WAR DEG DEG AH: Qarax ka dhacay bar kontorool oo ku taala Magaalaada Muqdisho?

0
13 November, 2017 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH: Qarax ka dhacay bar kontorool oo ku taala Magaalaada Muqdisho?

    Wararka ka imaanaya degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Saake Salaadii Subax kadib uu qarax ka dhacay Bar kontorool oo ku taala Xaafadda Geel qalka ee Degmada Dharkiinley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Saake Salaadii Subax kadib uu qarax ka dhacay Bar kontorool oo ku taala Xaafadda Geel qalka ee Degmada Dharkiinley.


Qaraxa ayee wararka qaar sheegayaan in uu ahaa Miino lagu aasay Meel aanan sidaa ugu fogeyn Goob gawaarida Ciidamada Dowladda ay ku baaraan oo ku taalla Xaafadaasi.

Ilo wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay in hal qof oo la sheegay oo Haweeney ah uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo goobta ku baaraye Gawaarida ayaa durba bilaabay Howlgalo ay ku baarayaan dadka ay ku tuhmayaan qaraxaasi.

Illo wareedyado ma Sheegin waxyeelo kasoo gaartay Ciidamada Dowladda, Waa markii labaad uu qarax sidaan oo kale uu ka dhaco Barta Kontoroolka ah ee Ciidamada Dowladda ku baaraan Gawaarida.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip