Al-shabab oo Hubkii Ugu badnaa kala soo degaay xeebaha Gobolka Mudug Iyo Xog laga helay'

0
in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab oo Hubkii Ugu badnaa kala soo degaay xeebaha Gobolka Mudug Iyo Xog laga helay'

    Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Shabaab saanad Militari ay kala soo dageen Dakadda macmalka deegaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Shabaab saanad Militari ay kala soo dageen Dakadda macmalka deegaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.


Doomo siday saanad Militari ayaa ku soo xirtay Dakadda deegaanka Faax, waxaana la aaminsan yahay in doomahan saanada Militari ay ka keeneen dalka Yemen oo Somaliya daris la’ah.

Ilo Muqaabaraad ah ayaa xaqiijiyay shalay ilaa doraad gaadiidka kala duwan in dakadda deegaanka Faax ay ka aruurinayeen hubka Shabaab ay halkaasi kala soo dageen, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay arkayeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka oo Shabaab saanada Militari ay ku raranayeen.

Gaadiidka dagaalka Shabaab ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud.

Saanada Militari ayaa la sheegay in la geeyay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana sida qorshaha uu yahay la doonayaa in loo qaybiyo ciidamada jabhadaha Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabellaha dhexe si ay dagaalo ugu qaadaan.

Inta badan hubka ay ku dagaalamaan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa inuu uga yimaado dhanka dalka Yemen, halkaasi oo ay ka dagaalamaan Xoogag ka tirsan Ururka Al-Qaceda oo Shabaab ay ka mid yihiin.

Sidoo kale Shabaab ayaa hub ka hela xeryaha ciidamada Amisom ee weerarada ay ku qaadaan iyo Saldhigyada ciidamada dowladda ee ay weeraraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip