Weriye Dhibane Unoqday Al-Shabaab Oo Wasaarada Warfaafinta Laga Eryay

0
29 December, 2017 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Dhibane Unoqday Al-Shabaab Oo Wasaarada Warfaafinta Laga Eryay

    Wariye Maxamed Shariifka Fanax oo laga ruqseeyay Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in musuqmaasuq uu hareeyay Wasaarada sidoo kalana ay ka jirto nin jecleysi asigoona fariin u diray madaxda Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Maxamed Shariifka Fanax oo laga ruqseeyay Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in musuqmaasuq uu hareeyay Wasaarada sidoo kalana ay ka jirto nin jecleysi asigoona fariin u diray madaxda Qaranka.

Halkaan Hoose Ka Aqri

‘’Dhamaan asxaabta waan idin salaamay ,fariin aan mudo la aamusnaa ayaan wadaa waxayna Ku socotaa , madaxweyne farmaajo, ra.iisal wasaare qeyre, gudoomiyayaasha labada aqal baarlamaanka soomaaliya xildhibaanada iyo senatarada sharciga ilaaliya iyo hay,adaha ilaaliya xuquuqul insaanka ,

Mudo bill ah waxaa so sharci daro ah layga joojiyay shaqadii aan ka hayay warbaahinta qaranka waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah wasaarada warfaafinta gudaheeda lagu daadiyay laba warqad oo lagu dhaliilayay agaasimaha tvga iyo madaxa barnaamijyada tvga waxaana jiray is maandhaaf u dhaxeeyay qaar ka mid ah madax qeybaydyada radio muqdisho iyo tvga dowlada nux nux ayaa socotay iyo dacwado agaasimayaasha loo gudbinayay subax aniga oo ka soo baxay xafiis subax walba ay shaqaalaha Ku shiraan ayaan arkay warqadahaas dhulka kama qaadin wiil ayaa I dhahay maxaa fiirinaysaa warqadahaan ayaan hada arkay markaan shirka galayay halkan warqad ma oolin wuu arkay gabadh goobta socotay ayaa maxaa waaye dhahday iyana way aragtay waana ka kala dhaqaaqnay ka dib habeenkii ayaan arkay c,naasir sabriye madaxa barnaamijyada oo taliyaha boliska raadinaya ma arkin ayaan dhahay olo olo ayuu bilaabay oo aniga uu rabo inuu dusha IGA saaro subaxii danbe shaqaan aadan duhurkii ayaa waxaa waxaa LA iiga yeeray xafiis ay fadhiyaan agaasimayaal arinta warqadaha baaraya shaqaalaha qaar ayaa mid mid loo wareystay anigana waan ka mid ahaa waxaa lay dhahay shariif warqadahan waan ognahay shaqo kuma lihid ee waxaad sheegtaa cida dhigtay waxaan dhahay aniga ma arkin cid dhigtay dadna ma nabi karo ka dib wasiir yariisoow ayaa loo gidbiyay xog uruurintii waxa uu amar Ku bixiyay in aniga oo ah maxamed shariif ruqso lay qoro markiiba waa lay qoray waxaan jiifan jiray wasaarada mudo laba sano ah arintayda ayaa waxaa ogaaday xildhibaano ay dhalxa iyo maama canab x.cilmi ka mid yihiin ,sanataro ay MUna cumar xasan ka mid tahay iyo gidoomiyaha golaha aqalka sare cabdi xaashi oo aan ahaa wariyaha aqalka sare Ku qoran , odayaal dhaqameed iyo saxaafiyiin dhamaantood waxay LA hadleen wasiir yariisoow wuuna Ku gacan seyray anigoo danbi laygu hayn ,

waxaa jirtay in 2012 kii ay I dhaawaceen shabaab anigoo xirfadayda saxaafadnimo wata oo dowladayda kor u qaadaya intaas ayay igu beegsadeen xabadii ugu horaysay markii ay igu dhufteen iyagoo la ba ahaa ayaan mid bastoolada LA qabsaday kii kalana cilad ay ka gashay anigana aan ka cararay labada qaliin caloosha muqdisho iyo Nairobi ayaan galay waxaan xaqayga waydiistay qolo aan LA shaqaynayay oo IST dhaho oo iri hadaad I siin weysaan xaqayga maxkamad ayaan tagayaa waxaan maqlay in qoladii IST aan iskala shaqayn jirnay wasir yariisoow ay u soo dacwoodeen , sidoo kale xildhibaano iyo senataro ayaa wasaarda tagay shaqaalaha wareystay waxay Helen in xaqdaro laygu hayso iyo cod laga duubay madaxa barnaamijyada rv oo howsha aabe u ahaa oo telefoon qof kula hadlaya oo leh walaal waxaan kaa codsanayaa shariif Ku marqaati kac falka inuu galay iyo qofkii oo leh Aniga dulmi ma samayn karo marka madaxweyne madaxweynihii shacabka Ku farxeen ayaad tahay taasi ma dowladnimaa ra.iisal wasaare qeyre dadkii aad xukuntay shaqaalaha inay saas ULA dhaqmaan ma saxbaa waxaan ka xumahay ma jirto meel fariimaha la idin soo marsiiyo xataa lataliyaasha madaxweynaha qaarkood iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada arintayda way LA socdaan Aniga shariif ah wax mishaar ah ma qaato caruur ayaan Lee yahay guri ijaar iyo wax LA cunaa layga rabaa caruur ayaa wax ii barta ma in gacan laysiiyaa mise dhibaato ayaan mudanahay madaxweyne ,ra,iisal wasaare waxaad neceb tihiin musuq maamusuqa wasiir yariisoow awoodiina dowladnimo ayuu banaanka iiga saaray wasaarada oo shabaabkii horay ii dhaawacay ayuu ii diray xaafadayda dhowr qof ayaa lagu dilay ma tago hada habeenba meel ayaan seexdaa waana dhib we arintayda wax ka qabta waxay dowlada dhahdaa shabaab dowlada ha soo raaco ,kuwa dowlada diidan ha soo raacaan wasiir yariisoowna kuwii dowlada darteed loo dhaawacay ayuu ceyriyaa wasaarada warfaafinta waa hanuuninta iyo wacyi galinta shacabka madaxdaydaay ogaada shaqadaas kama socoto waa goob uu ka jiro musuq maasuq nin jeclaysi lamana jecla qofka leh qibrada saxaafinimo oo weerar ayaa lagu qaadayaa wasiiradii hore dhuxuloow iyo maareeye waad u mahadcelinayaa waxay ahaayeen kuwa saxaafada dowlada iyo kuwa madaxa banaan LA shaqeeya dhuxuloow dadaalkayga markuu arkay ayuu tababar iigu diray ithopia maareeye gacan ayuu I siiyay markii aan bilaabayay shaqada wasaarada laakiin wasiir yariisoow waxa uu qaatay go.aan ah in shaqada uu IGA joojiyo ,shabaab I dilaan , golaha aqalka sare oo aan LA shaqayn jiray in uu rabo inuu dad Ku qorto ,, balse madaxweyne ra.iisal wasaare qaladkan anigoo muwadin sooaaliyeed ah laygula kacay wax ka qabta ama kuwa idinka hooseeya dadka haku tuntaan waxaana na deeqda dowladnimada qabiil waan soo aragnay qof qof wax ka qaadi karta ma jirto

Walaalayaal dhamaantiin waxaan idin Lee yahay xaqa ha shaqeeyo’’






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip