Ciidanka Kenya oo wejiga soo duubtay kuna dilay Ceel waaq Sarkaal Sare oo katirsan Ciidanka Somalia?

0
12 January, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kenya oo wejiga soo duubtay kuna dilay Ceel waaq Sarkaal Sare oo katirsan Ciidanka Somalia?

    Dagaal xoogan ayaa Saaka ku dhexmaray Gobolka Gedo Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Kenya kadib markii ay iska shakiyeen labada Ciidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal xoogan ayaa Saaka ku dhexmaray Gobolka Gedo Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Kenya kadib markii ay iska shakiyeen labada Ciidan.

Ciidan ka tirsan Dowladda Kenya gaar ahaan kuwa loo Yaqaano RDU ayaa Ka soo tilaabay Xadka dhinaca Ceelwaaq waxeyna gudaha usoo galeen Magaalada iyadoo aaney jirin wax war ah oo ay iska soo hormariyeen marka ay Magaalada soo galiyeen sida horayba looga bartay.

Ciidamada Kenyan oo dhowr gaari dagaal watay ayaa Wajiyada soo duubtay, waxaana gawaaridooda ka babanayay Calanka Madow ee Al-Shabaab lagu yaqiinay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Ceelwaaq.

Ciidamada Dowladda ayaa muujiay shaki ku aadan in Ciidankan yihiin Al-Shabaab, waxeyna uyeerteen askarta kale oo xiligaa guryohooda ku maqnaa iyagoo soo buux dhaafiyay halka laga boxo Magaalada si ay isaga caabiyeen Ciidankan hadey yihiin Shabaab.

Kenyan oo iyaga dhankooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda ugalaan Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wada ufadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka dagaalka ku dhintay waxaa kamid ah Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (ilka Case ) oo kamid ah Saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.

Sarkaalka oo Cidanka hogaaminayay ayaa halka lagu dilay u tagay si uu u ogaado waxa ay yihiin Ciidanka Magaalada iska soo galay iyagoon laga warqabin, Isagoo mar kaliya ka war helay rasaas ku socoto, Waxa uu ugeeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ka haleeshay Miskaha..

Kenyan ayaan la ogeyn dhankooda hadii uu jiro wax khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalka maanta ka dhacay Magaalada dhacda Xuduuda ee Ceelwaaq.

Ciidanka RDU ee Kenya ayaa udhigma kuwa Alpha Group ee Somaliya, waxeyna Xadka ka soo tilaabaan oo kaliya marka ay usodaan howlgal qorsheysan, Lama Ujeedka Saaka ay usoo galeen Magaalada, Saraakiisga Gedo ayaa sheegay ineysan Sharci u heysan Ciidankan iney xadka ka soo tilaabaan maadaama Amisom aysan ka mid eheyn.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip