FARMAAJO, KHEYRE, SHARIIF, GAAS, XAAF IYO MADOOBO DOONAYA MOOSHIN AMA DIL INAY KU RIDAAN JAWAARI !!

0
15 March, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 3571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FARMAAJO, KHEYRE, SHARIIF, GAAS, XAAF IYO MADOOBO DOONAYA MOOSHIN AMA DIL INAY KU RIDAAN JAWAARI !!

    Sida uu qorayo sharciga saxaafadda caalimiga ah in warka la hubsado xaqiiqadiisana la soo badnhigo, kadib isqabqabsiga siyaasadda ishu ay ku hayeen xooraansi iyo xoguruurin gungaar ah dabadeed, wakaaladaha wararka ku bohoobay Koonfurta Soomaaliya, wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu qorayo sharciga saxaafadda caalimiga ah in warka la hubsado xaqiiqadiisana la soo badnhigo, kadib isqabqabsiga siyaasadda ishu ay ku hayeen xooraansi iyo xoguruurin gungaar ah dabadeed, wakaaladaha wararka ku bohoobay Koonfurta Soomaaliya, waxaa ay ilo kala duduwan lagu kalsoonaan karo ku sugan gudaha Villa Somalia u soo sheegeen aqbaarta dhiillaysan madaxa majaha u rogeysa maanku ku dawaqayo makrigeeda mowjadaha culus iyo meerayaasha khalyayixinaysa marshaduna qaliwareejinayso ee hoos ku xusan.

Cudurkii curadka kaa dilay baad gardambahana ula cabsootaa, sidaasi waxaa ku hadaaqay hadal raagay ee Soomaaliyeed. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, runtii aad iyo aad ayaa loogu heshiiyey, aawada sababta daciifka ah inuu markan keliya waddaniyad muujiyey uuna dalka halas aan la qayaasi karin ka badbaadiyey. Mushkuladda taagan ayna adagtahay qof kastaa inuu  fahmo rumeysto, baa waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay, rag waaba la ogaa waxay yihiin, balse raggii la islahaa waa kuwii Soomaali ciilkii hoggaan-xumayaashu badeen boogihii way u dhayi doonaan shacabka, inay shirqoolada ugu khatarta badan ee qaranimada geeska Afrika ay maleegayeen welina ay hoosta ka rafanayaanooy wadaan.

Qorshahan lagaga takhaluusayo Proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari haynta jagada gudoomiyenimada Baarlamaanku, waxaa ku wada mideysan sidaan warbixinteenu cinwaankeedu idin ku dareensiiney 1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed C/LLaahi Farmaajo. 2.Reysal-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre. 3.Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland Mudane C/Weli Cali Gaas. 4.Madaxweynaha Maamul-Goboleeka Galmudug, Mudane Geelle Xaaf. Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Koonfureed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. 6.Axmed Madoobaha Kismaanyo Xoogga ku jooga iyo canaasiir farabadan oo dhamaantood u adeega cadowga dalka dadka iyo diinta ummadda, kuwaaso gabigood lacago malaayiin Dollarka Mareykanka farta laga soo saaray looguna ballanqaaday in lagu sii caawin doono joogitaanka madaxtooyada iyo hoggaaminta mustaqbilka Soomaaliya.

Heshiiska 6-geesoodka ah marka laga reebo Somaliland shirkadda DP world Imaraadka lala Soo galay, kuma eka oo qur ah dekedda BerBera, waxaase heshiisku soo hoosgalaya, idil ahaan dekadaha Soomaaliya, sida:-ta Kismaanyo, Baraawe, Marka, Boosaaso, Ceel-Macaan iyo kuwa kalo macmal ah suuragalna ay noqon doonaan mustaqbilka inay noqdaan dekado caalami ah, heshiiskaasi 6-geesoodka ah jiritaankiisu daliil ahaan ay kaaga filnaan karayaan, gawaaridii gaashaanayd iyo hubkii uu sanad kahor Imaaraadku uu siiyey maamulka xoog-kujoogga ah ee Axmed Madoobe, ka Shariif Xasanka Baydhabo  iyo ka C/Weli Gaas iyo weliba dhoofkii Xaafka Galmudug Dubai soonoqoshadiisi la wada ogaa ee uu yiri "Imaaraadkaan u shaxaad doontay annigu."

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Mr Jawaari, goortii ay u cuntami weyday heshiiskan badaha iyo bariga Soomaaliya lagu xaraashayo, waxaa ay si buuxda ugu codeeyeen in heshiiskii DP World dekadda Berbera uusan sharciga waafiqsanayn, islamarkaana uu buray, tahayna shirikadda Imaaraadku leeyahay in dalka laga eryo.

Haddaba, Jawaari kolkii uu ku dhiiraday inuu baajiyo xaraashka dalka, waxaa arrintaasi aad iyo aad uga gubtay madaxda ugu sareysa dalka sida:- Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-Wasaarihiisi oo ayna dabataxan yihiin dhamaan asxaabtii maamul-goboleedyada, waxaana ra'iiska iyo wasiirka koobaad iyago isqarinaya ay lacago waalan ku harqiyeen baarlamaanka si mooshin looga keeno Jawaari xilkana looga faramaroojiyo, iyado Shariif Xasan laga dalbaday inuu booska ku soo diyaariyo ruuxii baddali lahaa Jawaari, waxaana iyadoon loo daahin Mr Shariif uu meesha soo taagay nin macalin dugsi horay u ahaan jiray kana tirsan xildhibaanada baarlamanka laguna magacaabo C/Kaafi Macalin Yahye, kaaso beel ahaana ka soo jeeda isla beesha Maxamed Cusmaan Jawaari, boos-buuxis ahaana loo adeegsan karo, marka loo eego hanaanka halbeegga  awoodqaybsiga 4.5.

Wararku waxay intaa ku darayaan, C/Rishiid xidig xildhibaano mucaarid ah waayahanba uu Nairobi ku uruurinayey ayna xulufo dhow yihiin gudoomiyaasha maamul-goboleedyada maalka Imaaraadka Farmaajo iyo Kheyre khayaanada qaran ku mideeyey, waxaa ay mooshin haba yaraatee wax qiil ah uusan lahayn ay gacanta ka gelsheen C/weli Ibraahin Muudey oo asal ahaan meesha uu keensaday Shariif Xasan ahna gudoomiye-xigeenka koobaad ee baarlamaanka, waxaanu mudane Muudey oo taageero ka helaya asxaabtiisi madaxda qaranka ugu sareysa ay ku jiraan uu si gariir leh ugu dhawaaqay, in mooshinka ka dhanka ah raysal baarlamaanku ansax yahay lana fulin doono.

Hadalkan mr Ibraahin Muudey warbaahinta uu u jeediyey, waxaa ka horeeyay shir jaraa'id ee uu qabtay gudoonka baarlamaanka Mr Jawaari ay ag fadhiyeen xildhibaano badan kana mid yahay gudoomiye kuxigeenka labaad baarlamaanka federaalka, shirkaasi jaraa'id uu masuulku ku caddeeyay in 107 xildhibaan mooshinka soo gudbisay 16 ka mid ahi ay ka laabteen arrinka mooshinka, saa awgeedna mooshinkii kooram ahaan tiradii laga rabay uusan dhameystirneyn siduu sharciga qabana uu halkaasi ku buray.

Xogtu waxay tilmaamaysaa, in madaxweyne Maxamed C/LLaahi Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisu Kheyre ay ka go'an tahay inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii kursiga mar uun uga turaantureyn lahaayeen Proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo loo arko inuu yahay caqabadda ugu weyn ku horgudboon danaha siyaasiyinta gudaha iyo dibadda sharcidaradoonka ah, maadaama lagu tuhmayo inuu aqoon iyo waaya aragnimo qotodheer dhanka maamulkiyo hoggaaminta dowlladnimadu u leeyahay, yahayna mid xambaarsan wadaninimo, taaso keentay in Imaaraadku iyo kooxahan isbiirsaday madaxweynuhu u weynyahay dhamaantood ay u midoobaan sidii meesha uga saari lahaayeen gudoomiye Jawaari oo aad moodo in la isugu tagey keligii.

Qaar ka mid ah sirdoonada wararka gaafwareegaya xarunta madaxtooyada Muqdisho, waxaa ay inoo xaqiijinayaan in Madaxweynuhu iyo dowlladdiisa inta taabacsan, xitaa haddii gudoomiyaha baarlamanku lacag lagu ridi waayo ooy maara u waayaan shirqool dil toogasho ah lagu fulin doono si ayba meesha uga baxdo caqabadiisa qalinka iyo waaya-aragnimada ku dhisan waxyaabo badan bilaa sharci ah lagaga fushan lahaa distoorka dalka imikadan qabyada ah uuna midagta ku hayo Maxamed Cusmaan Jawaari.

Geesta kale Soomaaliland, sir laga helay ragga aad ugu dhowdhow Farmaajo, waxay daaha ka rogayaan in madaxda sare ee maamulka Somaliland iyo Farmaajo ay aad isaga warqabaan, islamarkaana xiriirkoodu uu joogta yahay ku aaddan arrinta beecgeynta dekedda BerBera loogu gacangelinayo ajnabiga Carabta haatan murankeedu ka taagtaagan yahay guud ahaan dhulka bariga Afrika oo sida la sheegay ay doonayaan inay gabi ahaanba la wareegaan kana dhigaan goobo ay maamushaan dhaqaalahooda furin dagaalna ka dhigtaan si marinada caalamiga ah caalamku maro ay u kantaroolaan siyaasiyin.

Madaxda Somaliland ugu sareysa ayaa maalmo kahor waxaa ay safar degdeg ah ku aadeen dalka Imaaraadka Carabta, iyado dayuurad qaas ah nuuca raaxada ah loo soo diray, waxaana safarkan uu ku soo beegmayaa xili Muqdisho ay qasantahay shacabku kaceen, kadib markii shirkadda muranka badan dhalisay DP World Imaaraadku leeyahay Jabuuti laga soo eryay musuqmaasuqeeda dartii baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu heshiisyadeedi maamulka Somaliland la gashay sharciyan uu laalay.

Ugudambeyntii, xaaladda siyaasadeed ee geyiga Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraysay maalinba maalinta ka sii dambeysa, iyado bulshada iyo masuuliyintii dalka ugu sarsareysa aaminkii weynaa iyo kalsoonidii qalbiyada saaqay ay isku qabeen shaki aad iyo aad u xooggan uu soo kala dhex galay, tuhunkaasoona aad moodo inuu sii xoogeysanayo saacadba saacada ka sii dambeysa sida waaqucu muujinayo haatan ayna adagtahay in xal degdeg ah loo helo, bacdama arrintu faraha ay ka sii baxayso loolankuna uu yahay 'hantida maguurtada dalka aan iibsano iyo la iibin maayo caruurtayadu dhaxal bay dooneysaa.'

Dabeely guuhiyaasy, gardoraadiye, geed meelo ky roogo, tii geeko dhaaftii my eeh laakiing !!

 

By: Ustad Adam

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip