Yaa lagu wadaa in Jawaari lagu badalo? Shaqsiyaad ku loolamaya Magacyo & qabiilo Xogmuhiima?

0
09 April, 2018 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa lagu wadaa in Jawaari lagu badalo? Shaqsiyaad ku loolamaya Magacyo & qabiilo Xogmuhiima?

    iyadoo Maalinta berito ah lagu wado in Mooshin xilka loogu qaado Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ama is casilo ayaa waxaa durba soo if baxaya shaqsiyaad aay kala wataan R/wasaare Kheyre Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyadoo Maalinta berito ah lagu wado in Mooshin xilka loogu qaado Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ama is casilo ayaa waxaa durba soo if baxaya shaqsiyaad aay kala wataan R/wasaare Kheyre Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan & Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Hadaba Shaqsiyaadka  kala wata Ururudda iyo qabiilada  aay ka soo jeedan Musharaxiinta  doonaya hadii  Gudoomiyaha is casilo ama Mooshinka berito  lagu wado xilka loogu qaado Gudoomiye Prof:  Maaxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaan xog hoose ku helnay.

1: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u wata Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen (Badni) oo udhashay Digil & Mirifle jufada , Dabare isaga oo dhankale u balan qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhigi doono shaqsiyaad kale.


2:  Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Fahad Yaasin ayaa dhankooda wata sedax Musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle  , ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay sidoo kalane katirsan kooxda Alla Sheekh ee Madaxweynahii Hore Dowladda KMG Sheekh Shariif Halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta.

3: Faarax Sheekh Cabdullqaadir oo kamid ah Hogganka Sare Kooxda Damjadiid ayaa wata Musharax shariif Maxamed Cabdalla  oo una dhashay Digil & Mirifle jufada , Asharaaf oo kamid ah kooxda AL Islaax horayna isku xisbi u ahaayeen balse isku qabteen doorashadii 2012 oo aay soo kala sharaxdeen Cabdiraxman Baadiyoow iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeyn xiligaas noqday Madaxweynahii haatan lagu badalay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Faarax  Sheekh Cabdulqaadir ayaa raba in hadii shaqsigaasi ku guuleesto Gudoomiyaha Baarlamaanka in Mooshin xilka loogu tuuro Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidaasna ku taageerayo maadama is fahan uu dhex maray.

Maalinta berito waxaay u baddan tahay sida muuqata in Gudoomiye Jawaari is casilo ama Mooshin Xilka loogu qaadi doono maadama Kooxo baddan isku biirsadeen dhanka kale waxaa Mooshinka ka soo horjeestay Sheekh Aadan Madoobe oo ogaaday in shaqsiyaad kale loo wado Gudoomiyaha Baarlamaanka balse waxaa la sheegay in aay ka go,an tahay in uu isku sharaxo Xilka Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Sidoo kale Waxaa jiro Musharax taagero badan ku dhex leh Baarlamaanka Fedaraalka Somalia, balse qofna aay wadan waa Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow, oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Ee Somalia isla markaana ah Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo la xaqeejiyay in uu isku  sharaxi doono Gudoomiyaha Golaha shacabka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip