WARIYE SARE ABOWASHAROW"SHARIIF XASANOOW SIDII CALI CABDALLA SAALAX OO KALE AMA QADAAFI INTAAN MADAXAAGA LA BAJIN WAQTIGAAGAN KOLKUU DHAMAADO XILKA ISKA TIRI FADLAN LAAKIIN." !!

0
25 December, 2017 in by Adam Increase
  • Visits: 2335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    WARIYE SARE ABOWASHAROW"SHARIIF XASANOOW SIDII CALI CABDALLA SAALAX OO KALE AMA QADAAFI INTAAN MADAXAAGA LA BAJIN WAQTIGAAGAN KOLKUU DHAMAADO XILKA ISKA TIRI FADLAN LAAKIIN." !!

    Wariye Fahad Maxamed Abuukar Abowasharow oo ka mid ah xirfadlayaasha warmaalka saxaafadda Geeska Afrika kacaanka ah, isagoo uu kaalintiisi ka qaadanayay barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya ooy warbaahinka ku bohowday Koonfurt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Fahad Maxamed Abuukar Abowasharow oo ka mid ah xirfadlayaasha warmaalka saxaafadda Geeska Afrika kacaanka ah, isagoo uu kaalintiisi ka qaadanayay barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya ooy warbaahinka ku bohowday Koonfurta Soomaaliya studio-yaheeda qaaradda Yurub uu soo agaasimay, waxaa uu baalasha kaga rifay waxa loogu yeero madaxweynaha Dowlladda Koonfureed Shariif Xasan Shiikh Aadan magacaan badano kalo loo qariyana loogu yeero, oo isagu sideeda ahaanba ku sifoobay kalitaliyaha ugu macangagsan Soomaaliyada madow, kaasoona kaamishay dhamaan calaamadihii looga baahnaa sifat- munaafiq qarnal Fircawnul Ifriiqiya, sida ay qabaan inta badan shucuubta degta iskana leh dhulka webiyada dal iyo debedba.

 

Isagoo sii baribambixinayay shirqoolada iyo shuqulada xun xun Shariif Xasan Aadan Isaaq uu wali la damacsan yahay dadkan iyo deegaanadooda, wuxuu wariyuhu ku nuuxnuuxsaday oo uu yiri "Shariif Xasanoow waxaad fashay waa aad fashay, ummaddii markan marfishyaad u furaysaa qaadkiibaana xitaa soodajintiisi Baydhabo dib uga soo bilowday adigo madaxweyne dhan sheeganaya wax ku deeqaa yar, fadlan intay goori goor tahay xaajadu dhowdahay aan xeero iyo fandhaal kala dhicin, sidii Cali Cabdalla Saalix iyo Qadaafi intaan madaxaagan la bajin waqtiga yarka ee kuu dhiman kolkaad dhamaysato aayar xilka isaga tiri oo kursiga isaga deg hana isku dayin inaad isku adkayso kursiga, ama aad ku hamiso inaad waqti-kororsi aad samaysid, haatan waa talo aad u fiican aan ku siinaynaa, haddaad taa diiddido yeeli waydidna koley Reer Koonfurkii aad caburisay hadday kugu soo jeestaan karaamadaro ayaad kaga tagi doontaa meesha aad imika joogtid iyadoon barya ahayn, waxaad samaysay waad is ogtahay, taariikh aan waligeed Baydhabo ka dhicin xitaa xiligii RRA-da Tuhun iyo Tooroboorow adiga ayaa ka shaqeeyay inay bulshadan isdhamaysana habeen iyo maalin ka shaqeynaya, magaalada Baydhaboon ognahay baad u kala qaybisay 8 iyo 9 qarmuunkii laga tagey qabyaaladda ahayd iyado danta aad ka leedahay ay tahay inay dadka walaalaha ah cadaawuhu ku hareereysan yahay eber iska dhigaan."


Barnaamijkan aadka u kululaa ee uu xiriirinayay wariye sare Xasan Gudane, waxaa lagaga faallooday arrinta warbaahinta sida idaacadda maqalka iyo muuqaalka KGSTV oo cidda dhab ahaan iska leh iyo ruuxu u adeego in badan mugdi dheer ku jiray iyo xuquuqaha saami ahaan dadyowga Koonfureed kaga maqan yihiin shaxdii Soomaalidu ku heshiisay ee dowlladda Federaalka Soomaaliya lagu wada yabyabtay sida:-agaasimayaasha, safiirada, saraakiisha ciidanka iyo maamulayaasha meelaha dhaqaalaha nacfiga leh banaan iyo gudaba, kuwaaso idilkood muran xooggan uu ka taagan yahay suuragalnimada ah macnaha xubnahaasi bal inay xoog kaga maqan yihiin iyo inuu milaal iyo dillaal maaqaarsaar magac walaal kaga maqan yihiin ummaddan dhulka webiga kulaasha misna.
Doodda oo isna gacan ka geysanayay waajibkiisi oranayayna waxa kaga aaddan suxufiga lugeeya Ustad Adam Increase geestiisi waxaa uu u dhaandhay qandaraasle Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Proff Juuni Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo waliba siyaasiyinta bootaarinaya balku ka qalalay buunshada loogu daadinayo magaalada Muqdisha, kuwaaso cawa iyo maalin bil iyo mugdi sanad iyo qarniyo ku horgudban horumarka iyo habsami u socodka dhaqandhaqan dhaqaale ooy siyaasad xasiloon ku gaari lahaayeen bal waxay ku iloobaan taalooyiinkii dhibta ku godobta ahaa agmariyana asaaggooga ku wiirsan jirayo dib u daymoodaan, macluumaadkaasoodna kaga dhargi doontid muuqaalka hoos ku gimgiman baarootinaya xaqiiqda iyo axwaashu tahay ta danta guud ee taabanaysa qof kasta wadnihiisu tabanayaan xanuunada isquursiga eexdiyo qaraabakiilnimada raddadiilada ragaadshay bulshadan baaxaddaweyn leh dalladdiiba seegay duulkan dabka iyo naartaba doonay kuraastana kuu dangiiga ay daaxurinayaan diblomaasiyaddoodi duulin lahayd danahoodu guud darbi adagna kaga xiri lahayd dabaylaha dhacaaya iyo duufaanada xoogga badan sanooyin u dawaqisay si aan raxmadi ku jirin.

Shariifoowse, geelow waxaad daaqdaba waligaa daaq, balse waxaa adna laguu yaabaa maalintaad cayn daaqdo Shariifow laakiin !!

By. Ustad Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip