Madaxweynaha S/land oo sheegay inuu dhaqan galay Heshiiskii Dp World,Farmaajana uusan iman karin Hargeysa'

0
12 March, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha S/land oo sheegay inuu dhaqan galay Heshiiskii Dp World,Farmaajana uusan iman karin Hargeysa'

    Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inaan waxba u dhimeyn shaqada shirkadda Dp World ka wado deegaanada Somaliland hadalka xanafta leh ee kaga imaanaya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inaan waxba u dhimeyn shaqada shirkadda Dp World ka wado deegaanada Somaliland hadalka xanafta leh ee kaga imaanaya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Horn cable ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Awood u laheyn iney ka taliso Somaliland,sidaasi daraateedna hadal uusan waxba u dhimeyn Heshiiska ay la galeen Shirkadda Dp World ee laga leeyahay dalka isku taga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale,Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in warqado dacwo ah ay ka gudbiyeen Dowladda Soomaaliya oo ku aadan iney ku xad gudbeyso Qaranimada iyo madax banaanida Somaliland,sida hadalka uu u dhigay,wuxuuna sheegay iney Jawaab ka sugayaan Beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaantay Heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee ay wada gaareen Maamulk Somaliland,SHirkadda DP World iyo Dowladda Itoobiya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kullankoodii ugu horeeyay ee kala fadhiga Saddexaad ku yeeshay magaalada Muqdisho ku ansixiyay Xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda Dp World laguna baabi’inayo Heshiiskii la galay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip