WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA OO LA KULANTAY QORAA SARE MUDANE GARYARE !!

0
04 February, 2018 in Maqaallo by Adam Increase
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA OO LA KULANTAY QORAA SARE MUDANE GARYARE !!

    Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo inta badan socdaalo dhowdhow iyo kuwo dhaadheer u gasha danta dalka dadka iyo diinta dadyowga Soomaalida daafaha dunida daadsan ayaa waxaa ay xalatoole magaalada Laufenburg kula kulantay qoraa sare Gary

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo inta badan socdaalo dhowdhow iyo kuwo dhaadheer u gasha danta dalka dadka iyo diinta dadyowga Soomaalida daafaha dunida daadsan ayaa waxaa ay xalatoole magaalada Laufenburg kula kulantay qoraa sare Garyare oo ah runtii aqoonyahan Soomaaliyeed waqti siyaada gelshay gelshana qormada buugaagta waxtarka u leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan luuqadaha.

 

Southern Media Co-Operation intii ay la sheekeysanaysay qoraaga mudane Garyare waxaa uu sheegay in buug ka mid ah buugaagtii uu qoray ee dhanka luuqadaha faa'iidooyinkiisi kolkii ay arkeen dowlladda waddankeeda haatan uu ku noolyahay ay garatay in buuggaasi luuqadda Jarmalka iyo Af-Soomaaliga isuturjumaya ku qoranyahay tusaale ahaan loo qaato loona rogo afaf kale oo isturjumaya sida luuqadaha:- Amxaariga iyo Jarmalka, Tigreenyada iyo Jarmalka, Ingiriisiga iyo Jarmalka iyo waliba luuqado kale oo aad u tira badan.

Aqoonyahanka qoraagan cajiibka ah mar wax laga waydiiyay sida ay Soomaalidu ku tahay qormooyinka taariikhaha iyo buugaagta cilmiga iyo aqrintooda, waxaa uu si kooban u yiri, in Soomaalidu ay aad u hadasho waxna dhagaysato uun, balse aanay aad ugu wacnayn qorista taariikhaha iyo culuunta caalamkan horumaray looga dhaqmo lagamamaarmaankana u ah nolosha aadmiga oo maalinba maalinta ka sii dambaysa aad u karkaraysa kuna dhisantahay daaxurinta xoog iyo xaaladeed iyo miskexba.

Mudane Garyare oo qurbahan qaaradda Yurub ku noolaa muddo 28 sanadood ah mar wax laga su'aalay waxyaabihii laga bartay jabkii 1991-kii dabadii debadaha, waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dunidu iyo Soomaaliya iyo Soomaalidu ay kala tageen hadday ahaan lahayd dhanka aqoonta, nidaamka, difaaca, dhaqaalaha, sinaanta iyo caddaalladda, wuxuuna intaa sii raacsaday qoraagu, in Soomaaliya dalkeeni hooyo wax kaladambayn ah marnaba aan ka jirin kolka loo barbardhigo adduunyada kortay iyo ta tukubaysa intooda kale, ceebtaasi iyo ayaandarooyinkaasi waawayna ay sababtoodu leeyihiin isla dadyowga Soomaalida ah oo iska diiday bal inay ismaqlaan kana tanaasulaan kala qoqobka iyo qabyaaladda iyadoon la diiddanayn bugcaddaadi inaad si xaqsoori ku jiro u xaarxaarato ilaalinayana middii guud danta caamka doonta la wada saaranyahay ee baxaa dagaysay muddo 30 sanadood ah walina sii baxaadagaysa ooy hadday rogmatana dhamaan mid kasto docda ka saarnaa hubanti tahay inuu kiidayo calaf aanu uga harin dunidan guudkeeda.

Guntii iyo gabangabadii qoraaga sare mudane Garyare oo wajigiisu ka muuqanaysay murugo tilmaamaysay sida loo fasiran karo xaaladda Soomaalidu ku sugantahay iyo habacsanaantooda dhan kastaba, misna aad moodaysay inuu ku faraxsanaa la kulanka warbaahinta ummaddu wada leedahay ee Southern Media waxaa uu bulshawaynta Soomaaliyeed meel walbooy adduunka ka joogaan kula dardaaramay bal inay u dhaqaaqaan qorista taariikhaha wixiii la soo maray iyo wadciga haatan la taaganyahay iyo aragti nadiif ah bulshadan wareertay u bidhaamin karaysa nabad iyo barwaaqo, sinaan iyo caddaalad waarta iyago aad isu jecel sidii laba mataana ahna maanka isku haya awadeed midnimadii abid lagu caanamaali jiray looguna qoyn jiray cadaawaha sabadka dalkeena yuuyuurura.

 



Cusbo iyo canaanyo korka way cuncuniyaan ceelaabi nabadda laakiin !!

 

By: Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip