PROFF C/LLAAH IBRAAHIN AMAANDHOOREY OO SHID IYO MIDBA SAARAY DILKII WASIIR MARXUUM CABBAAS SIRAAJI IYO WAXA LOOGU YEERO MADAXWEYNE FARMAAJO !!

0
04 December, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 2323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    PROFF C/LLAAH IBRAAHIN AMAANDHOOREY OO SHID IYO MIDBA SAARAY DILKII WASIIR MARXUUM CABBAAS SIRAAJI IYO WAXA LOOGU YEERO MADAXWEYNE FARMAAJO !!

    Todobaadkan maray midigta u taagtay maykaroofan wadata warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya aabbaha kaydka suugaanta Soomaaliyeed Proff C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey isago ku sugan Studio-yaha wareega Southern Media bartamaha qaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkan maray midigta u taagtay maykaroofan wadata warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya aabbaha kaydka suugaanta Soomaaliyeed Proff C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey isago ku sugan Studio-yaha wareega Southern Media bartamaha qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Switzerland, wuxuu carrab aan laalnayn naafadu ka fogtahay ku sharaxay dilkii wasiir marxuum Cabbaas siraaji oo ka tirsanaa dowlladda federaalka dalka Soomaaliya, kaaso matalayay xibin ahaan jagaduu hayay bulshawaynta ku abtirsata dhulwaynaha Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern great nation's state.

Proff Amaandhoorey mar la waydiiyay su'aal ahayd, sababta askarigii kaska cad u dilay marxuum Siraaji oo tiro 2 jeer ay maxkamadda ciidanka qalabka sida xukuntay, islamarkaana eheladii qabiil qaraabo iyo qarankiisuba ay diideen mag, dalbadeena qisaas dhamaantooda ee uu u haysto warqadda una saxiixi la'yahay madaxweynaha dalku Farmaajo, si sharciga loogu fulsho gacankudhiiglihii tiirkana loo soo taago, iyado la marsiinayo jidkii uu maray wasiir Cabbaas, waxaa u ku jawaabay barafasoorku, in taasi laga arkay dadnima xumada iyo iskuduubni la'aanta dadyowga webiyada dega siyaasiyintooda, kuwaaso buu tilmaamay inay ka gaabiyeen shartii looga baahnaa inay la yimaadaan si warkoodu uu u shaqeeyo una helaan xaqoodu shareecadu xitaa u ogoshahay ka wadciga daayo,


Isagoo sii hadlayay siyaasigu waxaa uu daboolka ka fayday, in madaxweyne Maxamed C/LLaahi Farmaajaha dadkeenu caddaaladda ay ka sugayaan uuba yahay midkii magta laga doonayay aawada sanadihii 1990-maadkii abaartii gacankusamayska ku dhowaan halka malyan Reer Koonfur ahi bilooyin gudahooda layntooda sababta u ahaa, kadib kolkii ay isaga iyo beeshiisu hubkii iyo awooddii Jahmhuuriyaddii Soomaaliya ugu itaalka sheegteenooy hanti nool iyo mood bukaarihii intay dhaceen kuna xasuuqeen ummaddan kulaasha dhul webiyoodka geeska Afrika.
Dr Amaandhoorey iyado qarshadiisu ay u jaban tahay, waxaa uu carrabka ku adkeeyay, in Maxamed C/LLaahi Farmaajo yahay ruuxii qoray goortuu jaamicadda ka soo qalinjabinayay dadka Maayga ee uu ula jeeday beelweynta Koonfurta iska leh degta inay yihiin 'wax uun iska 20% tira ahaan dadweynaha Soomaalida,' gefkaaso mid u dhigma, ama, u dhow aan wali baalka taariikhda ruux masuul Soomaaliyeed sheeganaya abid lagu xardhin, nuxnuxduse hoose afka xanta dumarka loo daayo yeelkeede.
Guntii iyo gunaanadkii, wareysigan ee uu qaadayay mid ka mid ah teamka Southern Media wariyaha jugta culus suxufiga lugeeya Ustad Adam Increase, kamaradaha Studio-yahana si hawlkarnimo leh uu u kala hagayay suxufiga lugta furan wariye sare Xasanoos oo runtii waxyaaba badan iftiiminayay sida:- socdaalkii Shiikh sharaf Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ee Xudur iyo Baydhabo, horumarada lagu diimi karayo ee ay warbaahinta xoogga badan Koonfurtu iyo waiyaasheedu ay sameeyeen iyo caydii ninka iswaala dabasaliidka ah canaasiirta loogu yeero Dabacasar ee uu u geystay Afka hodanka ah Maayga Soomaaliyeed, waxaad kaga bogan doontaan si nadiif ah muuqaalka hoose idam Alle fardowsa !!

Murbaay intuu caana ka qaado muslim ninkii u geysta dhib maalinay ahaataba waa musiibo kugu maqan, walow naag aan dhinaceeda la seexan salaaddeeda aan qushuuc lahayn amar Alle laakiin !!

By: Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip