Musharaxiin Hawiye u Baddan oo Iskuu soo sharaxay Guddoonka Golaha Shacabka Xog Culus!

0
10 April, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 1723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxiin Hawiye u Baddan oo Iskuu soo sharaxay Guddoonka Golaha Shacabka Xog Culus!

    "Iyadoo dhawaan uu si rasmiya ugu dhawaaqay in xilkii iska casilay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) cadaadis badan oo kaga yimid dhanka Madaxweynaha Iyo Xukumadda uu hoggaaminaayo Muddane Xasan Cali Khayre oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Iyadoo dhawaan uu si rasmiya ugu dhawaaqay in xilkii iska casilay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) cadaadis badan oo kaga yimid dhanka Madaxweynaha Iyo Xukumadda uu hoggaaminaayo Muddane Xasan Cali Khayre oo khilaaf usoo kalla dhex galay ayaa waxaa soo ifbaxaaya in durba shaqiyaad miisan culus ku dhex leh gudaha Gollaha Shacabka una dhashay Beelaha Hawiye isku soo sharaxi doonaan xilkaasi.


Kullanka Ugu horeeya ee Gollaha Shacabka yeelan doonaan ayaa la filaaya in aay iska soo dhex saaran Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya kadibna -aay ku dhawaaqi doonaan waqtiga rasmiga ee araajida murashaxiinta utaagan qabashada xilka gudoomiyaha baarlamanka la qabanayo maadama sida sharaciga Dastuurku Dalka qoraayo in muddo 15 Maalin gudahood lagu soo doorto Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.


Ilo wareedyo Muhiima ayaa inoo xaqeejiyay in Xildhibaano Miisan Culus ku dhex leh Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kana soo jeeda Beelaha Hawiye isku soo sharaxayaan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka kuwaasi qaarkood isku heyb yahiin R/wasaare Khayre.


Gudoomiyaha Xilka iska casilay ee Gollaha Shacabka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo Ka soo jeedda Beelaha Digil &Mirifle ayaa haatan lasaadilinaya in ubadali doono shaqsi ka soo jeedda Beelaha Hawiye maadama Muwaadin walbo oo Soomaaliya, xaq u leeyahay in uu jagadaasi isku sharaxi karo.


Haddii shaqsi kasoo jeeda Beellaha Hawiye xilkaasi Gudoomiyaha Gollaha Shacabka loo doorto waxaa meesha ka baxaaya Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Maadama nidaamka awood qeybsiga lagu heshiiyay yahay 4.5 sidaasina beellaha Digil &Mirifle waxaay ku helaayaan markii ugu horeeysay ilaa 1960 Xurnimada Soomaaliya, markii aay qaadatay kadib xil aan aheyn Gudoomiyaha Gollaha Shacabka waxaayna fursad u helaayan Xilka Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Fedaraalka .


Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muddane Xasan Cali Khayre, oo si weyn ugu walaacsan arrintaasi ayaa durba bilaabay in uu soo sharaxo shaqiyaad kasoo jeeda Beesha uu ka dhashay Gudoomiyahii Xilka iska casilay Prof: Jawaari sidoo kalane wuxuu doonaya in uu raadsho sharci loogu hortagaayo in shaqsiyaad aan Beesha Gudoomiyahii Hore udhalan aynan isku soo sharaxi karin maadama Xilkiisa uu halis galaayo Waxana laga yaabaa haddii la'isku dayo wax is hortaaga in qalqal siyaasadeed oo baahsan lagalala kulmo xildhibaanaduna ay xaq u leeyihiin inay u tartamaan jagadaas Gudoomiyaha Baarlamaanka .


Haddii Shaqsiyaadka Miisaanka culus kudhex leh Gollaha shacabka una dhashay Beesha Hawiye isku soo sharaxaan Xilkaasi waxaa loo badaniya in aay ku guuleestaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip