Cali Gacal Casir oo Baarlamaanka deg deg ugu yeeray M/Ku xigeenka Galmudug oo ka carooday war lagu qoray?

0
10 March, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Gacal Casir oo Baarlamaanka deg deg ugu yeeray M/Ku xigeenka Galmudug oo ka carooday war lagu qoray?

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa Xidlhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ugu baaqay in ay tagaan Caasimadda Galmudug si ay kaga qeyb qaataan dhameystirka Heshiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa Xidlhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ugu baaqay in ay tagaan Caasimadda Galmudug si ay kaga qeyb qaataan dhameystirka Heshiiska.

Qorshaha Xildhibaanada loogu yeeray waxaa kamid ah kala tashiga Dastuurka Galmudug iyo kordhinta Baarlamaanka Maamulkaasi.

Gudoomiye Casir ayaa sheegay in heshiiskaan uu u dhaxeeyo Bulshada Galmudug, waxa uuna Meesha ka saaray warar sheegaya in uu jiro Caqabado hortaagan dhameystirka Heshiiska.

Dadka Galmudug dega waxa uu ka dalbaday Cali Gacal Casir in ay garab istaagaan Maamulka Galmudug, waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in qeybihii ugu dambeeyay ee Midnimada Galmudug lasoo gaaray.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo isna hadlay waxa uu sheegay in laga been abuurayo howlaha Soconaya, balse warar been abuur ah lagu faafinayo Baraha Bulshada sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Bogaadiyay go’aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ugu yeeray Xildhibaanada in ay tagaan Magaalada Dhuusamareeb si ay kaga qeyb qaataan kaalintooda ku aadan dhameystirka heshiisyadii lagu mideynayay labada dhinac.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Afarta Mas’uul ugu sareyso Maamulkaasi oo kala ah:- Madaxweynaha, Madaxweyne Ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Wadahadalo aanan kala go’ laheyn ayaa ugu socda Magaalada Dhuusamareeb kaa oo ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa Howlaha Maamulka, iyo in ay Madaxdu ka tashtaan sidii Beesha Caalamka looga raadin lahaa Lacagihii ay ku yaboobeen si Maamulka geeddi socodkiisa Dhuusamareeb uu u galo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip