Yurub gaar ahaan waddanka Switzerland waxaa lagu soo bandhigay siraha dhabta ah ee ku duugan barnaamijka reeraha qaar Maxagu ugu ola-olaynayaan xiligan waxa loo yaqaan One Man One Vote 2020 nin iyo codkii uuna gadaal ka soo riixayo Madaxwaynaha lagu khaldamay asalkaba in la doorto Madaxwayne qabiil Maxamed C/LLaahi Farmaajo oo ay dadka san badina u yaqaanaan Armaajo, kaasoo isla imikadanba soo sundaacay isla suntii adeerkii Afwayne kula dhaqmi jiray dadka dalka Soomaaliyeed xiligii uu kacaankiisii dhiigyacabka badani uu garwadeenku ka ahaa Jamhuuriyadda calankeedu buluuggu yahay shanta xidigna dhexdu kaga taal sumadda lagu barigarto caalamkani.


Farmaajaha horaantiina buuggiisi qalanjabinta jaamicaddiisu ku qoray hadal ah una dhigma qabiilka Hawiyuhu inuu dhiigyacabyahay yeey dugaageed xukun aan waxba ka ogayn, Idoorku bilaashyahay Raxawayntuna ama dadka Maayguna tiro 20% bis ah ka yihiin Soomaalida, ayuu wariyuhu tilmaamay in ay dowlladdiisu aan kala simin muwaaddiniinta Soomaaliyeed ayna siiba u darantahay dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaana mushtamaca Afka Maayga ku hadla. Wariye Xasanoos oo naqas badani uu ka soo baxayay dooddu intii ay socotay, waxaa uu tusaale u soo qaatay in todobaadyo kahor 6 walaalo wada socda hal goob lagu dilay kuwaaso dilkooda ilaa iyo haatan wax isla soo qaaday ama dabagal ku sameeyay aanay jirin run ahaantii indhaha ka xiratay dhegahana ka furaysatay xukaamadda firiqowday ee Maxamed C/LLaahi Farmaajo tahayna sababta la isaga inkiray dhacdadaasi ugubka ku ah gudaha dalka soo qaadqaadkeedi inay raggaasi la xasuuqay ay ka soo jeedaan dhulka webiyada, taasoona ku tusaysa caddaaladda halka ay ka taagan tahay tii Soomaaliya ahayd.
Wariye Xasanoos mar la waydiiyay su'aal ahayd sababta taliyaasha ciidamada dowlladda Federaalka ee afarta qabiilo kale ka madaxwaynuhu aan ka dhallan hal hal looga dhilayo xilalka, islamarkaana xigtada xaakimka uun awoodaha dalka loogu wareejinayo waxa ay tahay iyo waliba in ganacsigii iyo ganacsatadii dalka qaasatan kuwa gobolka Banaadir loo cunaqabataynayo cashuuro culculusna loo duldhigayo danta laga leeyahay, waxaa uu ku jawaabay in ganacsatada asbaabta amnigoodoon la sugin cashuurta adagi loogu soo rogay ay tahay si booska laga saaro dhaqaalaha waddankana reerka madaxwaynaha magaca dowlladnimo loogu gacangelsho oo ay Farmaajo iyo xertiisi qolo qolada mugdiga ku soo shirtay ay u arkaan in haddii beeshu awoodda ciidanka iyo ta dhaqaalaha qabsadaan ay waddankaba milkinayaan uguna dhaqlayn karayaan mar kale sidii 1980-meeyadii iyo si ka sii daran naftana ay dib ugu soo noqon kadho jabkii 1991-kii dabadii xiligii xudduudaha Kiiniya iyo Itoobiya looga dabatagi jiray dagaalkii ahligii iyo daqaradii lagu jiiday dawada dabaadigooda soo durdurkaya haatan.
Barnaamijkan xiisaha huwan xasaasigana badan intii ay dooddu socotay ayna daawanayeen martisharaf lagu casuumay kulanka, waxaa hadalada dhimbilaha tareesada ah ee suxufiga aan caadiga ahayn Xasanoos afkiisi ka soo baxayeen ereyada qaar laga dheehanayay in dowlaada faasuqadda ah farcooga ee Farmaajo ay bilowday sida waddamada qaar Afrikada xukunka adag in ay dhagaysato tilifoonada dadwaynaha xitaa sheekooyinka daahsoon ee lamaanaha arrintaaso khatar wayn ku ah sharafka iyo cisiga guud ahaan cirdiga shacbiga, waxaana dooddan laga faa'idaystay waxyaabo badanoon bulshada toosani samaha jecel badankeed aanayba la socon oo ay walaaqayso dowlladdooda dabaguraysa sida:- in kuwii gudahaba daayo warkooda xitaa qurbajoogtii xigtada madaxwaynaha oo dhirbaaxadii qabta 1991-kii siday uga soo qaxeen dalkii aan dib ugu laaban, balse haatan ay shanta qaaradood isaga kala imanayaan si toos ahina ugu qulqulayaan Villa Somalia iyado darajooyin sarsare islamarkiiba loo xirayo shaatigu u cad yahay caloolahana banaankaa ka xoqayaanooy tuumbadaad ogaydna ay iska dhuuqayaan dhaqaalihii dalka hantidi qaranka, taasoona mar kale ku tusaysa horumarka uu Madaxwayne Armaajo ka gaaray qabyaalladda qaawan calalna lagula soo gamban inaba.
Sida quburadu u kuurgaleen ninka dhaqanka xun Farmaajuhu inuu yahay tuug wayn aadna u yaqaan habka qalinka wax loogu dhaco ummaddana loogu masaajeeyo, isago dadwaynaha tusaya dibnacaddayn been ah uuskiisuna carunka iska falaqsanayo, waana tay fanaaniintii hobollada Waabari horaanba ugu heeseen "dibna caddaynta beenta ah qosol aan dawa lahayn dulucdii waa naqaanaa," waxaaba waxaaso dhami ka sii daran bulshadeeno ku siran dibnacaddayntaasi beenta ah ee uu farooci Farmaajo caddaalad ahaan ugu jilayo dadka oo ay runna moodaan gacantaaggiisi khayaanada badan kamaradaha lagu qabqabanayo si loogu marin habaabiyo shucuubta qalbiga saafiga leh daallano u bisil dowlladnimada ay ku dheehantahay caddaalad baraxtiran maamul u horseeda nidaam iyo kaladambayn waaro ku ilaabaan dhibaatooyinkii tirada badnaa kalana gaabiyay shicibka sababayna inay dacallada adduunku ku noqdaan qaxoontiyo aan sharaf badani ku lahayn gacan-hoorsi aan dhamaad lahayna badayba kaana yahay irbad duriinxanuunkaaga uun u taagan qodax biyo ku dhex jirta oo hadday caddaaladi ka soo dhowdahay masuuliyinta dowlladdaasi yahay ka ugu dhow Xasan Kheyre ood xaqiiqdii mooddid xaaqitaanka dhulkuu xaaqayo ku booraysan yahay shaarkiisu ka dhabtahay uuna u aaminsanyahay inuu waxa uu qabanayo xaaqidda baladkiisa uu nadiifsanayo.   
Su'aalihii taxnaa tabtii silsiladaha Warbaahinta Koonfureed ay miiska soo tuuraysay jawaabaha qaar waxaa laga dheehanayay in dowlladda Shariif Xasanu tahay mid fadhiido aan shacabkeeda u damqan isagiina afka loogu riday calaf aamusiya cabbaar, Proff Juuniga diraca loo gelshay uu yahay mid gabi ahaan waxba ku turnayn maqana-jooge dhalada ka adag tahay islamarkaana xildhibaanada iyo wasiirada matala bulshawayntan aamuska lagu maharsaday ee aadka u dulman ay yihiin kuwo habeenkii dhaqladhafra maalintiina waqtiga wax la kala boobayo ayba iska hurdaanooy quuriyaan falkeedi ninkii maqan siciisi dibiyuu dhalay, waxaana caqligu sinaba u qaadan karin damiirku diidayaa dadnimada ka leexsan tahay in wiil facaaga ood wax wada leedihiin indhahaago shanta ah kuwii adiga ku matalayay habarnaaslayaashu cadkaagi intay kaaga qaadi waayaan lagu fanaano dibna laguugu xukumo sida xilalka nacfiga lihi safiirada safaaradaha caalamkiyo meelaha ciidamada laga maamuliyo ilaha nafaqada badan in badan indhaha ka daahsoon yihiin sida:- saxiixayaasha qandaraasyada muggalehe shirikadaha waawayn gudaha iyo dibedba ee waddanka inahaasi kolka la soo hadal qaado bar ahaanba bidhaantiisi aadan ku arkayn boosaska muwaaddin u dhashay Southern State qaranka aan qaranka lagu khaldin balse umaradiisu ay fashilinayaan wahan walaahoow iyo waxaan waxba ku fadhin ku mishquulsan meelahana la fadhiya dhaqaalaha dalkoodi iyo dhaxalkoodi dhuleedna ayba dhaafsanayaan dhadhamiyo dhabarkuxoogaysi dhaadaanka u qaata inay dayoobaan daraya noqdaan dadkeenu runtiina ay dhaqandoorsoomaan duul la sheegi jirayna noqdaan wax taariikhda raad badanba ku lahayn dunidan guudkeega.
Ugudambayntii doodwadaaggan dhamacda ahaa faraha looga gubtay run Illaah lagu sheegay aan waxba loogu qarin madax la moodyada labada dhanba uuna kow ka yahay maamulka guracan ee foodda shaydaan Farmaajo Afwaynaha Labaad Soomaaliyada maanta ay soo agaasintay saxaafadda aadka ugu hiilisa gardaradana u diidda shacabkeeda Koonfureed, waxaa ay uga digtay mar koobaad iyo mar labaad iyo mar sadaxaadba in halisaha Armaajo iyo beeshiisu ay u soo karkarinayaan guud ahaan Soomaalida inteeda kale ay si adag ugu hortagaan shanfarood iy calaacal gaar ahaan barnaamijka mariidka wata loogu qamuuray ummaddeena geeska Afrika kaasoo la magac baxay One Man One Vote oo ay soo afuufayaan cudaradiisi faafa duulka aynu soo tilmaanay kuna xusan warbixinteena kore ood ka soo bogateen intaad maquuranayseen muqararka halbeegga iyo dhambaalada dhiillaysan sida digtoonaanshiyaha leh ugu eedaamaya inta ay qusayso oo ay ku dhex rafanayaan misna ku dul dhooban yihiin dhuudhiga dhiqlaha iyo dhargalgalka ee uu u soo waarido C/LLaahi Farmaajo waxaan ahayn inta uu tolaysto badh Maxagi Maayow Maayga Wayn

Se wax la yiri good iyo abees waa isku geed waase kala gu' wayn yihiin, qaad qaad qofkii lagu yaqaanna qalinka looma dhiibto, ninkii feera buuraan jirayna faadumaa u diidday laakiin !!


 
By: Ustad Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip