Xog-warran: Waa nin ceynkee ah wasiirka difaaca cusub ee Somalia?

0
29 November, 2017 in by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-warran: Waa nin ceynkee ah wasiirka difaaca cusub ee Somalia?

    Ra'isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa bishan November 26-keeda waxaa uu wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka ah u magacaabay Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa bishan November 26-keeda waxaa uu wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka ah u magacaabay Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay magaalada Baydhabo 1957-dii, isla magaaladaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisa illaa dugsi sare isaga oo ka baxay dugsiga Sheekh Aweys, Baydhabo qeybta adabka.

2014: Jaamacadda Culuum iyo Tecknolojiyada ee Sanca, Yemen waxaa uu ka dhameeyay cilmiga Arrimaha bulshada .

Hadda waxaa culuumta Xiriirka caalamiga iyo dilbloosiyada ka dhigtaa Jaamacad ku taalo dalka Uganda.

 

Shaqooyin:

1993-95: Guddoomiye ku xigeen magaalada Baydhabo.

2000 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku howlanaa arrimaha banii’aadnimada, waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa isaga oo aasaasay Wabiyow Community development association: Alqamar Tecknology Center ayuu halkaasi ka hirgeliyay oo markii ugu horeysana Technology-geliyay dadka reer Baydhabana baray, ku sameeyay dayactir biyo mareen-ka iyo tubooyinka Baydhabo 2001kii, Masaajidyada uu biyo geliyay iyo arrimo kale.

 

2009: Xildhibaan ayuu ka noqday dowladdii TFG isaga oo isla sanadkaas xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka noqday Wasiir hantida qaranka.

2012: Waxaa loo magacaabay Safiirka Turkiga, isaga oo wax badan ka qabtay dhismaha iyo qaabeynta safaaradda muddo 3 sano ayuu jagadaasi hayey.

2015: Mar kale, Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa loo magacaabay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha

 

2016: Waxaa Baydhabo loogu doortay in uu ka mid noqdo Xildhibaannada golaha shacabaka

November 26, 2017: Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay wasiirka gashaandhigga.

Isha Goobjoog





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip