Ciidanka Danab oo sheegay in ay bur buriyeen saldhiggii Al-shabab ee Leego

0
13 January, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Danab oo sheegay in ay bur buriyeen saldhiggii Al-shabab ee Leego

    Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu taliyaha ka yahay ee Danab ay bur buriyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu taliyaha ka yahay ee Danab ay bur buriyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Saldhigga ayuu sheegay in uu ku yaallo degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo AL-shabaab ay maamulayeen tan iyo Bishii August ee Sanadkii hore.

Howlgalka Taliye Axmed Cabdullahi sheegay in ay fuliyeen jimcihii kuna beegsadeen Saldhigga Al-shabab ee Leego,halkaas oo uu sheegay in ay ku dileen 10 ka mid ah Al-shabaab.

Ma jirto ilo ka madaxbanaan Dowladda oo sheegaya in Ciidamada dowladda ay saldhig Al-shabab ku leeyihiin Leego lagu bur buriyay.

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa labaduba fuliya weerarro gaadmo ah oo dhinacyada ay isku qaadaan,waxaana dhinaca kasta ku faanaa in uu dhibaato u geystay dhinacii kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip