Maxaa la gudboon Guddiga Sare ee Fursad Fund?

0
28 February, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa la gudboon Guddiga Sare ee Fursad Fund?

    Dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa todobaadkan si weyn ula falgalay doodda ku saabsan sanadguuradii labaad ee Aasaaska Mashruuca Fursad Fund oo ay uga hadleen siyaabo kala duwan dadweynaha qaar ayaa aad uga xumaa in saaxadda laga waayo Mashru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa todobaadkan si weyn ula falgalay doodda ku saabsan sanadguuradii labaad ee Aasaaska Mashruuca Fursad Fund oo ay uga hadleen siyaabo kala duwan dadweynaha qaar ayaa aad uga xumaa in saaxadda laga waayo Mashruucii sida weyn loogu han weynaa ee Fursad Fund kaas oo ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro mutadawiciin ah, halka kuwo kale ay ku dhaliileen xisaab celin iyo warbixin la'aanta halka ay ku dambeeyeen dhaqaalahii laga aruuriyey.


Sanduuqa Fursad Fund ayaa waxa lagu sheegay ujeedadiisa Sanduuq madax banaan oo lagu maalgelin doono dhaqaale aruurin gudaha dalka ah ujeedadiisuna tahay in la abuuro fusado shaqo, dhiirigelinta hal abuurka ganacsi, hirgelinta tababaro lagu awoodsiinaayo dhalinyarada si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalka, qorshaha degdegta ah ee Fursad Fund ayaa la sheegay in shaqo abuur loogu sameeyo inta aanan heysan maalgalinta balse u diyaarsan in ay dhaqdhaqaaq ganacsi sameeyaan ama ay shaqeystaan.

" Qorshaha fursad fund waxa uu yahay in 5,000 oo qof ay bixiyaan $ 1 maalin kasta taasi oo sanadkii noqoneysa 1.8 Milyan oo dollar , waxaana loogu talagay in lagu abuuro 5,000 oo fursadood sanadka ugu horeeyo balse 200 oo ka mid ah deeq bixiyaasha soomaaliyeed ayaa bixiyay lacago waxa ayna gaartay $ 41,000” ayuu yuu sheegay  Agaasimahii Fursad Fund Deeq Maxamed.

Habka loo bixinayo fursadaha shaqooyinka iyo ganacsiga loogu abuurayo qeyb ahaan bulshada 40% waxaa la siinayaa haweenka, 40 % waxaa la siinayaa dhalinyarada halka 20% la siin doono dadka qaba baahida gaarka ah ama uusan lixaadkoodu dhameystirneyn.

Mashruuca waxaa jirta in uu fuliyey Mashaariic kooban balse aysan jirin wax warbixin ah oo ay la wadaageen howlaha ay qabteen iyo xisaab celinta dadweynihii ay lacagaha ka arruuriyeen balse waxa la ogyahay oo qura ayaa ah in uu xiran yahay xafiiskii Sanduuqa, sidoo kale uu shaqadii ka tagay Agaasimihii Mashruucii oo aan isku daynay in aan xiriiro la samayno balse suurtogeli weysay.

Haddaba Fursad Fund oo uu aasaasey Wasiirkii hore ee qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Mudane Cabdiraxman Sh. Yusuf Ceynte waxaa ay lahayd guddi sare oo ka koobaan dad lagu yaqaano ammaano iyo waxqabad sida ku qoran website-ka Sanduuqa oo ay ka mid yihiin :- Sheekh Bashiir Axmed Salaad , Xildh. Yusuf Xeyle Jimcaale iyo Wasiiraddii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dr. Maryam Qasim, Xasan Yuusuf Maamulaha Bangiga IBS iyo 5 xubnood oo kale oo ka tirsan bulshada Rayidka ah.

Haddaba waxaa la gudboon Guddigii Sare ee lagu aaminey maamulka sare ee Sanduuqa Fursad Fund in ay keenaan warbixin halka uu ku dambeyey sanduuqii iyo xisaab xirkiisii, haddii uu mashruucii shaqeynayo ama uu istaageyba, si aysan u dhuminin masuuliyada iyo aaminaada sanduuqyada kale ee dhaqaale arruurinta ah ee dalka laga hergeliyey oo ay qaar kamid ah dadkii xubnaha ka ahaa Golaha Sare ee

Fursad Fund ay weli xubin ka yihiin sida Sanduuqa Guddiga Taakuleynta Iyo Tabarucaada Qaran, Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada,

Waxa aan ku dadaalney in aan aqbaar ka helno qaar kamid ah xubnaha Guddiga Sare ee Maamulka Fursad Fund balse ay ka gaabsadeen in ay ka bixiyaan wax jawaab ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyey Mashruucii ay Masuulka ka ahaayeen

Magacyada Guddiga Sare ee Fursad Fund

1. Cabdiraxman Ceynte Wasiirkii hore e qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ahna Aasaasaha Sanduuqa Fursad Fund

2. Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed

3. Dr. Deeqa Maxamed Agaasimaha Xarunta Dr. Hawa Abdi

4. Yuusuf Xeyle Jimcaale Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ahna Asaasaha Hay’adda SOHEDA

5. Dr. Maryam Qaasim Wasiiradii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6. Xasan Yuusuf Gudoomiyaha Bangiga IBS

7. Maxamed Cumar Agaasimaha Machadka Success Institute For Human Development ee Magaalada Borame.

8. Prof. Maxamed Cali "Kalaay” Gudoomiyaha University of Southern Somalia ee Magaalada Baydhabo

9. Sahro Kooshin Agaasime ku-xigeenka Somali Institute for Development and Research (SIDRA ee Garoowe

10. Prof. Cabdulqadir Xikam Gudoomiyaha Kismaayo University ee Magaalada Kismaayo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip