XOG: Fahad Yaasiin OoShaqadii Khaliif C/Qaadir Macallin Nuur la wareegay Maqaar saar iska Buneesta?

0
16 February, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Fahad Yaasiin OoShaqadii Khaliif C/Qaadir Macallin Nuur la wareegay Maqaar saar iska Buneesta?

    Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur , oo u dhashay Beelweynta Abgaal Waceyle Jufada Cabdi Raxmaan Saleeban waxaa xilkii uu ku magacownaa ee wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somalia shaqadiisa si dadban ula wareegay agaasimaha ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur , oo u dhashay Beelweynta Abgaal Waceyle Jufada Cabdi Raxmaan Saleeban waxaa xilkii uu ku magacownaa ee wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somalia shaqadiisa si dadban ula wareegay agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin oo u dhashay Beesha Reer Ow Xasan.


Tan iyo markii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir xilka agaasimaha madaxtooyada qabtay, waxaa isbadal aan horay loo arag ku yimid nidaamka xafiiiska madaxtooyada, iyadoo awoodii shaqaalaha iyo shaqsiyaadka kale ee xilalka baratakoolka iyo maamulka madaxtooyada isbadalku saameeyay howshoodiina ay noqotay mid Fahad Yaasiin maamulkooda la wareegay.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa isaga jira Buneysi Sab joog iyo siyaaro xili shaqadii loo igmaday ee ku matalayaay Beesha uu ka soo jeeday si dadban loola wareegay oo uu noqday shaqsi maqaar saar ah.

Fahad Yaasiin ayaa si aan gambasho laheyn u kala wada howshii iyo xilkii uu ku magacownaa C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad taasoo ka dhigan inuu yahay magac u yaal.

Beesha uu kasoo jeedo C/qaadir Macallin Nuur ayaa marar badan dhaliishay waxeyna ugu baaqeen in uu kasoo muuqdo jagada loo dhiibay ama uu baneeyo xilkaaas, si madaxweynaha looga codsado inuu xilkaasi u dhiibo shaqi kasoo muuqan kara xilka. waxaana shaki weyn la galinayaa in uu sii heyn doono xilka wasiiru dowlaha iyo in kale waloow isaga aamisan yahay in sixir iyo faal xil lagu haysan karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip