Ammaanka Villa Soomaaliya Waa Sidee? Rag Ka Tirsan Shabaab Xafiiska Madaxwaynaha Laga Ag Qabtay!

0
14 February, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Villa Soomaaliya Waa Sidee? Rag Ka Tirsan Shabaab Xafiiska Madaxwaynaha Laga Ag Qabtay!

    Barqadii maalinnimadii shalay (Talaadada) waxaa laga dhex qabtay gudaha madaxtooyada Villa Soomaaliya laba qofood oo dhallinyara ah kuwaas oo aan la ogeyn halka ay u socdeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barqadii maalinnimadii shalay (Talaadada) waxaa laga dhex qabtay gudaha madaxtooyada Villa Soomaaliya laba qofood oo dhallinyara ah kuwaas oo aan la ogeyn halka ay u socdeen.

Labada dhallinyaro ayaa laga qabtay meel u dhow xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya iyaga oo isla lugeynaya, kaddib waxaa dhacday in la istaajiyay Gate One-ka halka la yiraahdo lana wayddiiyay ID Card se waxaa la ogaaday in aysan wadan aqoonsi dowladeed iyo mid kaleba.

Saraakiisha ammaanka ayaa gacanta kusoo dhigay durba waxaa lagu bilaabay su’aalo wayddiin, taas oo keentay in ugu dambeyn ay qirtaan in ay shabaab yihiin oo ay Sahan u socdeen.


Sida naloo xaqiijiyay wax hub ah ma sidan dhallinyarada la qabtay, ha yeeshee waxa ay taas daliil u tahay in Shabaab ay u fududdahay in ay galaan aqalka dalka looga arriminayay.

Ammaanka Villa Somaliya ayaa ahayd mid liidata, maaddaama ay dhallinyaradii madaxwaynaha xilligii doorashada la shaqeyneysay ay la wareegeen, islamarkaana si saaxiibtinimo kuwa badan ay ku joogaan halkaas.

Warbaahinta looma sheegin oo looma soo bandhigin, ha yeeshee ilo wareed ku dhow Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Arlaadi  arrinkaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip