Gaas: "ma jirto cid noo buuxin karta kaalinta Imaaraadka

0
16 April, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaas: "ma jirto cid noo buuxin karta kaalinta Imaaraadka

    Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay saldhigga Ciidanka Badda Puntland ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ama cid kale oo u buuxin karta kaalinta ay Imaaraadka ugu jirto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay saldhigga Ciidanka Badda Puntland ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ama cid kale oo u buuxin karta kaalinta ay Imaaraadka ugu jirto.


Waxaa uu beeniyay in Puntland ay xiriirka ku jartay Imaaraadka isaga oo sheegay in IMaaraadka ay kaalin weyn ka qaateen tababarka Ciidanka Puntland sidoo kalena ay mahsaariic malaayiin dollar ah ka wadaan degaannada Puntland.

Gaas waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uu ka filayo in ay sii wadaan taageerada Puntland iyada oo uu jiro khilaaf dhinaca diblamaasiyadda ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Maalin ka hor Garoonka Diyaaradah Boosaaso waxaa ka baxay Diyaarad qaadday taabaraayaasha Ciidamada Puntland oo u dhashay Dalka Imaaraadka,waxaana ay baxeen iyaga oo uu muran kala dhexgalay Ciidanka ilaalada Garoonka.

Dowladda Fedetaalka ayaa dhawaan sheegtay in Ciidamada ay tababartay Imaaraadka la wareegeyso dowladda Soomaaliya,intaas kaddibna waxaa xigtay in dowladda Imaaraadka ay ka baxdo Muqdisho iyo Puntland.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dib u hagaajinta xiriirka Dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip