MADAXWEYNE SAKIIN WAXAA PLANE B U AH ISKU DIRKA BEELAHA MIRIFLE?

0
17 October, 2017 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SAKIIN WAXAA PLANE B U AH ISKU DIRKA BEELAHA MIRIFLE?

    Kadib markuu kasoo laabtey shirkii Qarandumiska ahaa ee Magaalada Kismaanyo ay ku qabsadeen hogaamiye kooxeedyada cusub Land – Landa Magacyadooda ku quruxsada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markuu kasoo laabtey shirkii Qarandumiska ahaa ee Magaalada Kismaanyo ay ku qabsadeen hogaamiye kooxeedyada cusub Land – Landa Magacyadooda ku quruxsada,

Ayaa Madaxweynaha M/mulkiisa gabaabsiga ah waa Fidnawade Sakiine markuu Baydhabo yimid wuxuu kala kulmay 45kii xildhibaan ee Baydhabo ku sugnayd kana tirsanaa Barlamanka K/Galbeed Somalia markuu qado ku maldahan siyaasadiisa fashilka u badan inuu ka gaddo xildhibandii xaathirka ku ahayd Baydhabo isku dayay waxaa uu kala kulmay wax uusan abid ilaabi doonin, taasi oo ah

Ugu horeynba 45kii xildhibaan waxaa ka yimid 13 xildhibaan oo lix kuwii uu isaga adeeci jirey ah todobada kalena waxaa ay weydiisteen lacagtii mashaharada ahayd ee 10ka bilood uu bilba bilk u dhax xadi jirey .


Hadaba waxaa uu ku jawaabey murtidiisa rajo gelinta adneyd ee aan waxba ka bilaabneyn wuxuuna yiri lacagahaasi iyo kuwo ka badan ayaanba idin hayaa ee Muqdisho kuwa kasoo socda waa inaynu iska dhicinaa haddaan anigu dhaco idinkuna igama danbeyn doontaan oo waad ila dhacaysaan midaas ayaan idinku wacay.

Waxaa hadalkii ku laabta xildhibaan kale oo yiri waxaan kaa baranay waxba kama bedelna hadalkaagi waxaa uu cod dheer ku yiri waa inaad 10ka bilood ee Mushaharada ah ee adigu iska haysato marka hore bixisaa kuwa muqdisho ka imanayana haddii aadan la dabaaqtami Karin iska baneey booska qofkii ehel u ah ha iska fariistee.

 

Hadaba Madaxweyne Sakiin oo lagu yaqaano nimaan caradiisa iyo niyajabkiisaba qarsan Karin wuxuu si kulul u yiri ogaada oohin badan ka dib ayaan Baydhabo ka tagayaaye.

Markii warbixintaasi xildhibaanada ka helney waxaanu diirada saarney waxaa is bedel ah ee uu la imankaro amaba umada ku dhibaateyn karro .

Hadaba maalintaasi uu shirka hadalkaasi yaqyaqsiga leh uu yiri waxaa isla maalintaasi Degmada Berdaale xilka ka qaaday mamulihii Maaliyada ee Berdaale wuxuuna ku bedeley qabiil kale si meeshu u noqoto mid foodo ah oo labada beelood isagu dhacaan.

Sidoo kale waxaa uu labo gaari oo (cabdi-bille) ah kala siiyey laba beelood moriyaantooda si ay u abuuraan jawi qalafsan oo uu cimri dheeri xukunkiisu ku helayo waa haday Mirifle kayeelaan.

Waxaa kaloo wararka ismiidaaminta sakiin uu bilaabey ka mid ah oo cadeymo badana weli aanan helin laakiin dadweynuhu isla dhexmarayaan inuu hub fara badan uu magaalada kusoo fasaxey una badan dadka wata kuwo wax magarato ah dowladuba sakiin ay ka maqleen .

Ugu danbeyn haddii sakiin uu maciin bidey inuu Reer K/Galbeed oo uu horey gaajo ugu baa`bashey hadana markay rajo xumo soo wajahdeyna uu u dabagaab u gashanayo daadinta dhiiga Mirifle waxaa nasiib darro ah hadaaney Waxgarad,Culuma`udiin Malaaqyo, Haweenka,Dhalinyarada iyo Aradadaba aanay u kicin dadkooduna fidnawadaha ka hor istaagin Ilaahay ma yiraahdee Fidnada Albaabkeeda ayaa furmi doonta .

Isku soo wada duub nimay ka joogto (GAALANG FIINJIYEEY AY WAL INKY DHIMINGII) ayuu arinka sakiin marayaa HURDAAYOW TOOS

Dulmi-diid



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip