DR AMAANDHOOREY"UUW UUW MADAXDII AAWAY MA DADBAA, MA DUUNYAA, MISE WAA DARBIYO NAGA HOR MUUQDA TOLLAAYEEY DADKEENI PUNTLAND BAY KU MADHEEN".!!

0
31 March, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    DR AMAANDHOOREY"UUW UUW MADAXDII AAWAY MA DADBAA, MA DUUNYAA, MISE WAA DARBIYO NAGA HOR MUUQDA TOLLAAYEEY DADKEENI PUNTLAND BAY KU MADHEEN".!!

    Warka daahsoon xasaradaha sheega ee naga soo gaaraya deegaanada Puntland waqooyi bari Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in muwaadiniin ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo halkaa ku ganacsanayay dunidaba laga waayay jaan iyo cirib meesha ay dhigeen saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warka daahsoon xasaradaha sheega ee naga soo gaaraya deegaanada Puntland waqooyi bari Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in muwaadiniin ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo halkaa ku ganacsanayay dunidaba laga waayay jaan iyo cirib meesha ay dhigeen saacadihii la soo dhoofay, kadib sida la sheegay kolkii xarig sharcidara lagula kacay, xarigaaso xadgudubka loo maara la'yahay weli ay geysteen ciidamada maamulka ka arrimaya gobolladaasi u dhow gacanka carbeed ee badweynta Cas jiiraanka lah dalka Yaman.

Goor ay sii horaysay wararkaasi naxdinta leh markuu ka soo yeeray Puntland, waxaa warbaahinta ku bohowday Southern Media Co-Operation studio-yaheeda wareega ee qaaradda Yurub kula soo xiriiray Dr C/LLaahi Ibraahim Xasan Amaandhoorey oo ah madaxa guud ee saxaafadda kana warama barnaamijyada xaaladaha kulul inta badan sida looga bartay barteedana dhiga runta diidana dulmiyada isquusku ku dhisan yahay ooy Soomaalida gabalkeed ay gabalka kale caada u noqotay inay si toos ah ay kula dhaqmaan, ficiladaas qaarkoodo ka dhanka ah bini aadamnimada iyo dhaqanka shareecadeena suuban ee nahyisay aalaaba wax ka mid ah waxa Datoorka iyo Tiimkiisi soo dhaqaajiyay kuna khasbay inuu luuqad adag ku sheego dhibaatooyinka had iyo jeer dadyowga ganacsatada ah Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda ku nool deegaanada Puntland sida joogtada loogu hayo, dhibaatooyinkaaso intooda badan laga qariyo warbaahinta caalamka hadday ahaan lahayd ta maxaliga iyo midda banaankaba.


Dr Amaandhoorey oo xaraaradda heerkulkiisu ay dhaafsiisan tahay tii caadiga ahayd, calaashaan dhiiggiisu 200 marayo xididdada neerfayaashiisu dusha ka muuqmuuqnayaan fiyuuskiisuna kuba dhowaaday inuu gubasho laba qarxo cara u hadalka dhiillada soo yeedhay darteed, waxaa uu cod dheer kaga shanqariyay inaan hadda wixii ka dambeeyay sinaba loogu dulqaadan karin gaboodfallada lagu hayo nuucay doonaanba dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee daggan Puntland dhiiggooda la isaga banaystay in bilaa micno la isaga daadiyo mar kasta, taasoo xisaabaadkoodu uu soo xirmayo kalkan wixii dhacayna la isudabataagan yahay oo la isu soo fagayo fagaaraha furan fooruhu kacayo xitaa hadday xaajadu finiish iyo finaash ay u geeda fuusho ooy firadu duusho fiintuna ay gabigeed fiiq tiraahdooy fariinka furuuryaheedu intay fasaxdo fiririq faaq firimbigeedu faagashada godku yeeriso faashlaha xumuhuna labadaraale uu wiiqleeyo falkiisi dhiiggo gogleeya boqnaha maydku caddad dhaafo.
Isago adeegsanayay maahmaahyo iyo oraahyo raagay cibarka laga soo dheegtay ka jaan go'an xaaladda imikadan taagan, Datoorku waxaa uu si furan u tilmaamay in rag ganacsata ah in mudda ah ku noolaa gobollada Puntland si sharcidara ah lagu xirxiray saacadihii la soo dhaafay sidaan horaan u sheegnayna aan la ogeyn meeshii ay ku dambeyso raqda iyo ruuxdooda oo la la'yahay nolol iyo geeri.
"Qaar waa la dilay sida la ogsoon yahay, xayn alaabaha maheradaha ganacsiyadooda ayaa si furan looga boobay, badi dadka Koonfurta marka la doonayo in la xiro, ama dil lagu fulin rabo, waxaa loogu soo marmarsiyaadaa inay Shabaab ka tirsan yihiin, goorta shaabbadda Shabaabnimada aan waxba ka jirin lagu dhuftana dhiiggooda iyo maalkoodaa si cad loo banaysanayaa, waana dariiqa badi loo soo maro in lagu laayo laguna xasuuqo dadkeena, intaaso waxyeelooyin ah, waxaa walaalaheena loogu geysinayaan sabab, ama sifo ay kaga bixi karaanoy kaga guuri karaan looga raro deegaanada Bari, maadaama ay ganacsigii intiisa badan ka hoose iyo ka koreba ay qabsadeen ayna ku adkaatay ganacsatadii Reer Puntland inay suuqyada tartanka dhaqaalaha ganacsiga ay kaalintoodu qaataan", ayuu yiri rugcaddaa siyaasi Dr Amaandhoorey oo afkiisu xanaaquu ka qaaday warka gumaadka Puntland ay waddo uga waramayay midowga idaacadda maqalka iyo muuqaalka afka dheer xaqsheeg u orodka Koonfurta Soomaaliya ee fadhigeedu yahay dhulka dhaca galbeedka dunida bartmaha qaaradda Yurub.
Aqoonyahan Dr C/LLaahi Amaandhoorey oo dhimbalaha walaalihiisi Koonfureed gudaha Puntland lagu gubay dhimbilo ka sii kulkulul afkiisu ay ka baxayeen sida dhacda tareesada maarta guduudan intuu la hadlayay Teleefiishanku, waxaa uu daboolka ka qaaday, inay dad ka soo jeeda Puntland ayako shibil ah ay ku nool yihiin Koonfurta Soomaaliya cidina aan wax ugu geysan awaada magaca deegaanada ay ka soo jeedaan, haddii ay xaaladda haatan ay wadaana sidan ku sii socoto ugu dambeyntii xaajadu isu baddali doonto xasarad oraah uu ku tilmaamay DHEGMO DHEGMI KOO FUJHIYAASY qaniinyo qaniinyaa kaa fujinaysa, taasoo loo fasiran karo, in haddii dadka ganacsatada ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya Puntland ay ka dayn waydo gumaadka qarsoon cunsurinimada ah ay jawaabteedo kulul fariin fardhiig leh ku qoran ay si degdeg ah ugu diri doonaan ugana heli doonaan shaki la'aan birmadka u carbisan xawlaha guracan Koonfurta Soomaaliya.
Amaandhoorey wuxuu yiri "saaxiib qofka Soomaaliga ah dalka Soomaaliya meesha uu doono ayuu ka dagi karaa kuna ganacsan karaa si xor ah, waana in amaan la siiyaa, annagaba kuwo badan oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa nala deggan, xitaa baarlamaankeena ayay ku jiraan oo jagooyin ayay hayaan, ma nihin doofaaro iyo dhagxaan la soo uruuriyay sidii la doono loogu shiish iyo dil barto, ee waxaan nahay dad nool samayn kara waxa aad samaynaysaan iyo wax ka sii xun oon taariikhda laga soo waaqsan doonin, fadlan mooshin ma nihin annagu, gees mooshin ayaan nagaga furteen dagaalkiini dheeraa, dhanna mooshin xasuuq ayaan dadkeena ku furteen, mooshinadaan isdabayaal hala joojiyo, haddii xasuuqaan dadkeena lagu hayo la joojin waayo, waan idin tusi doonaa inaan si arxandaro ah aan u aarsano reer Puntland-ney", iyado barnaamijka wareysigano aad u xasaasi ah aad ka daalacan kadhaan dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta qarnigan u kacday war ku soo qufidda geeska Afrika si loo sugo xaqa loogana hortago xadgudubyada ka dhaca guud ahaan geyiga Soomaaliya oo inta badan dunidu ku tilmaanto inuu ka jiro isirsifayn lagu bartilmaameedsanayo si gaar ah dadyowga kulaala dhulka webiyada waawayn nabadda loo diiday oo ay xasilooni la'aantu looga dhigay sabab dheefta ag taal iyo duulka ku dhashay ay badi ka dhoohan yihiin dhaadaanka loo soo qaatay iyo waxa usha dheer loogala dabadhankaxay inay tahay dheeftaadan ku dhaamo dhabarkuxoogeysiga tahayna ujeeddada loo dhalaashanayo middaad warbixinteenu kaga dharagteen sida dhabta waayeelku inaad u dhiilqaadato kuwaasi kugu dharaq dhabanaya maraan dhawaynba.
Dannaaba looga dhacaa dumar hadduu warkaaga diido, se laxda dhukan colna moog laakiin !!

By:Ustad Adam

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip