AQOONYAHANADA ADARAGTIDA FOG KOONFURTA SOOMAALIYA OO SAADAAL SIRO XAMBAARSAN KA BAXSHAY DOORASHADA GUUD MADAXTINIMADA SOOMAALIYA SANADKA 2020 !!

0
08 April, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQOONYAHANADA ADARAGTIDA FOG KOONFURTA SOOMAALIYA OO SAADAAL SIRO XAMBAARSAN KA BAXSHAY DOORASHADA GUUD MADAXTINIMADA SOOMAALIYA SANADKA 2020 !!

    Midowga warbaahinta afka dheer Koonfurta Soomaaliya oo u dhaaratay asalkaba inay shacabkeeda ugu adeegto sida xalaasha ah waafiqsan nidaamka caalamiga ah caddaaladdu ay ku dheehan tahay, islmarkaana had iyo jeer u taagan inay wararka daahsoon iyo kuw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga warbaahinta afka dheer Koonfurta Soomaaliya oo u dhaaratay asalkaba inay shacabkeeda ugu adeegto sida xalaasha ah waafiqsan nidaamka caalamiga ah caddaaladdu ay ku dheehan tahay, islmarkaana had iyo jeer u taagan inay wararka daahsoon iyo kuwa furan xasaasiga ah uga soo dhiraandhiriso shawliyada garaaryaha leh ee salka dheer, waxaa ay intii socdaaladeeda aan kala joogsiga lahayn ku jirtay studio-yaheeda bartamaha Yurub ay kula kulantay aqoonyahanada aragtida dheer siday tahay su'aalaha jawaabahooda sifmeeya, kuwaaso sida looga bartay aalaaba siraha qarsoon bulshada u soo bandhiga si ay uga sii fiijignaadaan suuragalnimada khataraha soo wajahan macaquulka yihiin in la baajiyo ogaanshyaha dabadii.

Barnaamijkan oo ahaa mid dadku intoodu badan aan ku sii baraarugsanayn ruqaansiga sanadaha inagu soo fool leh, si loogu sii diyaar garoobo xaaladaha iman doona iyo duruufaha ay xambaarsanaan karaan halisaha ku hoos jira, ayaa waxaa si daah furan uga hadlay aqoonyahanada aadka u odorasa siyaasadaha geeska Afrika, aqoonyahanadaaso runtii miskexda ay saaran tahay aad mooddo inay tahay mid u abuuran qarniyo aan weli la gaarin laga yaabo dunidan inay soo maraan.
Southern Media Co-Operation oo maykaroofanka ku aaddisay madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr Amaandhoorey ayaa ka shifay khiyaanada uu hanaanka doorashada dagsan 2020ka Soomaaliya ee (one man one vote) nin iyo codkii uu u xambaarsanaan karo dadka ka soo jeeda Koonfurta, kaaso uu ku tilmaamay haddii qorshahaasi cadowga soo jireenka ah soo yabyabtay laga hor tagi waayo, ummadda kulaasha dhulka webiyada ay Jahanamada Aakhiro horteed halaag cadaab adduun ku hooban doonaan xalkuna keliya uu yahay (maya) inay wada yiraahdaan si wada jir ah ina mar mayso tani, siduu warku u dhigay Datoorku.


Abwaan Cali Atoore oo ah suugaanyahan curiya suugaanta qaangaadhka ah ee Maayga iyo Maxaga Soomaaliga, islamarkaana ka soo kicitimay boqortooyada dalka Ingiriiska UK oo barnaaijkan muhiimka ah martiga ku ahaa, ayaa kaabay hadalada iyo saadaasha siraha ku fadhiya ee uu horudhac ahaan ugu furfurtay Dr Amaandhoorey.

Wariye sare Xasanoos ayaa isaguna geestiisa dhaliil culus u soo jeedshay guud ahaan raga siyaasadda horboodaya matila Koonfurtu inaysan ahayn inay u soo qaadaan waxa nuucaasi khayaanada ah shacabka lagu dhamaynayo laguna duudsiinayo xuquuqdooda muwaadinimo ee la doonayo kuluyoom iyo sanaayin kasto yimaada inay qabbaan u ahaadaan dad iyaka la mid ah aan bil iyo beri biya cabaal midna dheerayn intuba, iyado uu ugu baaqay bal inay mar uun dhirifaano waa siyaasiyinte, intay dhiilloodaan dhooma buuxsadaan dhexda dhuuqsadaan dirir aan sinaba looga baaqsanayn gobanimadu lagu helayo loogana baxayo gunnimadan ku weegaaran waayahan dadweynaha Koonfurta Soomaaliya oo lagu yiqiin sharaf iyo karaamo waa

Aqoonyahan Cali Atoore waxaa uu hoosta ka xariiqay in haddaan reer Koonfurku iyadoon xisbiyo siyaasadeed ay u madax banaan yihiin la helin, distoorka qabyaqoraalka aan la dhamaystirin, nidaamka 4.5-na inta meesha laga saaro sidaasi wax lagu sheegay doorasho (one man one vote) qof iyo codkii lagu galo, ay la macna tahay shucuubta ugu tirada badan Soomaaliya siyaasadahooduna haatan sida xawliga u soo kobcaya ee Koonfurtu, inay nolosha isku aasaan, hadalkaaso kolka la sii fasiro biya dhiciisu noqonayo, balcan baacuuri hal bacaad lagu lisay dadaaladii iyo halgankii ay soo galeen shacbigan teeriyo waqtigii gumeysigu dirirtu ay kala soo bilaabeen min gees ka gees guud ahaan geiyga Soomaaliya 1947kii, kamana marnayn barnaamijku si cod dheer leh in loogu gorfeeyay fadqaladaha kooxda qaswadayaasha qabqablaha soo daahay ee uu hoggaaminayo Farmaajo dalka iyo dadka sida uu u galayo iyo waliba diktaatooriyadda uu caddaystay, Ummuuraha baarlamaanka xalaasha ah iyo gudoonkooga Jawaari iyo waxa la gudboon inay isku difaacaan, dhibaatooyinka soo siyaadaya ganacsatada Koonfureedka Puntland lagu hayo iyo sida laga yeelayo, darbiga Buuloa-Xaawo Kiinyaatigu shacbigu dhamaynayo, mooryaanka ajnabiga ah Axmed Madoobe dhulka Koonfureed qayb ka mid ah xoogga ku haysta fadhiya magaalada dekadda Kismaanyo, tuulooyinka degmooyinka qolyaha qariibka ah loogu baddalayo danta laga leeyahay sida Yeed iyo ciidanka militariga Afka Maayga ku hadla waxa la gudboon goorta Farmaajo iyo atbaacdiisu sharcidaradoonki doonayaan inay ku dilaan mawaaddin Reer Koonfur ah, iyado muuqaalkaasi siraha badan kashifaya dhowaan aad ka daawan doontaan hadduu Rabbigu idmo qaybaha hoose dhamaan warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya dunida dacalladeeda.

 Adaa baran waayay, adaa baran waayay buuggii lagu siiyay amar Alle laakiin !!
 

By: Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip