Turkiga oo ku dhawaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo arrinta Quddus?

0
07 December, 2017 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo ku dhawaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo arrinta Quddus?

    Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 13ka Bishan Dcember uu dalkiisa marti gelinayo shir weyne Caalami ah oo Waddamada Dunida Muslmka ay ka qeybgelayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 13ka Bishan Dcember uu dalkiisa marti gelinayo shir weyne Caalami ah oo Waddamada Dunida Muslmka ay ka qeybgelayaan.


Shirkan ayuu sheegay in looga hadlayo go’aanka Mareykanka ee Magaalada Quddus oo uu Trump shaaciyay in uu u aqoonsanayo caasimadda Israel.

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Kalin ayaa Maagalada Ankara maanta ka sheegay in Shirkaas lagu mideynayo mowqifka Waddamada Muslimiinta ah si ay uga hortagaan go’aanka Trump laga filayo.

Madaxweyne Erdigan ayaa horay u sii sheegay in haddii Mareykanka Magaalada Barakeysan ee Quddus u aqoonsado caasimadda Israel uu xiriirka u jarayo Israel laftirkeeda.

Inta badan Caalamka ayaa Mareykanka uga digay in uu ku fududaado go’aanka Safaaraddiisa Israel uu ku geynayo Quddus caasimadda Israelna ugu aqoonsanayo magaalada Barakeysan.

dhanka kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ay Qudus tahay Caasimadda Maamulka Isra'il.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip