SAWIRRO: Shariif Xasan sidee Maanta Baydhabo loogu soo dhoweeyay?

0
19 February, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Shariif Xasan sidee Maanta Baydhabo loogu soo dhoweeyay?

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka amba baxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna gaareen Baydhabo, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud.



Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.


Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Sabtidii ina dhaaftay ka soo laabtay dalka Jabuuti, oo 11-kii bishan ay u duuleen, halkaasi oo uu kula soo kulmay Madax ka tirsan dalkaasi.


Shariif Xasan oo shalay tagay degmada Afgooye ayaa xariga ka jaray Saldhiga Booliska ee degmadaasi, isagoona shahaadooyin guddoonsiiyay Taliyaha Saldhiga iyo Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Afgooye ee dhinaca Arrimaha Bulshada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip