Yaa Lagu Wadaa In Jawaari Lagu Badalo? Shaqsiyaad iyo Ururo Ku Loolamaya Magacyo & Qabiilo!

0
14 April, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Lagu Wadaa In Jawaari Lagu Badalo? Shaqsiyaad iyo Ururo Ku Loolamaya Magacyo & Qabiilo!

    iyadoo dhawaan uu xilkii iska casilay Pof: Jawaari ayaa waxaa durba soo baxaya shaqsiyaad aay kala wataan Shariif Xasan & Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo fahad Yaasin .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyadoo dhawaan uu xilkii iska casilay Pof: Jawaari ayaa waxaa durba soo baxaya shaqsiyaad aay kala wataan Shariif Xasan & Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo fahad Yaasin .


Hadaba Shaqsiyaadka aay kala wataan Ururudda iyo qabiilada aay ka soo jeedan Musharaxiinta doonaya oo aan xog hoose ku helnay.

1:Madaxweyne Farmaajo R/wasaare Khayre Fahad Yaasin ayaa dhankooda wata Afar Musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle , ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay sidoo kalane katirsan kooxda Alla Sheekh ee xisbiga Madaxweynahii Hore Dowladda KMG Sheekh Shariif Halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta .

Sidoo kale waxaa Jiro Musharax Madaxweyne Farmaajo wato oo uu Abti yahay laguna Magacaabo Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) oo aan wax aqoona laheyn balse la rabo in awooda Baarlamaanka in lagu wiiqo la rabo.

2: Faarax Sheekh Cabdullqaadir oo kamid ah Hogganka Sare Kooxda Damjadiid ayaa wata Musharax shariif Maxamed Cabdalla oo una dhashay Digil & Mirifle jufada , Asharaaf oo kamid ah kooxda AL Islaax horayna isku xisbi u ahaayeen balse isku qabteen doorashadii 2012 oo aay soo kala sharaxdeen Cabdiraxman Baadiyoow iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeyn xiligaas noqday Madaxweynahii haatan lagu badalay Maxamed Cabdullahi Farmaajo sidoo kale wata balse aynaan war isku heyn Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Cabdiweli Muudeey oo doonaya in isaga ku shaqeesto.



Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa raba in hadii shaqsigaasi ku guuleesto Gudoomiyaha Baarlamaanka in Mooshin xilka loogu tuuro Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidaasna ku taageerayo maadama is fahan uu dhex maray.


3: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u wata Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen (Badni) oo udhashay Digil & Mirifle jufada , Dabare isaga oo dhankale u balan qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhigi doono shaqsiyaad kale.

4:Sidoo kale Waxaa jiro Musharax , qofna aay wadan waa Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow, oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Ee Somalia isla markaana ah Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo la xaqeejiyay in uu isku sharaxi doono Gudoomiyaha Golaha shacabka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip