BARNAAMIJKA NBB EE TAAKULEYNTA AF-YAAL HASSAN HUBUROW!!!

0
20 September, 2017 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARNAAMIJKA NBB EE TAAKULEYNTA AF-YAAL HASSAN HUBUROW!!!

    Falanqeyn iyo wada tashi dheer ka dib maamulka NBB wuxuu isla gartay qaabka ugu macquulsan ee wax looga qaban karo xanuunka walaalkeen Af-Yaal Hassan Huburow waana sidatan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falanqeyn iyo wada tashi dheer ka dib maamulka NBB wuxuu isla gartay qaabka ugu macquulsan ee wax looga qaban karo xanuunka walaalkeen Af-Yaal Hassan Huburow waana sidatan:

Waa sidee xannuunka haya Hassan Huburow?

Hassan waxaa uu mudda la xanuunsanaa cudurka kaadi macaanta (Diabetes), laakiin wuxuu ahaa nin iska ordo oo nolol maalmeedkiisa soo dhacsado.

Muddo dhowr bilood ka hor waxaa soo dhul dhigay xannuun xagga dhabarka ah ( Lumbar radiculopathy- Sciatica) oo u diiday socod iyo hurdo.

Sidee wax looga qaban karaa?


Waxaan isla garanay in xaaladiisa caafimaad aan dalka wax looga qaban karin. 

Waxaan ku talinay (baaritaan dheer ka dib) in Af-Yaal Hassan Huburow loo qaado dalka India si loogu soo daaweeyo.

Maxaa loo baahan yahay?

Hassan wuxuu u baahan yahay in Passport loo sameeyo. Warqad ka warbixineyso xannuunkiisa in la helo si loogu soo dalbo Visaha dal ku galka ee India.

Arrinta Visaha waxaa naga caawin doono oo balanqaaday walaalkeen Hassan oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee India. Wuxuu kaloo noo balan qaaday meeshii uu seexan lahaa iyo diyaarinta balamada isbitaalka, ka caawinta xagga luqadda iwm

Waxaan u xilsaarnay walaalkeen Abdallah Sharif Ahmed, qabashada lacagaha deeqda ee loogu talogalay taakulaynta Abwaanka, passport u sameynta, jaridda tikidhka iyo soo ambabixinta Abwaan Hassan Huburow.

Waxaa hadda deg-deg loogu baahan yahay $8000 (siddeed kun oo dollar). Sidaa darteed anigoo ku hadlaya codka Af-Yaal Hassan Nur Mohamed (Huburow) idinka ka codsanayaa in aan loo kala harin taakuleynta walaalkeen (Oggaada adduun unbaa walaal lagu yahay).

Waxaan rabnaa inaan barnaamijkaas kor ku xusan ku soo gaba gabeyno muddo Afar toddobaad ah oo maanta ka bilaabato kuna eg 19/10/2017.

FADLAN KU HAGAAJI DEEQDIINA
ABDALLAH SHARIF AHMED: +252 612080808

Waa walaalkiin
Dr Aweys Abdi Omar
Aasaasaha ahna Madaxa Naadiga NBB
Perth, Australia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip