Nabdoon Ergada ka mid ahaay, oo xalay lagu dilay Muqdisho?

0
13 November, 2017 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabdoon Ergada ka mid ahaay, oo xalay lagu dilay Muqdisho?

    Kooxo hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay waxa ay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa oo ka tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ee xildhibaanada ku soo doortay magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay waxa ay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa oo ka tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ee xildhibaanada ku soo doortay magaalada Jowhar.


Kooxda dilka geysatay ayaa Nabadoonka waxa ay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Xasan Jaciir ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoonka xalay lagu dilay Suuqa Bakaaraha, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, oo qaarkood la hadlay warbaahinta gudaha.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii looga daba tegi lahaa raggii dilka geystay waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, inkastoo ilaa hadda aanan la sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen masuuliyadda dilkan, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in Oday Jaciir maalmihii dambe uu ku howlanaa diyaarinta rag ilaalo u noqda Haweenay xildhibaanad ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay sii kordhinayaan beegsiga ay ku hayaan Odayaashii ka qayb galay Doorashooyinkii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada dalka Soomaaliya ka dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip